6 Sebtembar 2025 - Soomaaliya ayaa dib-u-dhismeysey ka dib tobannaan sano oo dagaal iyo colaad sokeeye ay ka jireen, waxaana taageerada beesha caalamka – oo ay ku jirto tan Qaramada Midoobey – ee lagu kaabayey dadaalkeeda ayaa ahayd mid aad u ballaaran, oo taabaneysey arrimo kala duwan min gargaar bani’aadamnimo iyo horumarin dhaqaale.
Mid ka mid ah arrimahaasi waa xoojinta hay’adaha amniga qaranka ee dalka iyo kobcinta xirfadaha ciidamada amniga Qaranka Soomaaliyeed.
Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Kaalmada QM ee Soomaaliya (UNTMIS) dhexdiisa, qaar ka mid ah khubarro ka mas’uul ah taageerada arrimahaas la xiriirta ayaa ku sugan Dib-u-habeynta Waaxda Difaaca/the Defence Sector Reform (DSR), oo bixineysa taageero isuduwid la siinayo waaxda amniga iyo taageero la-talin mileteri.
Waaxda DSR oo ah qayb ka mid ah Kooxda Talinta Sharciga iyo Hay’adaha Amniga ee UNTMIS waxaa ay hagtaa dib-u-habeynta hay’adaha qaranka Soomaaliyeed iyada oo loo marayo hababkii isuduwidda ee dhisnaa, waxaana ay xiriir wada-shaqeyn la sameysaa bah-wadaagta caalamiga ah ee amniga, waxaa ay taageertaa hirgelinta qorshaha Horumarinta Amniga ee Soomaaliyeed, waxaana ay talo dad ka siisaa sida arrimaha mileteri ee soo kordha ay saameyn ugu yeeshaan siyaasadda, iyo taas cagsigeeda.
Waaxda waxaa ay iskaashi dhow la leedahay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed / the Somali National Army (SNA), Ciidamada Midowga Afrika / African Union forces (AUSSOM), iyo daneeyeyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed si loo hubiyo in la gaaro natiijooyin wada socda, waara oo ay hoggaanka u hayaan Soomaalida; waxaana ka shaqeeya koox khubarro mileteri ah oo ka kala soo jeeda Ghana, Hindiya, Senegal, Sierra-Leone, Turkey, Uganda iyo Ingiriiska (UK).
Waxaa hoggaamiya La-taliyaha Sare ee Dhinaca Mileteriga ee UNTMIS, Jeneraal Mohamadou Abdoulaye Sylla, oo ah sarkaal ciimada lugta ah oo ka tirsan Forces armées du Sénégal (oo tarjumaaddeedu tahay: Ciidamada Qalabka Sida ee Senegal) oo waayo-aragnimo ka badan 30 sano ku dhex leh mileteriga dalkiisa, oo sidoo kale hawlgallo nabadeed oo QM horey ugala soo shaqeeyey Rwanda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo iyo Suudaan .
Jeneraal Sylla ayaa dhowaan booqdey Baydhabo, oo ah magaalada ugu ballaaran Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

05:30 a.m. – Bilow aan ka baaqsi lahayn
Marka ay qorraxdu soo baxaysaba, Jeneraal Sylla waa uu taagan yahay! Maaddaama uu 32 sano uu ku soo jirey nolol mileterinimo oo uu aaminsan yahayna faa’iidooyinka uu jimicsigu uu qofka u leeyahay inta uu nool yahay, waxaa uu toosaa goor hore si uu u bilaabo jimicsigiisa maalinlaha ah – iyada oo aaney goobta jimicsiga ka jirin buuq, iyo dad ku ciriiriya toona.
“Sida ay anniga ila tahay, ma jirto si ka wanaagsan sidan oo aad ku bilowdo maalintaada: xoogaa dadaal ah, xoogaa dhidid ah, wadnaha oo laga shaqeysiiyo si uu dhiiggu u tuuro ka dib waxaan diyaar u ahay waxa Allaale wixii maalintaa iga soo hor baxa!” ayaa uu yiri Jeneraal Sylla isaga oo ku guda jira sameynta layliyada kala duwan oo hadba miisaan qaadaya.
“Isboortigu waa waxa keliya ee uu askarigu naftiisa u qabto inta uu ka tirsan yahay mileteriga. Dhab ahaan, wax kasta oo aad sameynayso cid kale ayaad u sameyneysaa adiga oo u adeegaya, laakiin inta aad jirkaaga u dhiseyso hawlgalka aad dadka ugu adeegeyso, waxaad ka heleysaa caafimaad iyo firfircoonni naftaada faa’iido u leh,” ayaa uu hadalkiisa raaciyey.

