UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

MAQAAL – Cabdi Wali Xassan Xaashi: Min caseeyenimo ilaa bidhaaminta dib-u-dhiska Soomaaliya

Weli Hashi
Weli Hashi

Muqdisho, 6 Disembar 2025 – Cabdi Wali Xassan Xaashi qof caan ka ah telefiishannada Finland.

Shaqo uu soo wadey in ka badan 25 sano, ayaa 53 sano jirkan, waxaa dacallada kala duwan ee dalkan ku yaalla Waqooyiga Yurub, iyo sidoo kale 48 dal oo kale, ugaga soo warramey warbaahin reer Finland ah oo kala duwan, waxaana uu shaqadiisa daraaddeed ku guuleystey abaalmarinno badan.

Weli Hashi

Sanadihii dhowaa, ayaa 53-sano-jirkan, oo sidoo kale aad loogu yaqaanno naaneysta “Wali-Xaashi,” waxaa uu caan ka noqdey dacallada kala duwan ee dal kale – meel uu horey marar kala duwan uga soo cararey isaga oo rajeynayey mustaqbal wanaagsan.

Bilowgii hore

Mudane Xaashi waxaa uu 1972dii ku dhashey Mirig, oo ah tuulo yar oo waqooyi ka xigta Dhuusamarreeb, oo ah magaalo hadda caasimad u ah Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya. Laakiin, horraantii 1970-meeyadii, Dhuusamarreeb waxaa ay ahayd magaalo hurudda, oo boor miiran ah oo macno saas ah oo heer qaran ah lahayn.

Sanadihii hore ee noloshiisa waxaa ay ku tusmeysnaayeen dhibaato. Waalidiintiisa waxaa dhib ku ahaa in ay quudiyaan isaga ama saddexda walaalihiis ah, iskaba daa in ay iskuul geeyaane. Waxyaabihii soo marey waa ay adkaayeen, laakiin hadda haddii dib uu dib u milicsado, Mudane Xaashi waxaa uu u arkaa in ay gacan ka geysteen go’aankii uu ku qaatey in uu noloshiisa waxtaro.

Markii ay da’diisu ahayd sagaal sano jir, tuuladiisii ayuu ka soo tegey oo waxaa uu u soo wareegey Dhuusamarreeb. Hooyadiisa kuma faraxsaneyn go’aanka uu wiilkeedu ku qaatey in uu tago, laakiin waa ay ogeyd in uu ahaa waxa saxda ah oo ay tahay in la sameeyo haddiiba ay tahay in la helo nolol ka wanaagsan midda ku sugeysey tuulada.

“Hooyadey kuma faraxsaneyn bixitaankeyga,” Mudane Xaashi ayaa dib u milicsadey. “Laakiin ma haysan wax sabab ah oo ay ii celiso. Waxaan u sheegey in aan rabo in aan shaqeysto, in aan nolosheenna wax ka beddelo, ama ugu yaraan aan biil soo saaro. Waa ay iga oggolaatey, inkasta oo ay ka shakisneyd in qof sidaa u da’ yari uu dhab ahaan cid caawin karo. Laakiin weli, waxaa ay ku rajo weyneyd in aan wax un wanaagsan heli doono.”

Magaalada markii uu yimid, Mudane Xaashi waxaa uu noqdey caseeye.

“Maaddaama aanan haysan guri aan u hoydo, derbiyada magaalada ayaa hoy ii noqdey. Lacagta yar ee aan helo, hooyadey ayaan ugu dhiibi jirey dadka safarka ah ee tuulada ku noqonaya,” ayaa uu yiri. “Waxaan xusuustaa in aan maqaayadaha geli jirey si aan uga helo luflufka hambada dadka, si aan gaajada un isaga bi’iyo. Waqtigaas, in aan waxbarasho helo ma ahayn wax aan xataa ku riyoon karey.”

Maalin maalmaha ka mid ah, sanadkii 1982dii, isaga oo markaa ahaa 11 sano jir, ayaa waxaa uu go’aansadey in uusan sidaas ku sii socon karin – waxaa uu arkey in uusan wax mustaqbal wanaagsan ah ugu jiirn sii joogistiisa Dhuusamarreeb, laakiin waxaa soo jiitey iftiinka ka baxayey caasimadda dalka.

