Ergeyga Gaar ah ee Xoghayaha Guud oo la Hadlay Dadka Soomaaliyeed

10 Jul 2012

Ergeyga Gaar ah ee Xoghayaha Guud oo la Hadlay Dadka Soomaaliyeed

As-Salaamu Calaikum,
Saaxiibadeyda qaaliga ah, waxaan maraynaa marxalad xasaasi ah ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya. Dhowr horumar oo la taaban karo ayaa la gaaray tan iyo markii iigu dambeysay ee aan warqad idiin soo qoray bishii Maarso. Waxaan aad ugu dhownahay inaan markhaati ka noqono mid ka mid ah dhacdooyinka siyaasadda ugu muhimsan ee jiilkan (waqtigan): taasoo ah in Golaha Qaran ee Ansaxinta Dartuurka Soomaaliyeed (NCA) oo ansaxiya qabyo-qoraalka dastuurka ku meelgaarka ah.