(Sidii loo soo jeediyey)
Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan rabaa in aan ku bilaabo in aan dabcan ugu mahadnaqo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor Qoor’ oo nagu sharfey in uu naga la soo qaybgalo munaasabadan maanta, isaga oo ay weheliyaan wasiirka maaliyadda, wasiirro kale, marti-sharaf Soomaaliyeed oo qaddarin mudan, Ku-simaha Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Qurat-ul-Ain Sadozai, iyo ka qaybgalayaal kale oo sharaf leh. Dhammaan waad ku mahadsan tihiin in aad maanta naga la soo qaybgashaan munaasabaddan.
Aan si rasmi ah ugu bilaabo in aan marka hore ugu mahadceliyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor Qoor’, xubnaha maamulkiisa, iyo shacabka magaalada Dhuusamareeb in ay mar kale si diirran oo sharaf leh noogu soo dhoweeyaan booqasho kale oo aan ku nimid Galmudug. Waad mahadsan tihiin.
Maanta, inkasta oo Madaxweynuhu uu ina soo dhoweynayo, markan sidoo kale anniga oo ka wakiil ah QM aan Madaxweynaha iyo kooxdiisa ku soo dhoweeyo dhismayaal ay dhistey ayna qalabeysey Qaramada Midoobey, kuwaas oo aan maanta ku wareejineyno Dowladda Dowlad-goboleedka Galmudug. Soo dhowaada.
Goobtan oo ku taalla Xero Daroogo ayaa markii hore waxaa loogu talagalay in ay noqoto xarun iyo goob ay Qaramada Midoobay ka howlgasho oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb iyo Galmudug, laakiin waxaan ku khasbanaaney in aan beddelno qoshayaasha xaaladda maaliyadeed ee Qaramada Midoobey iyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya (UNTMIS) ee la soo xirayo bisha Oktoobar 2026ka ka dib markii ay codsatey Dowladda Federaalka Soomaaliya daraaddood.
Haddaba, inkasta oo Qaramada Midoobey ay hawsheeda iyo barnaamijyadeeda Galmudug ay u wadi doonto si hadba ku xiran kheyraadka la heli karo, haddana tas-hiilaadka waxaa hadda lagu wareejin doonaa Dowladda Dowlad-goboleedka Galmudug si ay u isticmaalaan.
Mudane Madaxweyne, ii oggolaada in aan idiin xaqiijiyo in is-garabtaagga iyo taageerada QM ee dadka reer Galmudug ay ku tiro tahay dhagxaanta aasaaska ee tas-hiilaadka iyo tirada bulukeetiga loo adeegsadey in lagu dhiso.
Waxaana aan rajeyneynaa in is-garabtaaggan iyo taageeradan ay u socon doonaan dadka cusub ee soo geli doona dhismayaashan.
Sidaas daraadeed, xarunta aan maanta wareejinayno, oo leh xafiisyo iyo qolal hoy ah oo loogu talagalay ku dhowaad 50 qof, isla markaana leh awood lagu ballaariyo, waa mid si buuxda u dhammeystiran oo diyaar u ah hawlgallo shaqo. Xaruntan waxay leedahay, sida aad ku aragtayba kormeerkeennii koobnaa, Mudane Madaxweyne, dhammaan kaabayaasha lagama-maarmanka ah, qaybaha amniga, matoorro koronto-dhaliyeyaal ah, makiinado biyaha nadiifiya, iyo xitaa meel diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopter) ay ku soo dagaan.
Qalabkan waxaa la socda, in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu farsamayaqaannada Dowlad-goboleedka Galmudug uu si gaar ah u siin doonno tababarro ku saabsan dhammaan nidaamyada iyo qalabka, iyadoo tababarku socon doona ilaa dhammaadka sanadkan.
Kahor inta aanan soo gebaggebaynin, waxaan jeclaan lahaa in aan qiro oo mar kale ugu mahadceliyo Madaxweynaha dadaalkiisa, dulqaadkiisa, iyo ka go’naanshihiisa muddadii dheer ee lagu dhisayay laguna qalabaynayay xaruntan.
Mar kale, kaalmada Qaramada Midoobey ee Galmudug kuma xirna keliya joogitaanka goob la taaban karo.
Aan mar kale idiin xaqiijiyo in Qaramada Midoobey ay bahwadaag la sii ahaan doonto Galmudug iyada oo loo marayo UNTMIS ilaa laga xirayo sanadka soo socda, ka dibna iyada oo loo marayo hay’adaha, sanduuqyada, iyo barnaamijyada QM ee ka hawlgala Soomaaliya. Waan sii wadi doonnaa wada-shaqeynteenna iyo kaalmada aan siinno dadka iyo Dowladda Dowlad Goboleedka Galmudug inta ay ka shaqeynayaan nabadda, xasiloonida, amniga iyo horumarka.
Mahadsanihiin.