Weli Hashi

Waqtigaas, Muqdisho nabad bey ahayd waxaana ka jirey fursado shaqo oo badan. Lacagta yar ee uu haystey oo aan ku filneyn nooliga baska daraaddeedna uma baaqan.

“Baabuurta caasimadda ku socotey ayaan ka baryey in ay i sii qaadaan,” ayaa uu yiri Mudane Xaashi.

Hawl ka bilaabiddii caasimadda

Mashquulka caasimadda ayaa Xaashi waxaa uga baxay fursad, waxaana ka go’naa in uu sida ugu fiican uu uga faa’iideysto fursad kasta oo soo marta.

“Muqdisho waxaa ka jirey fursado ka wanaagsan kuwa Dhuusamarreeb,” ayaa uu yiri. “Caasimadda, waxaan ka bilaabey in aan baabuurta dadka u dhaqo, waxaana seexan jirey nin aan qaraabo ahayn gurigiisa, goor dambena, isaga oo gacan igu siiyey, laba sano ka dib waxaan tababar najaarnimo ah ka bilaabey dukaan alaabada alwaaxda ka sameysan lagu farsameeyo.”

Caasimadda ayaa badanaa loo arkayey in ay tahay mid ka mid ah magaalooyinka ugu qurux badan Afrika, iyada oo lahayd goobo leh muuqaallo dhaqan iyo bulsho oo kobcayey, ahaydna xarunta dhaqaalaha ee dalka.

Weli Hashi

Laakiin waxay bilowday inay is baddasho. Dagaalka sokeeye weli ma soo gaarin magaalada, laakiin waxaa bilowdey in ay xiisadaha ay kor u kacaan maaddaama ay dhaliishii mucaaradku kaga soo horjeedeen maamulkii keli-taliska ahaa ee Madaxweyne Siyaad Barre ay ka bilaabatey caasimadda iyo guud ahaan dalka. Sidoo kalena, dhaqaalihii dalka uu tabar-darreeynayo.

Waxaa socdey oo dhan war uma haynin Mudane Xaashi oo markaa dhowr iyo toban jir ahaa – waxa keliya oo u muuqdey waxaa ay ahayd in ku noolaanshihii magaalada uu maalinba maalinta ka dambeysa uu sii adkaaneyey.

Sanadkii 1987dii, isaga oo toban iyo shan sano jir ah, ayaa Mudane Xaashi waxaa uu qaatey go’aan kale: oo ahaa in xataa Muqdisho aaney u ballanqaadi karin mustaqbalkii uu rabey.

Waxaa uu u weecdey dhinaca ‘tahriib-ka’ – oo ah waxa ay Soomaalida u yaqaannaan safarrada badanaa halista badan iyada oo tahriibiyeyaal la adeegsanayo lagu tago xeebaha dalal ajnebi ah – si nolol ka wanaagsan tan dalka looga raadsado dibadda. Waxaa uu ku tahriibey markab xamuul oo ku socdey Sacuudi Carabiya waxaana, wax yar ka dib markii uu halkaa gaarey, uu shaqo hagaajinta qalabka halaaba ah ka heley magaalada dekadda leh ee Jeddah.

Weli Hashi

“Lacag fiican ayaan ka heli jirey, waxaana aan hooyadey ka keeney miyiga si ay ugu noolaato Muqdisho,” ayaa uu yiri.

Haseyeeshee laba sano ka dib, sharci-la’aantii Mudane Xaashi ku joogey dalka ayaa ay ka dhalatey in la soo xiro oo dib loogu soo tarxiilo Soomaaliya.

Sidaas oo ay tahay haddana ma niyad jebin. Waxaa u suurowdey in uu xoogaa lacag ah keydsado waxaana ay indhihiisu u furnaayeen raadinta fursado cusub.

Lacagtii uu keydsadey ayuu dhul kaga iibsadey Muqdisho. Waxaa uu isku dayey in uu, mar kale, nolol cusub bilaabo, laakiin waqtigaaba xaaladda caasimadda iyo guud ahaan dalka waa ay ka sii dartey. Soomaaliya waxaa ay qarka u saarneyd dagaal sokeeye maaddaama kooxo hubeysan oo kala duwan ay awoodda ku tartameyeen.

Saadaasha ayaa sii xumaatey.