07:30 a.m. – Isaga oo jooga fadhiga iyo isaga oo socda laamiga
Isaga oo soo dhammeystey jimicsigiisa iyo quraacdiisaba, Jeneraal Sylla waxaa uu durba joogaa tas-hiilaadka diyaaradaha QM ka baxaan ee Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, isaga oo u diyaar ah in uu sii raaco duulimaadka QM ee aadaya Baydhabo. Gaadiidka maanta la raacayo waa Antonov An-26, oo ah faras shaqo oo ka tirsan diyaaradaha tirade yar ee QM u adeegsato safarrada kala duwan ee u dhexeeya Muqdisho iyo qaybaha kale ee dalka.
“Ciidanka looguma biiro in aad ku raaxaysato – oo Qaramada Midoobeyna waa la mid! Intiiba si bedqab ah ay kugu geyneyso ayna inta ay Meel kaa qaaddo Meel kale ku geyneyso,” ayaa uu yiri Jeneraal Sylla inta uu sugayey in lagu dhawaaqo in la gaarey waqtigii la raaci lahaa duulimaadkiisa.

08:30 a.m. – Hawada ayuu ku jiraa
Duulimaadka waxaa uu Muqdisho iyo Baydhabo u kala socdaa saacad keliya – laakiin Jeneraal Sylla waxaa uu u yahay in uu waqtigiisa si fiican uga faa’iideysto. Waxaa uu naqtiimayaa xusuus-qorkii uu u diyaarsadey shirarka u qorsheysan guud ahaan maalintaa.
Si guud marka loo eego, ka La-taliye Sare oo QM ahaan, waxaa laga filayaa in uu waqtigaa la taagan yahay uu talo u bixiyo si ku saleysan waxyaabihii u dambeeyey ee ku soo kordhey siyaasadda iyo amniga. Hawsha maanta uu u socdo waa in uu soo qiimeeyo amaanka xarunta weyn ee QM iyada oo laga eegayo in ay jiraan wax un halis ah oo dibadda kaga imaan kara.
“In loo baxo oo lala soo kulmo dadka ay arrintu idinka dhexeyso ee ka tirsan dowladda Soomaaliyeed iyo ciidamada amniga, iyo sidoo kale kuwa ka socda bah-wadaagta caalamiga ah sida ciidamada ka tirsan nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika ee halkan jooga waa mid muhiim ah. E-maillo iyo wacitaanno fogaan-arag ah (video calls) waxtar waa leeyihiin, laakiin in inta la baxo lala soo kulmo oo si fool-ka-fool ah loola soo niqaasho dadka ay arrintu idinka dhexeyso waa qayb aasaasi ah oo ka mid ah dhisidda isku-kalsoonnaanta iyo is-aaminaadda iyo in si dhab ah loo soo ogaado culeysyada jira iyo sida aan gacan uga geysan karno ayaa qayb muhiim ah ka ah hawsha aan halkaan u imid,” ayaa uu yiri Jeneraal Sylla waxyar ka dib markii ay diyaaraddu degtey.

