UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Khabiir ka socda Qaramada Midoobay oo ugu baaqay beesha caalamka in Soomaaliya aan la cidlayn

News Release cover

Muqdisho – Soomaaliya waxay wajahaysaa caqabado aan caadi ahayn oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubaysan ee Al-Shabaab iyo Daacish, sida uu sheegay xeel dheere ka tirsan Qaramada Midoobay, isagoo garab-istaag u muujiyay dadka iyo Dowladda oo wajahaya khataro argagixiso oo joogto ah.

“Waxaan garowsanahay dadaallada ballaaran ee ay wadaan hay’adaha Soomaaliyeed si ay uga hortagaan argagixisada, iyagoo adeegsanaya istiraatiijiyad isku dhafan oo ay ku jiraan fulinta sharciga, hawlgallo ciidan, ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, iyo wax ka-qabashada sababaha keena in dhalinyaradu ku biiraan kooxaha argagixisada ah,” ayuu yiri Ben Saul, Qalin-hayaha Gaarka ah ee qaabilsan dhiirrigelinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah, iyadoo lala dagaallamayo argagixisnimada. Wuxuu hadalkaas ku sheegay warbixinii uu kasoo saaray gabagabada booqashadii uu ku yimid dalka.

“Sidoo kale, waxaan qirayaa caqabadaha amni iyo kuwa dhaqaale ee adag ee haysta Soomaaliya.”

Saul wuxuu muujiyay walaac ku aaddan in Soomaaliya ay meelmarisay qeexitaanno argagixisanimo iyo dambiyo la xiriira argagixisanimada oo aad u ballaaran, isla markaana fidsan, iyo sidoo kale awoodo dhanka sirdoonka iyo amniga ah oo aad baaxad weyn, kuwaas oo halis gelin kara xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah. Wuxuu sidoo kale ka digay in qaar ka mid ah dambiyada argagixisanimada lagu mutaysan karo xukun dil ah, xitaa marka dambiyadaas aysan ku lug lahayn dil ula kac ah, taas oo ka hor imaanaysa heerarka ku cad sharciga caalamiga ah

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, khabiirku wuxuu helay warbixino sheegaya xarigyo aan sharciga waafaqsanayn, xabsi waqti dheer lagu jiro ka-hor maxkamadaynta, maqnaanshaha qareenno metela [eedeysanaha], dad ay suurtagal tahay in si khasab ah loo waayay, adeegsiga awood xad-dahaaf ah, iyo xadgudubyo ka dhacay xabsiyada dhexdooda.

"Waxaan si weyn uga walaacsanahay xadgudubyada baahsan ee ka dhanka ah carruurta ku jira colaadaha hubeysan, oo ay ka mid yihiin dilal, dhaawicid, askarayn khasab ah, xadgudubyada jinsiga, iyo kuwa jinsiga ee colaadaha ku salaysan, iyo ka-ganacsiga caruurta" ayuu yiri Qalin-hayaha Gaarka ah.

Saul ayaa si gaar ah walaac uga muujiyay adeegsiga maxkamadaha ciidamada qalabka sida ee lagu maxkamadeeyo la-tuhunsanaha ku eedeysan argagixisnimada, maxkamadahaas oo aan lahayn madaxbanaani ku filan iyo damaanad-qaadka hab maxkamadayn oo cadaalad ku qotoma.

"Xaaladaha xabsiyada ayaan sidoo kale buuxinin halbeegyada caalamiga ah," ayuu yiri.

Qalin-hayaha Gaarka ah wuxuu qiray guulaha laga gaaray hawlgallada ciidan ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, laakiin wuxuu sheegay in uu ka walaacsan yahay in ciidamada milatariga ah aysan lahayn xeerar, nidaamyo iyo habab isla xisaabtan oo looga hortego, lagu daba galo, laguna xaal-mariyo xadgudubyada dhaca. Waxa uu sidoo kale walaac xooggan ka muujiyey adeegsiga maleeshiyo beeleedyo ka barbar dagaallama ciidanka, iyadoo aanu jirin hannaan sharci ah oo lagu ilaaliyo xuquuqda aadanaha.

Qalin-hayaha Gaarka ah wuxuu ku booriyay Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa taageero calami ah , in la hirgeliyo oo si waafi ah loo maal-geliyo xarumo dhaqan-celin iyo is-dhex-gal, iyo sidoo kale barnaamijyo loogu talagalay dadka kasoo baxa Al-Shabab, oo ay ku jiraan haweenka kasoo badbaaday xadgudubyada jinsiga ee ku salaysan codaaldah.

Wuxuu ka digay in sharciyada la-dagaallanka maalgelinta argagixisada ay khatar gelinayaan gaarsiinta gargaar bani’aadamnimo oo si madax-bannaan oo eex la’aan ah lagu gaarsiiyo dadka rayidka ah ee nugul ee aadka u tabaalaysan.