“Markii horeba waa ay adkeyd in mustaqbal fiican lagu dhiso halkaa, xaaladda dhaqaalaha ayaa liidatey, shaqo la’aan badan ayaa dhacdey, dadkana waa ay sii rajo-dhigayeen. Soomaali badan ayaa hawadooda geliyey dibadaha – dhinaca Yurub iyo dalalka Gacanka Carabta – iyaga oo ka raadsanaya nolol ka wanaagsan tan ay haysteen. Kuwa dalka ku harey waxay u dhexeeyeen hubaal la’aan iyo adkeysi, iyaga oo niyadda ku dhisanaya rajada yar ee ahayd in ay berri dhaami doonto maanta, annigana waxaan ka mid ahaa kuwa go’aansadey in ay dalka ka tagaan, anniga oo aaminsanaa in meel kale, aad ka heli doono fursad aan mar kale ku bilaabo nolol cusub.”

Bilaabiddii nolosha Finland

Sanadkii 1990kii, fursad kale oo ‘tahriib’ ayaa soo baxdey. Mudane Xaashi waxaa uu heley dal-ku-gal dalka Ruushka, waxaana, markii halkaa gaarey, saddex maalmood ka dib, ugu dambeyntii uu galey dalka deriska la ah ee Finland, isaga oo doonaya in uu nolol cusub halkaa ka bilaabo.

Mudane xaashi bog cusub ayaa u bilowdey 25kii Maajo 1990, isaga oo ah qof qaxooti ah oo 20 sano jir ah oo aan lahayn waxbarasho toos ah oo yimid dal cusub oo aanu cidna ka garaneynin.

“Waxaa markii ugu horreyseyba aan aad ugu riyaaqey sida naxariista iyo gobanimadu leh ee la ii qaabiley. Markii ugu horreysey nolosheyda, ayaan arkey dad la siinayo hoy iyo cunto lacag la’aan ah, taas oo ahayd wax aan weligey maskaxda ku sawiran,” ayaa uu yiri. “Taasi waxaa ay wax ka beddeshey fikirkii aan dunida ka haystey.”

Hamigii uu Mudane Xaashi u hayey nolol ka wanaagsan tii uu ku jirey ayaa halkiisii ka sii socdey, waxaana uu dhex muquurtey noloshii cusbeyd, isaga oo ka faa’iideysanaya waxbarasho kala duwan oo ay bixinayeen maamullada dalka Findland. 3 sano gudahood ayuu si fiican ugu bartey Afafka Finish-ka iyo Ingiriisiga.

Weli Hashi

Haseyeeshee, si dhow ayaa uu ula socdey xaaladda dalkiisa, halkaas oo qoyskiisu ay weli joogeen Muqdisho, welwel ayaana hayey intii uu dalku ku sii siqayey dagaal sokeeye. Sanadkii 1991kii, xiisadihii sii kordhayey iyo burburkii dowladdii ayaa ugu dambeyntii dhaliyey in ay qaraxdo colaad aan wax la isula harin oo meel walba taabatey.

Mudane Xaashi ayaa bilaabey in uu si dhow xaaladda ugala socdo warbaahinta caalamiga ah sida CNN, oo si ballaaran uga soo warrami jirey dagaalka, macaluusha iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ka jirey dalkiisii.

“Sida warbaahintu u soo warrameysey ayaa xiiso i gelisey. Tani waxaa ay wax ka beddeshey fikirkii aan ka haystey in wararka warbaahintu ay wax ka beddeli karaan nolosha dadka. Sida ay warbaahintu u soo warrameysey ayaa igu tirtirsiisey in aan sidaas oo kale aan u sameeyo dalkeyga. In aan wararkiisa la wadaago dunida,” ayaa uu yiri.

Shaqo suxufinimo

Xiisahan cusub ee ku soo kordhey waxaa uu u xuubsiibtey ka-gacal uu u hayo saxaafadda. Waxaa uu sababey in Mudane Xaashi uu1996 culuunta saxaafadda ka barto Turun Teknillinen Oppilaitos, oo ah iskuul ay dowladdu leedahay oo xirfadaha lagu barto oo ku yaalla magaalada Turku.

Iyada oo qayb ka ahayd qiimeyntii koorarka suxufinimada, waxaa laga rabey in uu soo saaro warbixin wareed qoto dheer. Si uu sidaas u sameeyo, waxaa uu qaatey warbixin ku saabsaneyd qaxootiga Soomaalida ah oo si ay bedqab u helaan uga soo gudbey xuduudda oo soo galey xerooyinka ballaaran ee qaxootiga ee Dhadhaab ee ku yaalla waqooyi-bari Kenya.

