Baydhabo – Suxufi ku dhex ahaashaha Soomaaliya ma aha wax fudud.
Sida uu qabo ururka Reporters Without Borders / Wariyeyaasha Aan Xuduudda Lahayn, hawl-wadeennada warbaahinta ee Soomaaliya waxaa ay ku shaqeeyaan deegaan ay ka jirto nabadgelyo-xumo ba’an, iyaga oo xusey maaddaama “tiro ka badan 50 xirfadlayaal warbaahineed ah la diley tan iyo sanadkii 2010kii, ay Soomaaliya weli tahay mid ka mid ah dalalka ugu halis badan suxufiyiinta ee guud ahaan Afrika.”
Ururkaa aan dowliga ahayn ayaa hadalkiisa sii watey oo xusey in halisaha soo wajaha suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ka mid yihiin, “xirid, dhibaateyn, jir-dil, weerarro galmo oo loo geysto suxufiiinta dheddigga ah iyo dil,” waxaana “kuwa aan faaf-reeb isku sameyn ay u badan tahay in ay beegsadaan Al-Shabaab, oo ah kuwa ka dambeeya badi suxufiyiinta in la dilo, ama la iska xiro. Suxufiyiinta baara mowduucyada xasaasiga ah sida musuqmaasuqa ayaa gaar ahaan halis ku jira.”
Kuwani waa aaraada Cumar Mustafa Nuur, oo horey suxufi u soo ahaan jirey haddana ah war-gaarsiiye dowladeed, oo si wanaagsan u fahmaya uguna damqanaya.
Haseyeeshee, waxaa sidoo kale u muuqda horumarka la gaarey waxaana uu carrabka ku adkeeyey in si kasta oo ay xirfaddu hadda u adkaan karto, haddana waqtiyadii la soo dhaafey ayaa ay xaaladdu aad uga sii xumeyd.
“Jiritaan la’aanta miisaaniyad lagu hawlgalo, dhegeystayaasha oo sii yaraanaya iyo hanjabaad joogto ah, iyo xataa weerarro bam gacmeed lagu soo tuuro qolka wararka – ayaan ahayn waxyaabo ay fiican tahay in ay isugu kaa darsamaan!” ayaa uu yiri Mudane Cumar.
“Waqtigaas,” hadalkiisii ayuu sii watey, “in aad suxufi noqoto waxaa ay la mid ahayd adiga oo saxiixay amarkii dilkaaga.”

Mudane Cumar oo hadda 39 sano jir ah oo markii hore uu xiisaha uu u qabey warbaahinta ka dhashey jacayl uu u qabey sheeko-gudbinta ayaa u bareerey in uu suxufinimo ka shaqeeyo iyadoo xilligii gacan-ka-hadalkii dagaalkii sokeeye ee sanadkii 2000 iyo sanadihii xigey ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyada oo uu safarkiisa ku biyo-shubtey, ilaa hadda, in loo magacaabo jago sare oo uu ka qabto maamulka Dowlad Goboleedka.
Bilowgii hore
Mudane Cumar oo sanadkii 1986 ku dhashey Baydhabo, oo ah magaalada ugu weyn Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa uu soo dhigtey Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Saree ee Khadiija (Khadija Primary and Secondary School), isaga oo waxbarashadiisii dhammeystey sanadkii 2005tii, iyada oo uu jirey gacan-ka-hadalkii dagaalka sokeeye ee socdey.
Taariikhiyan qoyskiisu waxaa uu ahaa beeraley laakiin, isaga oo aad u yar, ayaa waxaa uu jeclaa sheeko-gudbinta. Raadkii dagaalka ayaa baaxad cusub ku darey yoolkaa.
“Waxaan jeclaa in aan u adeego dadkeyga. Anniga oo adeegsanaya codkeyga iyo xirfadahayga sheeko-gudbinta oo ahaa sida keliya ee aan garaneyey in aan dadkeyga ku caawin karo,” ayaa uu yiri Mudane Cumar. “Weligeyba waan jeclaa sheeko-gudbinta – laakiin, waxaa ii sii dheeraa, in aan rabey in aan u hadlo kuwa aan awoodin in ay naftooda u hadlaan.”
Markii uu dhammeeyey dugsiga sare ka dib, waxaa uu shaqo mutadawacnimo ah ka heley Radio Warsan, oo ah warbaahin gaar loo leeyahay oo xarunteedu tahay Baydhabo, waxaana uu halkaa ka heley waayo-aragnimadiisii ugu horreysey ee suxufinimo.
