UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Kooxda Xuquuqul Insaanka iyo Ilaalinta (HRPG)

Human rights wall art

Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka ayaa fuliya waajibaadkiisashaqo ee Soomaaliya isaga oo u maraya Kooxda Xuquuqul Insaanka iyo Ilaalinta (HRPG) ee Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS). UNTMIS ayaa lagu aasaasey Qaraarkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu ahaa 2753, iyo dib-u-cusbooneysiinta waajibaadkiihore, oo ay ku jiraan 2632 (2022), waxaa ka mid ah ilaalinta iyo horumarinta sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee arrimaha bani'aadannimada, oo ay qeyb ka tahay dhowrista iyo difaaca shacabka.. Tan iyo 2016, unugyada Ilaalinta Haweenka iyo Carruurta waa qayb ka mid ah Kooxda Xuquuqda Insaanka iyo Ilaalinta (HRPG).

Kooxda Xuquuqul Insaanka iyo Ilaalinta (HRPG) waxaa ay ka howl-gashaa Muqdisho, Jubaland, Puntland, Koofur-galbeed, HirShabelle iyo Somaliland.

Arrimaha muhiimka ah ee howl-galka kooxda HRPG waxaa ka mid ah:

1. Ilaalinta iyo ballaarinta goobaha madaniga ah;

2. Difaacidda xuquuqaha aadanaha ee goobaha colaadaha iyo amni-darada ay ka jiraan, oo ay ka mid yihiin digniimaha hore;

3. Sinnaanta iyo takoor la’aanta;

4. Xoojinta sarreynta sharciga iyo isla-xisaabtanka xadgudubyada xuquuqul insaanka;

5. Horumarka la joogteyn karo iyo wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada ee ku saleysan xuquuqul insaanka;

6. Taageeridda fulinta waxyaabaha ka soo baxa shirarka xuquuqul insaanka.

SHAQOOYINKA UGU MUHIIMSAN EE LOO IGMADAY

Korjoogteynta, Ka-warbixinta iyo Falanqeynta

Iyadoo fulinaysa waajibaadkeeda, Kooxda Xuquuqda Insaanka iyo Ilaalinta ( HRPG) waxay ku hawlan tahay hawlo istaraatiijiyadeed oo kala duwan si ay u taageerto dadaallada lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha ee ka jira dalka. Tusaale ahaan, kooxda HRPG waxaa ay door gaar ah oo qiimo leh ka ciyaartaa kor u qaadista wacyiga iyo fahamka dhaqannada ku xad-gudbida xuquuqul insaanka ee dalka taas oo qayb ka ah shaqadeeda korjoogteynta iyo ka warbixinta xaalada xuquuqul insaan Waxaa ka mid ah ururinta xogta kala saafan ee dhacdooyinka ugu waaweyn ee xuquuqul insaanka, baaristooda iyo sameynta falanqayn mug leh – oo ay ku jiraan xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta. Warbixinnada guud ee arrimaha ay ka mid yihiin ilaalinta shacabka ama xorriyadda hadalka ayaa sidoo kale lasoo saaraa oo la daabacaa.

Caawinta Hay’adaha Dowladda

Kooxda Xuquuqul Insaanka iyo Ilaalinta (HRPG) waxa ay sidoo kale ka caawisaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha garsoorka, gudashada waajibaadkooda ku aadan xuquuqul insaanka iyada oo ka taageereysa dhanka farsamada iyo qabashada tababaro kor loogu qaadayo tayada howl-wadeenada. Kooxda HRPG waxay dib-u-eegis ku sameysaa isbeddellada sharciyada iyo siyaasadda waxayna soo jeedisaa talooyinka lagu waafajinayo halbeegga caalamiga ah ee dhinacyada sida ilaalinta bulshada, helitaanka xuquuqaha dhaqaale, adeeg bulsho iyo tix dhaqan, iyo xuquuqda dadka naafada ah, haweenka, barakacayaasha, dhallinyarada, kooxaha laga tiro badan yahay iyo kuwa nugul ama la hayb-sooco.

Taageerida abuuritaanka hay'adaha xuquuqul insaanka qaranka iyadoo la raacayo Mabaadii'da Paris waa qayb muhiim ah oo ka mid ah halbeega ilaalinta xuquuqul insaanka ee Soomaaliya. Tusaale ahaan, heer gobol, UNTMIS waxay sii wadaa in ay la shaqeyso Xafiiska Ilaaliyaha Xuquuqda Aadanaha (OHRD) ee Puntland. Heer federaal, kooxda (HRPG) waxay taageertay dhisidda guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul insaanka qaranka iyagoo ku bixiyey taageero farsamo inta lagu guda jirey horumarinta sharcigeeda waxayna sii waday u ololeynta magacaabista xubnaha guddiga oo la sugayo.

Taageeridda Ururada iyo Kooxaha Bulshada Rayidka

Kooxda HRPG waxa ay wada-hadal joogto ah la leedahay ururrada bulshada rayidka ah, waxaa ayna taageertaa wada-shaqeynta ay la leeyihiin Dowladda Federaalka iyo maamulada kale si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan ka qaybgalka arrimaha bulshada, xasaanadda, isla-xisaabtanka, takoorka iyo sarreynta sharciga. Sii wanaajinta iyo ilaalinta goobta madaniga ah iyo ka-qaybgalka bulshada waxaa la hirgeliyaa iyada oo la dhisayo awoodda ururrada bulshada rayidka ah (CSOs), ururrada dadka naafada ah, ururrada matalaya kooxaha laga tirada badan yahay iyo/ama kuwa la takooro, iyo ururrada ku saleysan bulshada, iyo kuwo kale, si ay uga qayb qaataan geeddi-socodyada sharci-dejinta iyo horumarinta siyaasadaha guud.