Waqtigaas, xerooyinka waxaa ku noolaa dad ka badan 100,000 oo qaxooti iyo magangelyo-doon Soomaaliyeed ah, iyada oo tiradaasina ay sii kordheysey intii uu dagaalka sokeeye ee Soomaaliya uu sii socdey ilaa laga soo gaarey sanadkii 2000 iyo ka dibba.

“Waxaan u safrey xerada Dhadhaab si aan uga soo warramo gabar Soomaali ah oo ay kufsadeen rag afar ah. Qisada ayaa diiradda saartey qof qaxooti ah oo ka warramaya xaaladda qof kale oo qaxooti ah,” ayaa uu yiri Mudane Xaashi.

Dadaab

Warbixinta Mudane Xaashi waxaa daabacay wargeys ka soo baxa Finland. Waa ay uga filnaatey shuruuddii ku xirneyd qalinjebintiisa, laakiin wax kale ayaa ay sameysey: waa ay soo caan-bixisey.

Qormada ayaa sidoo kale waxaa ay soo jiidatey dareenka warbaahinta qaranka ee Finland, taas oo u xuubsiibatey filim dokumenteri ah oo ku saabsan noloshiisa oo cinwaankiisu ahaa ‘Cross the Border,’ oo ay soo saartey warbaahinta ee Finland ee Yleisradio Oy – ee aad loogu yaqaanno magaca afka Finisha loogu soo gaabiyo ee Yle – waxaana warbaahinta laga sii daayey Febraayo 2002.

Tani waxaa ay bilow u ahayd shaqadiisii warbaahinta. Waxaa uu shaqo ka bilaabey Telefishan heer degaan ah oo ku yaalla Turku, isaga oo noqdey soo-jeediyaha mid ka mid ah barnaamijyada magaaladaa loogu jecel yahay waxaana uu noqdey saxafigii ugu horreeyey ee Madow oo ka shaqeeya telefishan reer Finland ah.

Waddada shaqadiisu ay la martey waxaa ka mid ahayd in uu ku noqdey Soomaaliya sanadkii 2009kii si uu u soo saaro filim dokumentari ah – ‘The Pirates’ Coast’ – taas oo sabab u ahayd in uu ku guuleysto oo loo aqoonsado Wariyaha Ugu Wanaagsan Finland sanadkii 2010kii. Waxaa uu goor dambe ku biirey Yle, taas oo uu 15 sanadood uga soo warramayey 48 dal.

Weli Hashi

Wuu la qabsadey

Waqtigaa, Mudane Xaashi waxaa uu daraamay in uu si wanaagsan u degey oo uuna uga milmey Finland. Shaqadiisu wey wanaagsanayd, waxaana u suuroobey in uu qoyskiisa keeno dalka iyo sidoo kale in uu guursado. Marka dibadda laga eego, waxaa ay u ekeyd in uu isaga oo ku faraxsan uu noloshiisa ku qaadan karo dalkiisan cusub.

Laakiin ku-noqoshadiisii Soomaaliya ee sanadkii 2011kii, si uu uga soo warramo dagaalkii sokeeya, ayaa fahamkaasi beddeshey.

Waqtigaa, colaadda Soomaaliya ayaa laga wada dareemey guud ahaan bulshada iyo dhammaan waaxaha kala duwan. Gacan-ka-hadalka ayaa aad u baahsanaa oo hay’adihii aasaasiga ahaana waa ay burbureen. Intii uu joogey Muqdisho, Mudane Xaashi waxaa uu maqley dadaallo ay Wasaaradda Warfaafinta iyo Boostada iyo Isgaarsiinta ay dib ugu fureyso Telefiishanka Qaranka Soomaaliyeed/Somali National Television (SNTV), oo ah warbaahinta dowladda ee ugu weyn dalka oo xirneyd colaadda daraaddeed.

Iyada oo miisaaniyaddiisu ay aad u yareyd, ayaa warbaahintaa dhowaan dib loo soo nooleeyey ka dhimanaa waxyaabo badan oo loo arko in ay aasaasi u yihiin xarun telefishan oo isku dayeysa in ay soo saarto warar ay baahiso.