Isaga oo rabey in wixii uu ku soo bartey shaqada dhexdeeda uu sii biirsado, ayaa sanadkii 2008dii waxaa uu u wareegey caasimadda dalka halkaas oo uu iska qorey Jaamacadda Muqdisho si uu uga barto culuunta siyaasadda iyo macluumaadka, isaga oo ka soo qalin jebiyey sanadkii 2011kii oo uu shahaaddada koowaad ee jaamacadda ku soo qaatey suxufinimo. Waxaa uu labadii sano ee xigey sii joogey Muqdisho ka hor intii uusan ku noqon Baydhabo sanadkii 2013kii, halkaas oo uu shaqo uu mushaar ku qaadanayo ka heley Radio Warsan.
Ugu dambeyntii, aqoontiisii, iyo waayo-aragnimadiisii, ayaa gacan ku siiyey in uu jago tifaftire guud ah uu ka helo Radio Warsan, oo degaanka looga arkayey in uu yahay warbaahin gacan-saar la leh dowladda.
“Waxaa hanjabaado ii soo diri jirey kooxaha argagaxisada ah markii aan Radio Warsan ka ahaa Tifafatiraha Guud, inkasta oo uu ahaa warbaahin madax-bannaan. Laakiin uma badneyn sida kuwii i soo gaareyey markii aan shaqo ka bilaabey warbaahinta dowladda taabacsan,” ayaa uu yiri Mudane Cumar.
Dadaalladii uu muujinayey intii uu u shaqeynayey Radio Warsan ayaa waxaa arkey saraakiil dowladeed. Waxaana sanadkii 2016kii uu ku biirey Wasaaradda Warfaafinta yo Wacyigelinta Bulshada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo u igmatey in uu asaaso xarun idaacad iyo telefiishan uu dowlad-goboleedku yeesho.

Tani ma ahayn hawl fudud. Mudane Cumar ayaa ku khasbanaa in uu tartiib-tartiib u bilaabo maaddaama kheyraadka iyo xirfaduhuba ay xaddidnaayeen. Xaruntu waxaa ay noqon doontaa tii ugu horreysey ee Dowlad Goboleedkii markaa curdanka ahaa uu yeesho, maaddaama Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed la dhisey sanadkii 2015kii markii la gaarey heshiisyadii ka dambeeyey dagaalka sokeeye ee la xiriirey qaab-dhismeedka federaaliga ah ee dalka.
Tani waxaa ay ahayd koboc dhinaca xirfadda shaqo, inkasta oo uu sidoo kale macnaheedu ahaa in nolosha Mudane Cumar ay soo wajahday halis kaga imaanaysey kooxda argagaxiada ah ee Al-Shabaab, maaddaama hadda si toos ah loola xiriirin karo maamulka Dowlad Goboleedka.
“Ka dib markii uu daah-rogey xarunta, waxaa sii laba-laabmey hanjabaadihii. Xafiisyadeenna ayaa lagu soo weerarey bam-gacmeedyo,” ayaa uu yiri Mudane Cumar.
Inkasta oo ay halistaa jirtey, haddana marna kama fekerin in aan ka baxo shaqada.
“Waqtigaa, waxaan iska diidey in cabsi aan ka qabo kooxo argagaxiso ah in ay gilgisho ballantii aan u qaadey in aan u adeego dowladdeyda iyo dadkeyga, ilaa maantana taas isma beddelin oo waa sideedii,” ayaa uu yiri Mudane Cumar.
Dhibaatada guud ee jirtay waqtigaa iyo hanjabaaddii joogtada ahayd ee loo gacan qaado waxaa ay ahaayeen kuwo joogto ah laakiin waxaa u weheliyey oo iyana dhibaatadooda lahaa culeysyo ka dhashey shaqaale-yaraanta, kheyraadka maaliyadeed ee xaddidan iyo dhegeystayaasha naxsan ee aadka u baqaya.
“Qaybta ugu adag ma ahayn soo-saaridda barnaamijyada la baahinayo. Waxaa ay ahayd in dadka lagu qanciyo in ay dhegeystaan,” ayaa uu yiri Mudane Cumar. “Xataa saraakiisha dowladda ayaa ka baqayey in ay ka hadlaan idaacadda, muwaadiniinta caadiga ahna waxaa ay ka welweli jireen in dhegeysashada idaacaddeena ay ku keeneyso in ay noqdaan kuwo weerarro lala beegsado.”
Muddadaas oo dhan, Mudane Cumar waxaa ka go’nayd adeegsashada awoodda warbaahintu ay leedahay oo uu aaminsanaa.
“Wax kasta ha ka dhacaan dibadda, is-beddel dhab ah oo ku yimaada bulsho ama dal waa in uu ka soo dhex dhashaa bulshada. Warbaahintu waxaa ay aasaasi u ahayd, welina u tahay wargelinta dadweynaha iyo gacan ka geysashada dib-u-dhiska bulshada” ayaa uu yiri.
