Ergeyga Gaarka ah oo aad uga xumaaday weerarka ismiidaaminta ah ee lala beegsaday Tiyaatarka Qaranka

4 Apr 2012

Ergeyga Gaarka ah oo aad uga xumaaday weerarka ismiidaaminta ah ee lala beegsaday Tiyaatarka Qaranka

Muqdisho, 04 April 2012 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Dr. Augustine P. Mahiga, ayaa muujiyay sida uu uga naxay ugana xanaaqay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Golaha Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay maanta ka socotay xaflad dabbaaldeg ah. Waxaa la sheegay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan lix qof, tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen.