Letter to the Somali people (Somali version)

12 Mar 2012

Letter to the Somali people (Somali version)

As-Salaamu Calaykum,
In ku dhow lix toddobaad ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii aan idiin soo qoray waraaqdii iigu dambeysay, anigoo markaa uun u soo guuray magaalada Muqdisho. Waxaan u degay caasimadda si aan ugu dhowaado maalin walbana ula xiriiro dadka iyo madaxda Soomaaliyeed ee aan wada shaqeyno, taasina waxay nagu kaalmeynaysaa inaan "ka soo kabano waqtigii naga lumay." Waxaan welina ku sii dhiirrigelinayaa xubnaha kale ee bulshada caalamka inay halkan nagu soo biiraan iyagoon daahin si ay u muujiyaan hawsha ay ka hayaan Soomaaliya, ayna goobta u joogaan si ay kaalmo uga geystaan horumarinta geeddi-socodka nabadda.