"Sidooo kale, sharciyada la dagaalanka argagixisadu waxay si taban u saameeynayaan xorriyadda warbaahinta iyo in la tebiyo warbixinada khuseeya amniga, waxayna xaddidayaan oo ay hakinayaan hawlaha xuquuqda aadanaha ee ay qabtaan ururrada bulshada rayidka ah," ayuu yiri Saul.

“Waxaan ku boorinayaa Soomaaliya inay diyaariso habab kor-joogtayn iyo isla-xisaabtan ah, hababkaas oo madax-bannaan, wax-ku-oolna ah, si ay u adeegsadaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya la dagaallama argagixisada, iyadoo sidoo kale la laba-laabayo dadaallada lagu wajahayo sababaha aasaasiga ah ee dhaliya [xagjirnimada], lagu baadi goobayo xal u helidda colaadaha iyo nabadaynta, lagu horumarinayo maamul loo dhan yahay oo dadku uga qaybgalaan si loo dhanyahay, lagula dagaallamo musuqmaasuqa, saboolnimada, iyo takoorka ka dhanka ah dadka laga tirada badan yahay.”

Wuxuu ku dhiirrigeliyay saaxiibada beesha caalamka in ay joogteeyaan taageerada siyaasadeed iyo midda maaliyadeed ee ay siiyaan Soomaaliya, iyadoo la wajahayo saamaynta ka dhalatay hoos u dhigidda dhaqaale ee ba’an ee dhowaan ay ku dhaqaaqeen qaar kamid ah deeq-bixiyeyaasha.

"Waxaa lagu jiraa xilli muhiim u ah Soomaaliya," ayuu yiri. "Wada-shaqayn joogto ah oo calami ah ayaa lagama maarmaan u ah taageerada dadaallada qaran ee lagu dhisayo nabad waarta, lagu xoojinayo sarreynta sharciga, laguna ilaalinayo xuquuqda aadanaha iyadoo lala dagaallamayo argagixisada."

Qalin-hayaha Gaarka ah ayaa bisha Maarso, 2026ka wuxuu warbixin faah-faahsan u gudbin doona Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, isagoo uga warbixin doona natiijooyinka kasoo baxay socdaalkiisa.

- DHAMAAD -

*Khubarada: Ben Saul,Qalin-hayaha Gaarka ah ee qaabilsan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka asaasiga ah, iyadoo lala dagaallamayo argagixisada.

Qalin-hayeyaasha Gaarka ah/Kubarada Madaxabanaan/Koox-Howleedyada waa khubaro madax bannaan oo ku takhasustay xuquuqda aadanaha oo ay soo magacaabaan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay. Si wada jir ah, khubaradan waxaa loogu yeeraa Habraacyada Gaarka ah ee Golaha Xuquuqda Aadanaha. Khubarada habraacyada gaarka ah waxay u shaqeeyaan si ikhtiyaar ah; ma ahan shaqaale ka tirsan QM, sidoo kale, mushaar kuma qaataan hawlaha ay qabtaan. Inkastoo xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha uu yahay xoghaynta Halbeegyada Gaarka ah, haddana khubaradu waxay ku hawl-galaan awooddooda shaqsiyadeed, wayna ka madax bannaan yihiin dowlado ama hay'ad kasta, oo ay ku jiraan Xafiiska Ergeyga Sare ee Xuquuqul Insaanka iyo QM. Wixii aragti ama ra’yi ah ee la soo bandhigo waxaa si gaar ah u leh qoraaga soo bandhigay, mana ka turjumayaan aragtiyada QM ama Xafiiska Ergeyga Sare ee Xuquuqul Insaanka.

Talooyinka iyo u-kuur-galka gaarka ah ee ku saabsan dal gaar ah ee ay soo jeediyeen hababka xuquuqda aadanaha ee QM, oo ay ku jiraan habraacyada gaarka ah, hay’adaha heshiiska ama candiga qaybta ka ah iyo Dib-u-eegista Muddeysan ee Caalamiga ah, waxaa laga heli karaa tilmaamaha Xuquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah https://uhri.ohchr.org/en/

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee QM, Bogga Khuseeya Dalalka: Somalia

Wixii faah-faahin intaas dheer, iyo codsiyada warbaahinta, fadlan la xiriir Karen Reyes Tolosa (karen.reyestolosa@un.org).

Wixii su’aalo warbaahineed ah ee la xiriira khubarada madaxabanaan ee QM, fadlan kala xiriir Maya Derouaz (maya.derouaz@un.org) iyo Dharisha Indraguptha (dharisha.indraguptha@un.org).

Wixii warar ah ee la xiriira khubarada madaxa bannaan ee xuquuqda aadanaha ee QM, kala soco barta Twitter-ka: @UN_SPExperts