Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud Danjire oo Soomaaliya uga tacsiyaynaya geerida Madweynihii hore
Muqdisho, 23 Maarso 2012 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga,ayaa maanta sheegay inuu aad uga murgooday geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed. "Anigoo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay, waxaan taci tiiraanyo leh u dirayaa qoyska uu ka geeriyooday Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed, asxaabtiisa, Dowladda Federaalka KMG iyo dadka Soomaaliyeedba, waxaana uga tacsiyaynayaa geerida ku timid marxuumka", ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Mahiga.