Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Xuquuqda Aadanaha awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay maanta iftiimisay kaalinta muhiimka ah ee ay xuquuqda aasaasiga ahi ka cayaaraan nolol maalmeedka dhamaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo xustay horumarka lagu tallaabsaday sannadka 2025ka, waxayna dhiirrigelisay sii wadista ballanqaadka qaran ee ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
“Xuquuqda aadanuhu waxay qayb muhiim ah ka yihiin tiirarka nolosheena maalinlaha ah, iyagoo na siinaya amniga iyo xorriyadda asaasiga ah ee aan u baahanahay inaan ku noolaano, sii korno, isla markaana aan si buuxda uga qaybqaadanno bulshadeena,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
“Waxaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadinaynaa tallaabooyinka muhiimka ah ee ay sannadkii la soo dhaafay u qaadday dhinacyo muhim ah oo lagu horumariyay kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqdan, gaar ahaan abaabulka Shir-madaxeedka Qaran ee Xuquuqda Aadanaha iyo ballanqaadka lagu dhisayo Guddiga Qaran ee Madaxbannaan ee Xuquuqda Aadanaha, oo saldhig u ah kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqdan aadanaha ee aasaasiga ah ee aadanaha,”ayuu raaciyay.
Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar macno leh, iyadoo dhidibada u aastay guulo intaas ka sii waaweyn oo lagu xaqiijinayo in dhammaan dadku ay si buuxda ugu naalloon karaan xuquuqdooda aadanaha. Bahda Qaramada Midoobay waxay si buuxda diyaar ugu tahay inay sii waddo taageeriddda dadaalladan qaran, iyadoo si wadajir ah ula shaqeynaysa saaxiibada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in xuquuqda aadanaha si buuxda loogu naalloodo, oo ay ka mid tahay kor u qaadista iyo ilaalinta xorriyatul qowlka iyo xuquuqda haweenka iyo carruurta.
Guul kale oo la taaban karo oo la gaaray sannadkan ayaa ah ka saarista Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee laga saaray warbixinta sanadlaha ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan carruurta iyo colaadaha hubeysan ee askareynta iyo adeegsiga carruurta. Horumarkan taariikhiga ah wuxuu ka tarjumayaa rabitaan siyaasadeed oo xooggan iyo sannado shaqo joogto ah oo ay soo qabteen Dowladda Federaalka, bulshooyinka, iyo la-hawlgalayaasha si carruurta Soomaaliyeed looga ilaaliyo rabshadaha iyo xadgudubyada.
Isla markaasna dhanka kale, Qaramada Midoobay waxay aad uga walaacsan tahay in Al-Shabaab ay sii wadaan inay ka mas’uul yihiin inta badan xadgudubyada iyo tacaddiyada xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dilalka, afduubka, iyo weerarada lagu bartilmaameedsado dadka rayidka, shaqaalaha samafalka iyo hay’adaha dowladda.
Taageerada Qaramada Midoobay ee horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya waxaa ka mid ah in la kaalmeeyo Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo waaxda garsoorka si ay u gutaan waajibaadka ka saaran xuquuqda aadanaha, taageeradaas oo iskugu jirta bixinta khibrad farsamo iyo fulinta hawlo tayo dhis ah.
Mawduuca xuska sanadkan, ‘Xuquuqda Aadanaha, Waa Muhiimaddeena Aasaasiga ah ee Maalinlaha ah,’ ujeeddadiisu tahay in dib loogu xaqiijiyo muhiimadda waarta ee uu leeyahay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (UDHR) wuxuuna iftiiminayaa in xuquuqaha aasaasiga ah - sida badbaadada, caafimaadka, waxbarashada, iyo takoor-la’aanta – aysan ahayn fikrado meel fog laga doonayo, balse ay yihiin xudunta asaaska ah ee dadku ku tiirsan yihiin maalin kasta si ay sharaf ugu noolaadaan. Wuxuu xusuusin u yahay in ilaalinta xuquuqdan ay lagama maarmaan u tahay abuurista bulsho caddaalad ku nool, adkaysi leh, oo loo dhan yahay.
Maalinta Xuquuqda Aadanaha waxaa la xusaa sannad kasta 10ka bisha Disembar – oo ah maalintii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha sanadkii 1948. Baaqaasi wuxuu salka u dhigayaa halbeeg guud oo ku saabsan xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadaha dhammaan dadka, wuxuuna weli yahay mid ka mid ah dukumentiyada xuquuqda aadanaha ee ugu saameynta badan adduunka, kaas oo aasaas u ah sharciyo badan heer qaran ah iyo heshiisyo caalami ah oo xuquuqda aadanaha ah.





