UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Xagjirnimada Rabshadaha Wata (PCVE)

PCVE

Kadib tobannaan sano oo colaado daba-dheeraaday ah, Soomaaliya weli waxay ku jirtaa xaalad xasillooni-darro, iyadoo la tacaalaysa haliso iyo weerarro joogto ah oo kaga imaanaya kooxo hubeysan, oo ay ku jiraan kooxaha xagjirka ah ee rabshadaha wata iyo ururro argagixiso. Inkastoo guulo dhul qabsasho ah sannadihii u dambeeyay ay sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada Midowga Afrika, haddana Al-Shabaab waxay weli gacanta ku haysaa isla markaana saameyn ku leedahay dhul ballaaran, gaar ahaan gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka. Dhanka waqooyiga, farac ka tirsan Ururka Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam (ISIL/Daacish) ayaa iyagana sidoo kale halkaasi saldhig ka sameystay.

Deegaan ay ka jiraan siyaasado isbeddel badan iyo amni la'aan goobo gaar ah ka jira, kooxaha hubeysan ee aan dowladda ahayn ayaa ka faa’iideysta maamul la'aanta, iyagoo buuxinaya kaalimihii ay banneeyeen hay’adaha jilicsan, kalsooni-darrada laga qabo dawladda, iyo sinaan-la’aanta bulsho ee baahsan. Kooxaha xagjirka ah ee rabshadaha wata waxay sii wadaan saameyntooda iyagoo adeegsanaya sheekooyin si xeel-dheer loo habeeyey, istiraatiijiyado qabiil ku dhisan oo lagu qorto xubnaha, iyo isku-jirka khasbid iyo adeeg-bixin. Al-Shabaab waxay ka faa’iideysataa sinnaan-la’aanta qaab-dhismeedka, oo ay ku jiraan cabashooyinka dadka lagu hayb-soocay nidaamyada awood-qaybsiga ee qabiilka ku saleysan, si ay u horumariso qorashada xubnaheeda iyo saameynteeda. Waxay isu soo bandhigtaa sidii tartame dawlad-u-eg (proto-state), iyadoo ku xoojinaysa soo-jiidashadeeda adeegsiga sheeko ku dhisan midnimo iyo sinnaanta diinta, isla markaana iska dhigaysa awood loo dhan yahay oo ka hortagta dhaqdhaqaaqyada qabiil ee dadka qaarkood ka reeban. Arrintan, oo ay weheliso khasbid, borobagaando, iyo adeeg-bixin, ayaa u saamaxaysa kooxda in ay sii wado gacan-ku-haynta bulshooyinka. Xeelladaheeda waxaa ka mid ah ololeyaal borobagaando ah oo lagu wiiqayo sharciyadda dowladda, fikir ku beerid (indoctrination) loo marayo manhajyada dugsiyada oo dadka ku marin-habaabiya barashada diinta si ay u qortaan askar, nidaamyo caddaalad oo isbarbar socda oo kooxda ka dhigaya in ay yihiin beddelka hay’adaha dowladda, iyo qaab canshuureed habaysan oo sii joogteynaya hawlgalladeeda.

Ilaa maanta, duruufaha sahla argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata ayaa weli ka jira magaalooyinka iyo miyigaba. Haddii aan la helin dadaallo joogto ah oo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiinta maxalliga ah, ka-qaybgalka siyaasadeed, fursadaha dhaqaale – gaar ahaan dhallinyarada – iyo dhisidda kalsoonida u dhexeysa bulshooyinka iyo dowladda, kooxo sida Al-Shabaab ah waxay sii lahaanayaan awood farsamo oo ay dib ugu qabsan karaan dhulal isla markaana ay u xoojin karaan sharciyaddooda iyagoo isu muujinaya in ay yihiin kuwo bixiya adeegyada bulshada. Wax-ka-qabashada caqabadahan qaab-dhismeedku waa mid muhiim ah si loo daciifiyo soo jiidashadooda loona hubiyo xasillooni waarta oo Soomaaliya ka hanaqaadda.