“Markii aan booqday Telefiishanka Qaranka Soomaaliyeed, waxaa aad ii soo jiitey dadaalka suxufiyiinta iyo maamulka, oo toos u soo tebinayey dagaalka habeen iyo maalin lagula jiray Al-Shabaab, inkasta oo aaney haysan qalabkii lagamamaarmaanka u ahaa sidii ay shaqada ugu qaban lahaayeen si taabogal ah,” ayaa uu yiri Mudane Xaashi. “Markii aan xaaladdaa indhahayga ku arkey waxay igu dhiirrigelisey in aan sameeyo wax kasta oo aan gacan kaga geysan karo.”

Weli Hashi

“Xaaladda warbaahinta qaranka ee dhinaca qalabka ayaa iska caddeyd in ay aad u liidato, waxaana aan dareemey in ay mas’uuliyad weyn iga saaran tahay. Maaddaama aan ka soo shaqeeyey warbaahin casri ah oo haysata kheyraad wanaagsan, waxaan islamarkiiba aqoonsadey culeysyada haysta Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed waxaana aan ogaa in aan ku khasbanahay in aan gacan ka geysto wax ka qabashadooda,” ayaa uu yiri. “Waxaan la xiriirey Mu’asasada Finland ee Warbaahinta iyo Horumarinta / the Finnish Foundation for Media and Development (Vikes), anniga oo ka codsanaya in ay fududeeyaan sidii lagu rari lahaa. Waa ay oggolaadeen, sanadkii 2012kii, SNTV keliya uma keenin qalab laakiin waxaan sidoo kale u keeney waqtigeyga iyo khibraddeyda.”

Waayo-aragnimada ayaa u ahayd mid naftiisa wax ka beddeshey Mudane Xaashi.

Isaga oo ay dhiirrigelisey waxa suuragalka ah ee la qaban karo oo aqoonsanaya inta ay le’eg tahay baahida uu qabo dalkiisii hore, waxaa uu Vikes kala hadley wax un fursad ah waxaana uu shaqadii Yle uu ka hayey u beddeshey mid waqti aan buuxin uu shaqeeyo si uu waqti intaa ka badan u siin karo Soomaaliya – waayo-aragnimadiisa iyo xirfadihiisa luuqadeed ayaa ka dhigey mid aad ugu habboon in loo magacaabo isuduwaha mashruuca ee barnaamijka Vikes ee Soomaaliya.

“Sida aan u arkayey anniga, iima ahayn keliya qalab loo dirayo Soomaaliya. Waxaa ay ii ahayd aasaaska warbaahin xooggan oo ay yeelato Soomaaliya, iyada oo suxufiyiinta lagu xoojinayo xirfado, iyo in codadka degaanka la xoojiyo si loo maqli karo,” ayaa uu yiri Mudane Xaashi.

Tan iyo waqtigaas, Vikes, oo ah mu’asasad iskaashi horumarineed oo ku takhasustey xoriyatul-qowlka iyo warbaahinta, waxaa ay si baahsan uga shaqeyneysey Soomaaliya iyada oo kaabeysa horumarinta waaxdeeda warbaahinta. Iyada oo uu hagayo Mudane Xaashi, ayaa barnaamijka Vikes waxaa uu tababarey in ka badan 1,700 suxufiyiin Soomaaliyeed oo kala jooga guud ahaan dalka.

Weli Hashi

“Taageerada kooxda Wali-Xaashi iyo Vikes waxaa ay ahayd mid macno weyn ugu fadhidey warbaahinta qaranka ee Soomaaliya,” ayaa uu yiri Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar, Agaasimaha SNTV. “Taageeradooda waqtigii ku habboonaa la heley iyo dadaalkooda gaarka ah ayaa dhab ahaantii ahaa mid is-beddel dhaliyey, oo raad waara ku yeeshe koboca iyo horumarka warbaahinta qaranka ee Soomaaliya.”

Cafis

Hawsha Mudane Xaashi uu ka hayo Vikes ayaa keeneysa in uu u kala safro guud ahaan degaannada Soomaaliya si uu tababarro u siiyo dalladaha warbaahinta iyo kooxaha kale ee ururrada bulshada ah.

Sanadihii dhowaa, waxaa uu safarradaas ku darey mashruuc kale, midkan oo ka dhashey waxyaabihii uu la kulmey waqtiyo uu Soomaaliya u booqdey ka suxufi ahaan – gaar ahaan, dhacdo qalbigiisa ka bixi weydey tan iyo sanadkii 2009kii isaga oo filin ka qaadayey xeebta bari ee Soomaaliya.

