Ergeyga Gaarka ah Mahiga oo hadal ka soo saaray horumarka laga gaaray geeddi-socodka siyaasadda

25 Jul 2012

Ergeyga Gaarka ah Mahiga oo hadal ka soo saaray horumarka laga gaaray geeddi-socodka siyaasadda

Muqdisho, 23 July 2012 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Dr Augustine Mahiga, ayaa maanta soo dhoweeyay horumarka laga gaaray dhammeystirka iyo xaqiijinta ergada Golaha Qaran ee Ansaxinta Dastuurka. Waxaa maalinta Arbacada ee toddobaadka billaabmaya 9kii maalmood ee shirka Golaha Qaran ee Ansaxinta Dastuurka, halkaasoo looga doodayo, loogu codeynayo, laguna ansaxinayo dastuurka ku meelgaarka, kaasoo noqon doona asaaska ay ku shaqeynayaan hay'adaha federaalka Soomaaliyeed ee cusub wixii ka dambeeya bisha Agoosto 2012. Dastuurku wuxuu kaloo noqon doonaa asaaska isbedelka dastuureed ka hor intaan ugu dambeyntii lagu ansaxinin afti dadweyne.