Qorshe Hawleedka Ka-hortagga Xagjirnimada Rabshadaha Wata (PVE) ee Qaramada Midoobay

Bishii Jannaayo 2016, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa daahfuray Qorshe Hawleedka Ka-hortagga Xagjirnimada Rabshadaha Wata, isagoo muujiyay sida xagjirnimada rabshadaha wata ay khatar ugu tahay nabadda, amniga, xuquuqda aadanaha, iyo horumarka waara. Qorshuhu wuxuu aqoonsan yahay in xagjirnimada rabshadaha wata aysan ku imaan si go’doon ah; balse ay huriyaan sheekooyin cabashooyin ku dhisan, aragtiyo caddaalad-darro ku saleysan, iyo ballanqaadyo awood-siinta iyo isbeddel xagjir ah. Sheekooyinkan ayaa si gaar ah u helaya taageero gaar ahaan xaaladaha uu maamulku liito, caddaalad aan jirin, iyo in himilooyinka dadka la xannibay ama la cabburiyay.

Si wax looga qabto arrimaha ballaaran ee gacan ka geysta xagjirnimada rabshadaha wata, Qorshe Hawleedka Ka-hortagga Xagjirnimada Rabshadaha Wata (PVE) wuxuu diiradda saarayaa toddobo meelood oo mudnaan leh: wadahadal iyo ka-hortagga colaadaha; maamul-wanaagga, sarreynta sharciga, iyo xuquuqda aadanaha; ka-qaybgalka bulshada; awood-siinta dhallinyarada; sinnaanta jinsiga iyo awood-siinta haweenka; waxbarashada, horumarinta xirfadaha, iyo fursadaha shaqo; iyo war-isgaarsiin istaraatiiji ah, oo ay ku jirto adeegsiga internet-ka iyo baraha bulshada. Qorshuhu wuxuu diiradda saarayaa baahida loo qabo isku-duwidda iyo is-dhexgalka ballaaran ee dadaallada loogaga hortagayo xagjirnimada rabshadaha wata, si loogu dhex daro hawlgallada nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay, hawlgallada siyaasadeed ee gaarka ah, iyo Kooxaha Dalka ee Qaramada Midoobay, meel kasta oo ay khusayso, iyo si waafaqsan waajibaadkooda kala duwan.

Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Xagjirnimada Rabshadaha Wata (PCVE) ee Soomaaliya

Bishii Sibtembar 2016, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay qaadday tallaabooyin ay ku hirgelinayso waajibaadyada ka saaran qaraarrada Golaha Guud iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo la timid Istaraatijiyad Qaran iyo Qorshe Hawleed ku saabsan Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Xagjirnimada Rabshadaha Wata. Inkastoo Qorshe Hawleedka Qaramada Midoobay uu xoogga saarayo ka-hortagga, Soomaaliya waxay habkan waafajisay xaaladeeda gaarka ah — iyadoo dib u qaabaysay doodda ku saabsan tallaabooyinka “awoodda jilicsan” si looga hortago muuqaalka xagjirnimada rabshadaha wata iyada oo colaadda hubeysan ay weli socoto.

Soomaliya ayaa codatay in la siiyo taageeri iyo kaalmo dheeraad ah oo ay ka hesho Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si ay si buuxda u hirgeliso waajibaadyadeeda iyada oo la raacayo Qaraarrada Qaramada Midoobay ee aaddan Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Xagjirnimada Rabshadaha Wata 1373 (2001), 1624 (2005), 2178 (2014), 2396 (2017) iyo 2464 (2019) yo Qorshe Hawleedka Xoghayaha Guud ee QM.

Tan iyo markii uu soo baxay Qaraarkii Golaha Amaanka 2358 (2017), xafiiska UNSOM wuxuu lahaa sharciyad uu kula taliyo kuna kaalmeeyo Soomaaliya si loo hirgeliyo Qorshe Hawleedka iyo Istiraatiijiyadda Qaran ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Xagjirnimada Rabshadaha Wata. Waajibaadkan waxaa ka mid ah taageerada iyo isu duwidda howlaha PCVE, talo-bixinta ku saabsan mawaadiicda gaarka ah, wadaagista hab-dhaqannada wanaagsan iyo isdhaafsiga macluumaadka ee bahwadaagta kale. Si waafaqsan waajibaadkan, waxaa la bilaabay barnaamij PCVE oo jiilka koowaad ah, kaas oo ahaa barnaamij ay si wadajir ah u fulinayeen UNSOM iyo UNDP.