Tallaabooyin sare
Tan iyo waqtigaa, xirfaddii shaqo ee mudane Cumar ayaa horumar sameysey – sanadkii 2023 waxaa loo magacaabey jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada.
“Waa mid ka mid ah waxyaabaha ku soo mara noloshaada: Waxaan hadda haystaa fursad aan gacan kaga geysto in is-beddel wanaagsan lagu sameeyo waaxda warbaahinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,” ayaa uu yiri Mudane Cumar.
“In aan ku soo shaqeeyey wariyenimo,” hadalkiisii ayaa uu sii watey, “waxaa macnaheedu yahay in aan si aad u cad u fahamsanahay guulaha iyo caqabadaha warbaahinta maxalliga ah, iyo xiriirka kala dhexeeya xaaladaha adag ee amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka.”
Sanadkii 2017kii, waxaa uu dhammeystirey aasaasiddii Telefishanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed – ama SWS-TV – taas oo qayb ka ahayd dadaal ballaaran oo ay wasaaraddu ku bixineysey saaxad kale oo macluumaadka dowladda iyo macluumaad kale ay kula wadaagto dhegeystayaasha/daawadayaasha degaanka.
“Codadkii mar aamusnaa ayaa ku soo noqdey mowjadihii hawada. Waa laga soo baxay waqtigii farriimaha dowladda lagu qaabili jirey shaki ee hadda waxaa lagu soo dhoweeyaa xiiseyn dhab ah,” ayaa uu yiri Mudane Cumar, isaga oo intaa raaciyey sida xubnihii dowladda u shaqeyn jirey ee mar ka baqi jirey in wejiyadooda la arko ay hadda si furan uga hadlaan SWS-TV, iyo sida barnaamijyo horey ugu dhibbeysnaa in ay soo jiitaan marti ay hadda si fudud ku heli karaan.

“Mid ka mid ah yoolalka aan higsanayey ayaa ahaa in aan ka hor tago doodda argagaxisada, nasiiib-wanaag, taasi waa ay ii shaqeysey,” ayaa uu hadalkiisii ku sii darey Mudane Cumar. “War-isgaarsiinta dowladda ayaa hadda si hufan u gaareysa dadweynaha, iyada oo la dagaallameysa dacaayadda argagaxisada oo beereysana abuurkii is-beddelka.”
Maaddaama uu yahay sarkaalka ugu sarreeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha, Mudane Cumar waxaa uu korjoogteeyaa dejinta istiraatiijiyadaha war-isgaarsiinta ee dowladda waxaana uu hoggaamiyaa dadaallada dib loogu soo nooleynayo waaxda warbaahinta, sidaasna waxaa uu isugu soo dhoweynayaa masaafada u dhexeysa maamulka Dowlad Goboleedka iyo muwaadiniintiisa.
“Markii hore suxufiyiintu waa ay ka baqi jireen in ay la shaqeeyaan warbaahinta dowladda ku xiran. Tusaale ahaan waxaan shaqada ku bilowney keliya shan suxufi, haddana, waxaan hawlgelinnaa lix idaacaddood oo ku kala yaalla guud ahaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo xarun telefishan, oo ay wadar ahaan ka shaqeeyaan shaqaale ka badan 90,” ayaa uu yiri.
SWS-TV ayaa hadda ka shaqeeya 96 shaqaale oo kala jooga saddexda gobol ee Dowlad Goboleedka – Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose – waxaana uu soo saaraa barnaamijyo maalinle ah oo ay ka mid yihiin wararka degaanka iyo kuwa dalka iyada oo diiradda la saarayo arrimaha la halmaala dowladda ee saameynta ku leh dadka deggan degaanka.
Rajooyin sarreeya, tababar hor leh
Sida ay qabto kooxda warbaahineed ee ugu ballaaran ee ka jirta Dowlad Goboleedka, oo ah Ururka South West Journalists Association (SOWEJA), waxaa halkaa ka shaqeeya 15 xarumo warbaahineed, oo isugu jira kuwo gaar loo leeyahay iyo kuwo dowladdu leedahay, waxaana ka shaqeeya ilaa 300 oo shaqaale.
Mudane Cumar waxaa rajooyin wanaagsan uu ka leeyahay waaxda warbaahinta – kuwaas oo badidoodu ay xuddun u tahay in la kobciyo oo laga dhigo waax bulshada ka mid ah oo xirfad, sumcad iyo anshax leh. Waxaa uu carrabka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee sii wanaajinta waxbarashada iyo xirfadaha ay u leeyihiin warbaahinta, iyo in kor loo qaado wacyiga dadweynaha.