“Dadkii ila shaqeynayey ayaa si hoose iigu sheegey in aan beddelo qabiilkeyga, iyaga oo iiga digey in haddii aan sheego cidda aan ahay, ay halis i soo wajihi karto. Anoo ka cagajiidaya ayaan warkooda yeeley. Habeenkaa, waan gam’i waayey,” ayaa uu yiri Mudane Xaashi.

“Tobanaan sano oo dagaallo sokeeye ay ka jireen ka dib, maxay Soomaalidu isu cafin la’ yihiin? Su’aashaas ayaa qalbigeyga ka bixi weydey,” hadalkiisa ayuu sii watey. “Waxaaba uu noqdey kii igu riixay in aan diiradda saaro dib-u-heshiisiinta iyo is-cafinta.”

Sanadkii 2017kii, waxaa uu aasaasey ururka Cafis – oo ah urur bulshada gunteeda ka dhisan, oo aan faa’iido-doon ahayn oo xaruntiisu tahay Finland, oo uu hadafkiisu yahay in uu gacan ka geysto dadaallada degaanka ee dib-u-heshiisiinta oo isu keenaya bulshooyinka uu raadka ku yeeshey dagaalka socdey tobanaanka sano.

Weli Hashi

Ururka Cafis oo ay hawshiisa wadaan siddeed maamule oo ayna taageeraan 30 mutadawac oo Soomaaliya jooga, Cafis waxaa uu kulamo iyo munaasabado ku qabanqaabiyaa guud ahaan gobollada Soomaaliya si uu u dhiirrigeliyo is-cafinta.

“Waxaan diiradda saarnaa kuwa dhibaatada loo geystey,” ayaa uu yiri Mudane Xaashi. “Badanaana, dadka iyaga ayaa si iskood ah u yimaada munaasabadaheenna si cid dhibaato u geysatey ay u cafiyaan. Taas oo kale in aad goobjoog ka ahaato waa wax aad u weyn.”

“Rajo ayaa igu jirta,” ayaa uu yiri, “in dadaallada sida keyga oo kale ah, oo dowladdu ay si habboon u taageerto, in is-beddel waara ay dhalin karaan oo ayna gaari karaan guud ahaan dalka.”

Weli Hashi

Taageerada QM

Kooxda Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta (PAMG) ee Hawlgalka Kala guurka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa taageerta dadaallada dib-u-habeynta maamulka iyo dib-u-heshiista ee guud ahaan dalka.

“Dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka dhex dhaca gunta hoose ee bulshada sida kan Mudane Xaashi ayaa ah qaabab xooggan oo ay bulshooyinku ku kala daawoobi karaan ka dib colaadaha ba’an,” ayaa uu yiri Vikram Parekh, oo ah Madaxa kooxda PAMG.

Vikram

“Dadaallada noocaan ah ayaa bulshooyinka gacan ku siin kara in ay isu yimaadaan ayna ka wada qaybqaataan dib-u-dhiska Soomaaliya. Tusaalahan ayaa dhiirrigelin u noqon kara kuwo kale.”

Bishii Maajo 2024kii, Soomaaliya waxay daahrogtey Qaabka Guud ee Qaran ee Dib-u-heshiisiinta, oo ah agab loogu talogaley in uu hago hawsha heerarka federaal, dowlad goboleed iyo degmo, oo diiradda saaraya iskaashiga waaxaha kala duwan iyo sidoo kale ku lug lahaanshaha odeyaasha, culimada, ururrada haweenka, iyo ururrada dhallinyarada. Tiirarkiisa kala duwan waxaa ka mid ah tiirka caafimaadka dhimmirka iyo tiirka ka-daawoobidda dhaawaca maskaxeed (trauma), waxaa uu wax ka qabanayaa raadadkii uu dagaalka sokeeye muddo ka badan 30 sano iyo ka badan ku yeeshey bulshooyinka Soomaaliyeed. Cutub kale ayaa diiradda saaraya waxyaabaha hadda ka socda Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada xoreynta, waxaana uu baarayaa sida dib loogu heshiisiinayo bulshooyinkii ay wax ka badan 15 sano maamulayeen Al-Shabaab, iyaga oo dib loogu celinayo xaaladdoodii caadiga ahayd.