SRSG Agustine P. Mahiga oo ka hadlaya maalinta caalamiga ah ee haweenka addunka

8 Mar 2012

SRSG Agustine P. Mahiga oo ka hadlaya maalinta caalamiga ah ee haweenka addunka

Maalinta Caalamiga ee Haaweenka Addunka (IWD) ama Maalinta Qaramadda Midoobay ee Xuquuqda Haweenka iyo Nabadda Caalamkuba, waa malin caalami ah, loona dabaaldego sannad walba 8 Maarso-guulaha dhaqaale, siyaaso iyo bulsho ee ay gareen haweenka adddunka taariikh ahaan-waddan walba ha joogaane.

In kastoo uu halgankan uu boqol jirsaday, hadanna dareenka addunka wuxuu soo jeetay oo keliya sannaddii 1975 markaas oo ay ahayd markii Qaramadda Middobay ay u qonsatay in ay ahaato Sannadii Haweenka Addunka, waxaana la qabtay Shirwaynihii ugu horeey ee looga hadlayey arrimaha Haweenka. Sidoo kalena kal-fadhigii Guud ee Qaramadda Middobay (ee xiligaas) ayaa ugu baaqay waddamadda xubnaha ka ah Qaramadda Middobay in ay u aqoonsadaan 8 deeda Maarso maalinta Xuquqda Haweenka iyo Nabadda Caalamka, sanadkaas oo ahaa 1977. Xuska Malinta Haweenka Calamka, waxaa looga danleeyahay in uu ka caawino waddamada addunka sidii loo cirib-tiri lahaa midab takoorka lagu hayo haweenka, iyo sidii wadamada xoog u saari lahaayeen in haweenka addunka ay si buuxda uga qayb galaan horumarka adduunka.
Mawduuca sannadkaan ee la xirira Maalinta Caalamka ee Haweenka Addunka waa: "isku xirka gabdhaha, iyo ku buraarijinta mustaqbalka". Arrintani way ka balaarantahay baaq loo jeediyo gabdhaha oo ah in ka qayb-galaan maalintaan muhimaddeeda oo keliya. Munaasibadaan waxay ka baaraan degaya sidii gabdhaha loo awood siin lahaa looguna diyaar-gareen lahaa in ay doorkooda mustaqbalka ku aadan ka qaatan madaxnimada berito. Inkasta oo tiradda haweenka iyo gabdhaha ay waddamada qaarkood ka badantahay badh dadweynaha waddamada intooda badan iyo adduunka oo dhanba, haddana sidaas oo ay tahay wax-yar un baa aqoonsan in helitaanka fursad loo wada siman yahay-ay ku xeran tahay jiritaanka nabad iyo horumar waara.
XafiiskaQaramadda Middoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS), oo garab taagan dhamman haween- waynaha adduna, gaar ahaan ku ay haysato colaadda ama hadda ka soo kabanaya colaada , ayaa muujinayaa sida uu u barbartaaganyahay iyo raaliahaanshahiisa ku saabsan halganka ay haweenka ugu jiraan nabadda iyo xasiloonidda Soomaaliya. Haweenka Soomaaliyeed, haddey yihiin kuwa waddanka gudihiisa ama dibaddiisa Joogaba, waxa ay mar-hore garteen in Nabadda iyo Xasiloonidda ay shuruud aan gor-gortan laheen u yihiin- helitaanka horumar waara, taas oo ku cad doorka wayn ee ay haweenka hory ooga cayaareen- (waddankooda), welina ay hadda ka cayaarayaan isla wadanka sidii nabad waarata loo heli lahaa.