Kooxda HRPG waxay fududaysaa qaybo tababar ah si ay u xoojiyaan awoodooda ururrada bulshada rayidka ah (CSOs) ee korjoogteynta iyo ka warbixinta xuquuqda aadanaha ee dalka. Maaddaama helitaanku xaddidan yahay xaaladda amniga awgeed, Ururrada bulshada rayidka ayaa door muhiim ah ka qaatay taageerada howlaha UNTMIS ee ah in ay la socdaan oo ay ka warbixiyaan xadgudubyada iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha, gaar ahaan meelaha fogfog.

Iyada oo qayb ka ah habka Qaramada Midoobay ee ah in aan cidna laga tegin, Kooxda Xuquuqda Insaanka iyo Ilaalinta (HRPG) waxay la kulmeysaa kooxo iyo shakhsiyaad gaar ah oo ku jira xaaladaha nugul si ay u maqlaan codkooda oo ay u taageeraan inta ay ku jiraan u doodista iyo kor u qaadida dadaallada wacyigelinta. kooxda (HRPG) waxay mas'uuliyiinta qaranka iyo howl-wadeenaha caalamiga ah u iftiiminaysaa waxyaabahan gaarka ah si ay kor ugu qaadaan in caqabadahooda gaarka ahi ay ka muuqdaan samaynta halbeegyo gaar ah oo lagu xaqiijinaayo habab loo dhan yahay, oo ka madax banaan caqabadaha hortaagan helitaankooda iyo xaqiijinta xuquuqdooda.

Qaramada Midoobay

Kooxda Xuquuqul Insaanka iyo Ilaalinta (HRPG) waxaa ay sii wadaa dhismaha iskaashiga iyo dhexdhexaadinta xuquuqul insaanka ee beesha caalamka, oo ay ku jiraan dowladaha kale, hawlgallada diblomaasiyadeed, iyo halbeegyada Qaramada Midoobay. Kooxda HRPG waxay la shaqeysaa Kooxda Ku howlan Xuquuqul Insaanka ee ka kooban Midowga Yurub iyo Waddamada Xubinta ka ah, Norway, Switzerland iyo Mareykanka, iyo kuwo kale. Kooxdan ku howlan xuquuqul insaanka waa madal muhiim ah oo loogu ololeeyo, xogna lagu wadaaga iyo aqoonsiga hindisayaasha lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya si sare loogu qaado horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

UNTMIS waxaa ay sii taageeri doontaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah intii lagu guda jiro Dib-u-Eegista Xilliyeysan ee Caalamiga ah (UPR) ee afaraad, kaas oo loo qorsheeyay bisha Jannaayo 2026 waxaanna diiradda lagu saarayaa sii wanajainta hirgelinta tallooyinkii iyo ballanqaadyadii la sameeyay intii lagu guda jiray wareeggii saddexaad (Maajo 2021). Intaa waxaa dheer, kooxda HRPG in ay la shaqeyso Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay si ay u joogteeyaan dadaalkooda ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Kooxda HRPG waxay sidoo kale Qaramada Midoobay ee Soomaaliya siisaa hagitaan iyo khibrad farsamo iyadoo loo marayo taageeridda hay'adaha amniga si ay u hirgeliyaan Siyaasadda Xuquuqul Insaanka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Siyaasaddu waxay u baahan tahay hirgelinta nidaamka oo dhan ah – ee ah in dhammaan taageerada Qaramada Midoobay ay siiso ciidamada ammaanka ee aan Qaramada Midoobay ka tirsanayn, oo ay ku jiraan kuwa Hawlgalka Xasillinta iyo Taageeridda Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ciidamada Soomaaliya iyo hay’adaha sarreynta sharciga, loo bixiyo si waafaqsan mabaadi'da ku xusan Axdiga Ururka iyo waajibaadka saaran iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.

DOKUMENTIYADA IYO DAABACAADAHA

Previous reports (2016-2024)

  1. Tackling Sexual Violence in Somalia: Prevention and Protection (1 January 2017 – 31 December 2022)
  2. Public report "Freedom of expression in Somalia-For the public good" (August 2018 – December 2022)
  3. Shattering the foundation of Peace, Security and Human Rights in Somalia (January 2020 – December 2021)
  4. Voices unheard (September 2019)
  5. Protection of civilians’ report (January 2017 – December 2019)
  6. The precarious enjoyment of freedom of expression in Somalia (September 2018)
  7. Human Rights in Somalia’s Electoral Processes (August 2018)
  8. Protection of civilians’ report: Building the foundation for Peace, Security and Human Rights in Somalia (December 2017)

Convention on the Rights of Persons with Disabilities

Muuqaalka Xuquuqda Dhaqanka ee Soomaaliya: Awood-Siiyaha Nabadda ibo ka-mid-Noqoshada
Comic Book: A Story of Courage (2022)
Somalia status of ratification
Country visits and reports of the independent expert on the HR situation in Somalia
Universal Periodic Review
Press Statements: Human Rights Days
HRPG Diplomatic Briefings (2017 - 2019)
Factsheet - Tackling Sexual Violence in Somalia:Prevention and Protection