09:00 a.m. – Waxaa laga degey Baydhabo
Baydhabo oo ay ku nool yihiin 1.7 milyan oo qof, oo ay ka mid yihiin dad tiro badan oo ku barakacay colaadda Soomaaliya kala dhaxaysa kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab iyo raadadka cimilada sii xumaanaysa, waa magaalo weyn oo ku taalla Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo ahna caasimaddeeda ku-meelgaarka ah.
Saraakiil iyo khubarro ka tirsan hannaanka QM – oo ay ka mid yihiin hay’ado bani’aadamnimo oo tiro badan sida Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga iyo Hay’adda Qaramada Midoobey ee Socdaalka – ayaa ku shaqeeya xarun weyn oo ay wadaagaan oo ku dhinac taalla Garoonka Caalamiga ah ee Shaati-Gaduud. Xarunta weyn iyo xarunta maamul ee u dhow waxaa ilaaliya Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya iyaga oo hoos imaanaya dalladda AUSSOM.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ilaa xad waa dhul ka cagaarnaan badan oo kana dhir badan degaannada kale ee dalka. Cirku daruuro ayuu leeyahay waxaana Jeneraal Sylla salaameysa neecaw qabow marka uu diyaaradda ka degayo ee uu garoonka uga sii baxayo dhinaca Xarunta Weyn ee QM.
“Dhowaanahan roob ayaa da’ayey, kaas oo ah wax u wanaagsan xaaladdii abaarta ee ba’neyd ee jirtey, laakiin waxaa uu sidoo kale degaanka ka dhigaa mid cagaaran oo mar kasta i soo xusuusinaya xilli-roobaadka dalkeyga,” ayaa uu yiri Jeneraal Sylla, isaga oo xasuusanaya dalkiisa, Senegal, oo 7,000 mitir inoo jira oo ku yaalla qaaradda dhinaceeda kale.

09:15 a.m. – Kulanka koowaad: Madaxa Xafiiska
Safarradan uu Jeneraal Sylla ku marayo guud ahaan Soomaaliya waxaa saameyn ku leh jadwalka duulimaadyada xaddidan ee mararka qaarna la bedbeddelo. Waxaa uu isku dayaa in jadwalkiisu uu buuxo si uu uga faa’iideysto daqiiqad kasta oo uu ku sugan yahay mid kasta oo ka mid ah degaannada.
Waxaa uu door-bidaa in uu booqashooyinka noocan ah uu ku bilaabo munaaqasho uu la yeesho madaxda Xafiiska UNTMIS – markan, waa Magnus Bjarnason, oo madax ka ah xafiiska Baydhabo, ahna muwaadin u dhashey dalka Iceland oo Qaramada Midoobey muddo toban sano ah ugu shaqeynayey Soomaaliya, kuwaas oo badidoodu uu madax ka ahaa xafiis-degaameedyada UN -ka ee ku kala yaalla guud ahaan dalka.
“Madaxda xafiisyada UNTMIS ay ku leedahay guud ahaan Soomaaliya waxaa ay mas’uul ka yihiin taageero siyaasadeed iyo mid qaran-dhis oo la siiyo xukuumadaha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, waxaana ay xaruntoodu tahay caasimadaha dowlad goboleedyada kala duwan. Waxaan mar walba aad u jecelnahay in aan hubinno in arrimaha maxalliga ah ee ka jira degaanka ay si cad u fahmaan saaxiibadda ka shaqeynaya hawsha guud ee arrimaha ee heerka qaran, ayaa uu jiri Mr. Bjarnason ka dib kulankooda.
Jeneraal Sylla ayaa ku raacay: ”Muhiim bey ii tahay in aan ogahay xaaladda guud iyo in aan helo warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan arrimaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee is-bedbeddelaya ee ka jira degaanka, dhab-ahaanna waa intaas waxa uu Magnus i siiyey maanta. Si dad ku filan carrabka uguma adkeyn karo sida ay muhiim u tahay in cid indho iyo dhego kuu ah oo kuu joogta degaanka si aad si toos ah ugu hesho macluumaadkan.”

