Ergeyga Gaarka ah Mahiga oo cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho

19 Mar 2012

Ergeyga Gaarka ah Mahiga oo cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho

Muqdisho, 15 Maarso 2012 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Augustine Mahiga, ayaa sida ugu kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu soo qaaday irridda laga soo galo Villa Soomaaliya, Muqdisho, oo ah xarunta Dowladda Federaalka KMG.