UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Ergeyga Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya ayaa ka hadley amniga, doorashooyinka iyo baahiyaha bani'aadamnimada intii uu ku guda jiray booqasho uu ku tagey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

UN Special Representative discusses security, elections and humanitarian needs on South West State visit
Baydhabo – Arrimaha saameynaya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo Soomaaliya guud ahaan, ayaa diiradda lagu saarey booqashadii maanta mas'uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu ku tagey magaalada ugu weyn Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
“Madaxweynaha iyo Anniga waxaan ka munaaqashoonney arrimo aad u ballaaran oo heer dowlad goboleed iyo heer qaranba isugu jira, oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, u-diyaar-garoobidda doorashooyinka, iyo baahiyaha bani’aadamnimada,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, James Swan.
“Waxaa uu iiga warramey dadaallada lagu xoojinayo amniga ee guud ahaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale sidii guusha lahayd ee mar kale dib loogu xorreeyey Sabiid iyo Barriire, oo ku yaalla Shabeellaha Hoose,” ayuu hadalkiisa ku darey.
Mas’uulka QM ayaa ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen isaga iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen,’ kadib kulan dhex maray labada mas’uul iyo xubno ka tirsan kooxahood.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa hadda martigelinaysa ku dhowaad 800,000 oo qof oo ka soo barakacay xaaladda bani’aadamnimo ee dalka ka jirta, iyo sidoo kale colaadda weli socota ee lagu la jiro kooxda argagixisada Al-Shabaab. Magaalada Baydhabo oo kaliya ayaa hoy u ah ku dhowaad 650,000 oo barakacayaal ah.
34888123740_38e05dfbb2_k.jpg
Labada mas'uul ayaa mawduuca ka hadley.
“Waxaan sidoo kale ka wada hadalney culeysyada la halmaala kaalmeynta bulshooyinka barakacayaasha ah waqti ay jirto hubaal la’aan la halmaasha maaliyad-siinta hawlaha bani’aadamnimada. Waxaan Madaxweynaha u xaqiijiyey in, inkasta oo maaliyadsiintu ay dunida oo dhan gabaabsi ku tahay, haddana in Qaramada Midoobey ay ku dadaali doonto in waxa ugu badan ay ku qabato kheyraadka ay heli karto si ay u caawiso kuwa ugu baahida badan,” ayuu yiri Md. Swan.
Iyada oo Soomaaliya ay isku diyaarinayso geeddi-socodyada doorashooyinka, Ergayga Gaarka ah ee QM iyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ka hadley dedaalka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee heer Dowlad-Goboleed, kaas oo ay ka mid yihiin barnaamijyo diiwaangelin guurguura oo loogu talagalay in lagu hubiyo ka-qaybgalinta haweenka, dhallinyarada, barakacayaasha, iyo bulshooyinka la haybsooco.
Arrimaha qaran ee hadda taagan ayaa sidoo kale qayb ka ahaa wadahadalkooda, iyada oo ergayga QM uu xusay baahida loo qabo in la isugu yimaado si niyad-wanaag iyo is-afgarad ku dhisan.
54743678590_3855a6eef6_k.jpg
“Waxaan hoosta ka xarriiqey muhiimadda ay leeyihiin midnimada iyo wada-hadallo loo dhan yahay oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, waxaana aan xusey in Madaxweyne Cabdicasiis uu door wax dhisaya ka qaatey dadaalladii hore loo bixiyey iyo in sidoo kale uu mustaqbalka qaadan karo door waxtar leh” ayuu yiri Md. Swan.
“Gebogebo ahaan,” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata, “waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in Qaramada Midoobey ay mar walba Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay bahwadaag kula ahaan doonto horumarinta nabadda, qaran-dhiska, wax-ka-qabashada arrimaha amniga, iyo baahiyaha bani’aadamnimada iyo kuwa horumarinta ee dadka Soomaaliyeed.”