10:00 a.m. – Kulanka labaad: Taliyaha Sektarka 3aad
Kulankii uu la yeeshey Mr. Bjarnason ka dib, Jeneraal Sylla waxaa uu u jahaystey xarunta weyn ee u dhow oo ay deggan yihiin ciidamo ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF).
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa uu xuduud la leeyahay Itoobiya, waxaana ciidamada Itoobiya ay leeyihiin taariikh dheer oo taageero mileteri ay siinayeen Soomaaliya. Waxaa ay ka soo bilaabaneysaa bilowgii dagaalka sokeeye ee dalka waxaana ka mid ah in ay yihiin mid ka mid ah dalalka ciidamada ku biiriyey hawlgallada nabad-ilaalinta ah ee Midowga Afrika ee ay Qaramada Midoobey taageerto ee Soomaaliya ee sanadaha badan socdey – kan uu hadda u xuubsiibteyna waa Hawlgalka Midowga Afrika ee Kaalmada iyo Xasilinta Soomaaliya / the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM).
Ciidamada AUSSOM ee qaybaha dalka kala jooga marka laga hadlayo, gobolka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa loo bixiyey Sektarka 3aad, iyada oo ciidamada ENDF ay mas’uul ka yihiin in ay ciidamada degaanka gacan ku siiyaan xasilinta degaannada ku hareereysan.
Degaannada ku hareereysan Baydhabo waxaa lagula dagaalamayaa Al-Shabaab oo Xarunta Weyn ee QM kuma cusba weerarro hoobiyeyaal iyo gantaallo ah. Iyaga oo taageeraya maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ciidamad ENDF ee halkaa ku sugan waxaa ay door weyn ka qaataan ilaalinta amniga degaannada ku hareereysan.
Xarunta dhexe ee Sektarka 3aad ee AUSSOM, Jeneraal Sylla waxaa uu kula kulmayaa Sarreeye Guuto Besfat Fente Tegegn, oo ah Taliyaha Sektarka.
Munaaqashadooda waxaa ay diiradda saareysaa arrimaha amniga ee dhowaanahaan ka soo cusboonaadey gobolka, kala-shaqeynta hawlaha ee ciidamada Soomaalida, iyo xoojinta hawlgallo

10:30 a.m. – Difaacyada xarunta weyn
Ka dib kulankii uu la qaatey hoggaanka Sektarka 3aad ee AUSSOM, Jeneraal Sylla waxaa uu u baxayaa kulan gaaban si uu warbixin u soo qaato warbixin ku saabsan hannaanka Ka-hortagga Gantaallada, Madaafiicda iyo Hoobiyeyaasha ee ee Xarunta Weyn ee Qaramada Midoobey / the UN Compound’s Counter-Rocket, Artillery and Mortar (CRAM) system.
Hannaanka oo ay ku shaqeeyaan kooxda ciidanka ENDF waa cunsur muhiim ah oo ka mid ah waxyaabaha loo adeegso bedqabka degaannada la ilaalinayo.
Hannaanka oo diyaarintiisu ay si dhow isaga kaashadeen QM iyo AUSSOM, waa qayb muhiim ah oo ka tirsan kaabayaasha amniga ee Baydhabo ku yaalla.
Jeneraal Sylla, booqashadu waxaa ay u tahay fursad uu ku qiimeeyo u-diyaarsanaanta hawlgallada iyo in uu xoojiyo muhiimadda ay leedahay isuduwidda hawlaha lagu ilaalinayo dadka iyo hantida.

11:00 a.m. – Socod lagu kormeerayo arrimaha amniga
Isaga oo weli ku guda jira arrimaha amniga shaqaalaha QM, ayaa Jeneraal Sylla waxaa uu intaa ka dib raacayaa sarkaal sare oo QM u qaabilsan amniga, Alan Mahbubul, si ay socod ugu soo mar-maraan xarunta weyn.
Marka laga soo tago eegista arrimaha farsamada, munaaqashadu waxaa ay muujineysaa ujeeddo taas ka gun dheer: hubinta bedqabka shaqaalaha QM si ay u sii wadan karaan hawshooda muhiimka ah ee lagu kaalmeynayo dadka Soomaaliyeed iyada oo loo marayo dadaallo nabad-ilaalin, bani’aadamnimo, iyo kuwo hormarin.
Mudane Mahbubul, oo ah muwaadin u dhashey Bangladesh oo waayo-aragnimo 21 sano ah u leh QM iyo sidoo kale Ciidanka Bangladesh, waa mid ka mid ah shaqaalaha Waaxda QM ee Bedqabka iyo Amniga / the UN Department of Safety and Security (UNDSS). Soomaaliya waa mid ka mid ah 131 dal ee UNDSS ay ka hawlgasho iyada oo hadafkeedu yahay in ay dad awood u siiso in si bedqab leh oo taabogal ah loo fuliyo barnaamijyada iyo waxqabadyada QM ee ka jira deegaannada ugu adag ee ay xaaladdoodu ugu culus tahay.

12:40 p.m. – Macasalaameyn degdeg ah
Duulimaadka Muqdisho ku soo noqonaya waxaa uu soo baxayaa casar-horraadka – taas oo Jeneraal Sylla siineysa waqti yar oo ku soo maro saaxiibbo kale oo ay wada shaqeeyaan.
Maaddaama uu haysto keliya toban daqiiqo, waxaa uu wada-sheekeysiga ugu gaaban la yeelanayaa saaxiibadda shaqada, oo uu ka mid yahay Sarkaalka War-isgaarsiinta Dadweynaha (Public Information Officer) ee UNTMIS u jooga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamednoor Cabdiqadir Cabdisalaan.
“Qaramada Midoobey waa meel laga helo waayo-aragnimo indhaha lagu kala qaado maaddaama ay isu keeneyso dad ka kala socda guud ahaan dunida si ay u qabtaan hawlo wanaaagsan – waxaan halkaan oo degaankeyga ah aan arrimaha horumarka kala munaaqashoonayaa sarkaal sare oo ka socda dhinaca kale ee kooxda,” ayaa uu intaa ka dib yiri Mudane Maxamednoor.
Mudane Bjarnason iyo Mudane Mahbubu waxaa ay Jeneraal Sylla u soo sagootinayaan garoonka diyaaradaha ee uu ka duulayo, halkaas oo uu si degdeg ah u xaqiijinayo duulimaadkiisa oo uuna u dhaqaaqayo diyaaradda sugeysa.

01:00 p.m. – Kicidda diyaaradda iyo soo-noqoshada
Matoorrada diyaaradda Antonov-ka ah ayaa xoogaa waqti ah qaata si ay u kululaadaan oo ay u kacaan, ugu dambeyntiinna diyaaraddu waa ay duuleysaa.
Inta uu duulimaadku ku soo dhowaanayo Muqdisho, muuqaalkii dhulkii cagaarnaa ayaa bilaabaya in uu isu beddelo mid dhul xeeb ah, dhul lama-degaan ah, iyada oo xeebtiisa cajiibka ah ee magaalada ay muuqaneyso.
Inta uu diyaaradda saran yahay, Jeneraal Sylla ayaa waqti yar ku qaadanaya in uu ku raaxaysto muuqaalka quruxda badan ee degaanka iyo in uu dib u milicsado wixii maalintaa uu soo qabtey iyo hawlaha ku soo fool leh.
“Mid ka mid ah faa’iidooyinka ay leedahay shaqada noocan ahi: waa in aad aragto muuqaallo cajiib ah! Jeneraal Sylla ayaa cod ka sarreeya guuxa matoorka diyaaradda ku oranaya, ka hor inta aaney diyaaraddu soo degin.

03:00 p.m. – Ku soo noqoshada xafiiska
Garoonka diyaaradaha waxaa uu Jeneraal Sylla toos uga aadayaa Xarunta Weyn ee QM ee Muqdisho ee u dhow halkaana waxaa uu ka sii aadayaa xafiiska si uu u macneysto dhammaan wixii uu soo maqley oo uuna ka soo bartey safarkiisa. Ka dib marka uu qoraalladiisii xusuus-qorka ahaa isu geeyo, waxaa uu booqashadiisa kala munaaqashoonayaa xubnaha kooxdiisa si loogu saleeyo qorshaha istiraatiijiga ah iyo talo-soo-jeedin xoojineysa arrimaha mudnaanta leh ee dib-u-eegista difaaca ee Hawlgalka.
“Mar walba waxaa wanaagsan in la qoro wax walba inta ay xusuustaada ku cusub yihiin, dabcan, laakiin sidoo kale, nolosha halkaan lama sii saadaalin karo iyada oo shaqooyin aan lagu sii talogelin ay soo baxayaan, sidaa daraaddeed waxaan door-bidayaa in aanan dib-u-dhigan – gaar ahaan maaddaama aan berri leeyahay kulan ay tahay in lagu soo qaado qaar ka mid ah waxyaabihii ku jirey booqashada,” ayaa uu yiri Jeneraal Sylla.
Marka uu sidaa leeyahayna, waa uu sii jeesanayaa waxaana uu bilaabayaa in uu ka shaqeeyo warbixinta.