Barnaamijkan oo la bilaabay 2018 lana soo geboggabeeyay 2021, ayaa wuxuu fuliyay wada-tashiyo bulsho oo ballaaran isla markaana wuxuu tijaabiyay hindisayaal PCVE ah oo laga hirgeliyay guud ahaan Soomaaliya. Barnaamijku wuxuu soo saaray aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan colaadda soo jireenka ah ee lagu la jiro Al-Shabaab, oo caddeeynaysa sida hayb-sooca iyo cabashooyinka ka dhasha ay u hurinayaan xagjirnimada. Waxaa ay sii caddeynaysaaa in xalal ciidan oo keliya aanay ku filnayn burburinta ururrada argagixisada, oo muujinaysa sida istiraatiijiyadaha dagaalka kaliya ah iyo hababka dowlad-dhiska ee kor-hoos ee ka yimaada hoggaan dhexe ay u sii xoojiyaan maamulka aan loo dhammeyn isla markaana ay ku guuldareystaan wax ka qabashada daldaloolka sharciyadda.

Iyadoo la aqoonsanayo daldalooladan, Dowladda Soomaaliya waxaa ay sameysay isbeddel siyaasadeed oo go’aan ku saleysan sanadkii 2022, iyadoo si rasmi ah u ansixisay hab nabad-dhisid iyada oo loo marayo barnaamijka PCVE ee jiilka cusub ee wadajirka ah ee UNSOM-UNDP, Islaamku Waa Nabad (Islam Is Peace) – waxaanna lagu diiwaangeliyey Warbixinta Golaha Ammaanka S/2023/109. Isbeddelkan wuxuu muujiyey ka leexasho laga leexday waxqabadyada PCVE ee diiradda lagu saarayo amniga, ee ku aaddan istaraatiijiyad wax-ka-beddel colaadda oo ku saleysan dib-u-heshiisiin ay hormuud ka tahay bulshada. Isbeddelkan fikradeed wuxuu waafaqsan yahay Qorshe Hawleedka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Ka Hortagga Xagjirnimada Rabshadaha wata, kaas oo dhiirrigeliya wada-hadalka in uu noqdo waxqabadka ugu muhiimsan ee lagu wajaho goobaha ka jira colaadaha firfircoon.

Wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in Soomaaliya ay hoggaaminayso horumarinta xallal aan ciidan ku dhisnayn oo lagula tacaalayo xagjirnimada rabshadaha wata. Istiraatiijiyadaha ku saleysan nabad-dhisidda iyo horumarinta ayaa si weyn uga soo baxaya la dagaallanka argagixisada, taas oo ka tarjumaysa isbeddel ballaaran oo ku yimid doodaha ka dhanka ah argagixisada. Soomaaliya, oo ah dowlad safka hore kaga jirta, ayaa si firfircoon u qaabaynaysa wada-hadalka.

Kala-guurka UNTMIS ee ku saabsan PCVE

Ka-dib Qaraarka 2753, UNSOM waxay u guurtay Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), iyadoo bilowday wareejin laba sano ah oo hawlaha ah loogu wareejinayo Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda Qaramada Midoobay ee Dalka (UNCT). Golaha Ammaanku wuxuu waajibiyay in mas'uuliyadaha PCVE lagu wareejiyo muddo 12 bilood gudahooda ah hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha, Sanduuqyada, iyo Barnaamijyada Qaramada Midoobay (UN-AFPs), ka hor dhammaadka Oktoobar 2025.

Barnaamijyada Wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku dhex milminta ajandaha PCVE hay’adaha dowladda Soomaaliyeed gudahooda ilaa hadda. Tani waxaa ka mid ah dhismaha Xarunta Qaranka ee Tubsan ee PCVE oo hoos timaadda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taas oo ka soo farcantay Unugii Hore ee Isuduwidda PCVE. Dedaalladani waxaa ay si weyn u xoojiyeen isuduwidda hay’adaha kala duwan ee wasaaradaha, ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada, iyo sidoo kale la shaqeynta hay’adaha bulshada rayidka ah. Waxay sidoo kale taageereen dib-u-eegista Istiraatiijiyadda Qaran ee PCVE, iyagoo hubinaya in ay ka tarjumayso aragtida Soomaaliya ee ku salaysan dulqaad, wada-hadal, iyo wadajirka bulshada.