Halbeegga ama Yoolka seddexaad ee 'Mileeniamka" ayaa ku baaqaya in la horumariyo sinaanshaha Ragga iyo Haweenka iyo Awood-siinta haweenka. Arrimahanna waxaa ka mid ah: baabi-inta sinaan-la'aanta Ragga iyo Haweenka ee heer-walba leh, sida waxbarashada, Sidoo kalena Halbeegu wuxuu dalbanaysa in wixii fursado ah oo jiro in ay u sinaadaan gabdhaha iyo wiilasha, haweenka, iyo ragga, kana qaybgalaan uadeegidda dadwaynaha-sida hannashada xafiisyadda Dowladda. Sidaas darted, waxaan oogu baaqayaa Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka Soomaaliyeed, Dowladd Goboleedyadda Puntland iyo Soomaaliland, Qurbajoogta, Ganacsatadda, iyo dadka Soomaaliyeedba, in ay maalgeliyaan gabdhaha, oo ay wax baraan, baabi-iyaanna caadooyinka wax dhimaalka leh ee hor-istaagaya horumarka gabdhaha, si doo kalena siinaya gabdhaha fursaddo shaqo gabdhaha xirfadlayaasha ah iyo gabdhaha yaryar ee hibadda gaarka ah leh. Gabdhaha oo la maalgeliyo waxay u dhigantaa mustaqbalka Soomaaliyeed oo la maalgeliyay.
Maalinta Caalamiga ee Habeenka Addunka waa maalin dib loo eegayo halganka haweenka ay ugu jiraan sinnaanta, nabadda iyo horumarka. Anaga haddii aan nahay UNPOS waxaan rabnaa fursaddani in aan hosta ka xariiqno horumarka ay sameyeen dumarka taas oo la xirirta koorka ku kordhay ka qaygalkooda geedi soocodka nabadeed Somaliyeed. Habka geedi socodka siyaasadeed ee hadda jira ("laguna magacaabo Roadmap ama Qorsho-howleed" ayaa waxaa ku qeexan howlaha ugu muhiimsan ee la doonayo in la hirgeliyo si loo dhameeyo xilliga Ku-meel-gaarka ah ee Somaliya, si dookale, qorshahani wuxuu si buuxda oo waxtar leh fursad u siinaysa dhamman qaybaha ay arrinta khusaynayso sida haweenka iyo dhalinyaradaba. Intaas waxaa dheer mabadiidi dhawaan lagu gaaray shirarkii wada tashiga ahaa ee lagu soo gabagabeeyey Garowe ayaa si cad u qeexaya tallaboyinkii lagu dhamayn lahaa xilliga kala guurka Bisha Agoosto. Mabaadidaas waxaa ka mid ah helitanka baarlamaan cusub oo nidaamka Federaalka ku dhuisan, iyo in la helo Gole Dastureed iyo Guddi Doorasho oo Madaxbanaan. Guusha wayn ee la garaay waxaa ka mid ah in 30% haweenka Somaliyeed ay ka lahaanayaan Baarlamaanka Cusub ee Federaliga ah, Golaha Dasturka iyo Guddiga Madaxbanan ee Dorashada.
UNPOS oo ugu hambalyeynayso haweenka Soomaaliyeed gushaa aan horey loo filaynin ee ay gareen, ayaa waxa ay doonaysaa in ay ugu baaqdo dadka Soomaaliyeed sida bulshada rayidka, odayaasha madaxda diinta, ragga, haweenka iyo dhalinyarada in ay ka fa'ideystaan fursaddan dahabiga ah, ayna siiyaan mudnaanta ay leedahay. Shaqo aad u wayn ayaa ina sugaysa, waxaana ka mid ah abaabulidda iyo xulidda kun qof (1000) oo noqon doona Golaha Dasturiga, kunkaasna waxaa lagu soo xulayaa habkii lagu heshiyey. Kunkaan waxaa ka mid noqonayaa 300 oo haween ah oo ka iman doona dhamaan Goballada dalka oo dhan iyadoo waqtiguna uu carriri yahay. Waxaan u baahannahay in aan soo xulno 67 haween ah oo ka mid noqonaya Baarlamaanka Federaliga ah iyo 5 kale oo haween ah oo loo soo xulayo Guddiga Doorashada Madaxbanan.
UNPOS waxay amminsan tahay in ragga iyo haweenka, wilasha iyo gabdhaha ay leeyahiin isku xuquq iyo fursad ay ku helaan aqoon iyo waxbarasho, ugana wada qayb galaan miiska go'aanka lagu gaaro. Bulshada ama dadka ka takoora qayb iyaga ka mid ah, sida haweenka iyo gabdhaha - xaquuqaha iyo fursadaha aan soo sheegnay- ma ahanayaan bulsho waari karta. Sidaas darteed waa in aan dhamanteen isula howl-galnaa sidii fursaddani ay nooga baxsan lahayn.