Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya oo caddeeyay in aad uga xunyahay dilka
Muqdisho, 24 May 2012 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobay (SRSG) uu qaabilsan Soomaaliya, Dr. Augustine P. Mahiga, ayaa aad uga xumaaday dilka naxariis darrada ah ee maanta magaalada Muqdisho loogu geystay
weriye Soomaaliyeed. Weriye Axmed Caddow Canshuur oo ahaa weriye ka tirsan
Idaacadda Shabeelle ayaa lagu toogtay laguna dilay magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah. Weriyahan waa kii lixaad ee lagu dilo Soomaaliya sannadkan.