Iyadoo markii hore Qorshaha 4aad ee Somalia ee Wajahaadda Wax-ku-oolka ah ee Ammaanka ee Soomaaliya waxaanna qaabeeyay qaab-dhismeedka isuduwidda ee Heshiiska Ammaanka London, PCVE waxaa hadda si adag loogu dhex daray qaababka guud ee muhiimka ah ee qaran, oo ay ku jiraan Istiraatiijiyadda Qaranka ee La-dagaalanka Argagixisada, Qorshaha Qaran ee Isbeddelka, iyo siyaasadaha kale ee hagidda ee qeexaysa ajandaha nabadda iyo ammaanka Soomaaliya. Iyadoo laga filayo UNTMIS in ay u wareejiso lahaanshaha faylka PCVE Dowladda Soomaaliya dhammaadka bisha Oktoobar 2025, hay’adaha, sanduuqyada, iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay ayaa sii wadi doonna in ay taageeraan fulinta dhowr arrimood oo muhiim ah.

Arrintan waxaa ka mid ah dhiirrigelinta wada-hadalka sidii aalad nabad ku wada noolaansho, taageeridda xallinta khilaafaadka ee aan colaadda ku saleysnayn, iyo wax-ka-qabashada xaaladaha kale ee bulsho, oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka kala-saaridda iyo kan qabiilka ku saleysan, kuwaas oo ka qayb-qaatay in bulshooyin gaar ah laga reebo lana takooro. Qaramada Midoobay sidoo kale waxay sii wadi doontaa taageeridda dib-u-habaynta amniga iyo cadaaladda, dhaqancelinta iyo bulsho dib ugu biirrinta dagaalyahanadii hore ee Al-Shabaab, waxqabadyada ka hortagga xagjirnimada iyo dhimista khataraha xabsiyada, iyo dhiirrigelinta maamul wanaagga gudaha waaxda amniga. Barnaamijyada waxaa ay diiradda sii saari doonaan xoojinta adkaysiga bulshada, waxbarashada madaniga ah, aqoonsiga qaran, iyo awood-siinta dhaqaale si loo yareeyo u nuglaanshaha xagjirnimada rabshadaha wata. War-isgaarsiinta Istiraatiijiga ah waxay door dhexe ka qaadan doonaan horumarinta sheekooyin ka hortag ah oo wax dhisaya iyo kor u qaadista fahamka Islaamka oo ah diin nabad iyo dulqaad ku dhisan. Dedaallada lagu xoojinayo jawaabaha garsoorka dambiyada iyo ka hortagga qorista iyo in carruurta loo isticmaalo colaadaha hubeysan — meelaha ay Kooxda Qaranka ee Qaramada Midoobay weli si macno leh uga qayb-qaadanayaan ajandaha ballaaran ee nabad-dhisidda Soomaaliya — ayaa sidoo kale ahaan doona kuwo muhiim ah.

Iyadoo la raacayo meelaha mudnaanta leh ee lagu aqoonsaday Aqoon-isweydaarsiga Kala-guurka oo ay si wadajir ah u qabteen Dowladda Soomaaliya iyo UNTMIS, isla markaana lagu muujiyey Khariidadda Kala-guurka ee UNTMIS, waxaa soo ifbaxaya dhowr mudnaan oo mustaqbalka lagu wajihi doono. Arrimahan waxaa ka mid ah kala shaqeynta culimada diinta si loo dhiirrigeliyo diinta in ay noqoto awood mideynaysa oo ka sarreysa kala-qaybsanaanta qabiilka; isku-dubaridka waxbarashada diinta iyo maalgelinta waxbarashada nabadda si looga hortago ku beerista fikir xag-jirnimo iyo askareynta ee ka dhacda gudaha deegaanada waxbarashada diinta; iyo kor u qaadidda codadka dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaadey argagixisada iyagoo ah qayb muhiim ah oo ka tirsan bogsashada iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.

Xilligan kala-guurka ah wuxuu soo bandhigayaa fursad gaar ah oo la dhexgelinayo habka PCVE oo ku salaysan falanqayn colaadda oo adag iyadoo la hiigsanayo isbeddelidda colaadaha ee muddada-dheer. Sidoo kale, waxay ajendaha u oggolaanaysaa in uu dib ugu xirmo fikraddii asalka ahayd — sida dadaal siyaasadeed oo joogto ah oo wax looga qabanayo sababaha aasaasiga ah ee keena xagjirnimada rabshadaha ah, isla markaana lagu gaarayo Soomaaliya nabad ah, wadajirta oo adkaysi leh.