“Jiilalka yaryar waa in aaney u bogin keliya kuwa lagu sheego ‘suxufiyiin’ ee keliya haysta kaamarad oo hadli karana. Saxaafaddu ma aha saaxad ay qayla-quutayaasha (loudmouths) ay ku faafiyaan been iyo hadal nacayb ku dhisan si ay u soo jiitaan dareenka dadka soo gala internet-ka,” ayaa uu carrabka ku adkeeyey.
“Waxaan dhammaanteen wada ognahay in aanu qofna noqon karin dhakhtar, macallin ama injineer isaga oo aan lahayn waxbarashadii laga rabey. Saxaafadduna taas kama duwana. Xirfaddan waxaa loogu talogaley kuwa ixtiraama shuruucda iyo anshaxa warbaahinta,” ayaa uu yiri. “Marka hore baro xirfadda, markaa ka dib soo qaado kaamarad ama mikrofoon. Marka aad leedahay xirfadaha loo baahan yahay, waxaad si macno ku fadhida wax ugu biirin kartaa dhisidda qaranka,” ayaa uu carrabka ku adkeeyey.

Mustaqbalka fog, Mudane Cumar waxaa uu leeyahay yoolal ka dhambalmaya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed: kuwaas oo ah in uu abuuro madal waxbarasho oo loogu talogaley keliya kobcinta warbaahinta Soomaaliya.
“Mustaqbalka, waxaan rabaa in aan hubiyo in saaxafadda Soomaaliyeed ay ku saleysnaato aqoon iyo mabaa’dii – waxaa nalooga baahan yahay in aan la dagaallanno wararka beenta ah ee huriya colaad qabiil iyo xasarado siyaasadeed. Si tan loo xaqiijiyo, waxaa ii qorsheysan in aan abuuro macaahid waxbarasho oo u gaar ah saxaafadda iyo barnaamijyo tababar oo kaabaya kobcinta xirfaddooda shaqo,” ayaa uu yiri Mudane Cumar.
Taageerada QM
Qaramada Midoobey waxaa ay u qareemeysaa doorka mugga weyn ee warbaahinta, saxaafadda, helidda iyo baahinta macluumaadka ay ka cayaaraan hubinta mustaqbalka waara.
Sida ay qabto Hay’adda QM ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO), xorriyadda warbaahinta iyo helidda macluumaad waxaa ay wax ku biiriyaan kobcinta hadafka ballaaran ee awood-siinta dadka, awoodsiintuna waa geeddi-socod bulsho iyo mid siyaasadeed oo geeso badan leh oo dadka gacan ka siiya in ay iyagu maamulaan noloshooda.
UNESCO ayaa hadalka sii waddey oo sheegtey in tani lagu xaqiijin karo keliya iyada oo loo marayo helidda macluumaad sax ah, dhexdhexaad ah oo aan xaqal-daacis lahayn, oo ay ku dhan yihiin aaraa kala duwan, oo haystana siyaabihii ay si firfircoon ay war-isgaarsiintu ugu kala socon lahayd kor iyo hoos iyo dhinacyadaba, sidaana si firfircoon looga qaybqaadanayo nolosha bulshada.
Soomaaliya gudaheeda, Qaramada Midoobey waxaa ay taageertaa horumarinta warbaahinta iyada u mareysa wada-shaqeynta ay la leedahay ururrada kala duwan ee warbaahinta ee ka kala jira degaannada kala duwan ee dalka.
Marka loo yimaada Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya / the United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS), taageeradaasi waxaa ka mid ah in uu la shaqeeynayo maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo ururrada warbaahinta ee degaanka si loo horumariyo waaxda warbaahinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed – middan dambe waxaa soo hoosgeleysa la-shaqeynta SOWEJA, ururka Somali Media Women Association (SOMWA) iyo Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada, iyo kuwo kale, si tababarro loogu qabto xirfadlayaasha warbaahinta ee degaanka.

“Himilada QM waa in qof walba uu nabad, sharaf, iyo sinnaan ugu dhex noolaan karo dhul caafimaad qab leh – warbaahintuna waxaa ay taas ku leedahay door weyn oo ay ciyaarto, laga yaabee gaar ahaan marka loo yimaado dalalka ka soo kabanaya tobanaan sano oo dagaal iyo colaad sokeeya ay ka jireen sida Soomaaliya oo kale,” ayaa uu yiri Madaxa Kooxda War-isgaarsiinta Istiraatiijiga ah iyo Arrimaha Bulshada, Ari Gaitanis.
“Sidaa daraaddeed dadaallada lagu hubinayo waax saxaafad iyo war-isgaarsiineed oo xirfad leh,” hadalkiisa ayaa uu sii wadey, “oo macluumaad cad oo la isku halleyn karo si xirfadeysan, madax-bannaan oo ballaaran dadka loo gaarsiinayo, oo ay ku jiraan codad kala duwan, ayaa ah mid la soo dhoweynayo oo loona baahan yahay.”




