UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

QM oo Soomaaliya ugu Hambalyeysay Sanad Guurada 65aad ee Madaxbanaanida

War-Saxaafadeed

Muqdisho – Munaasabadda sanad guurada 65aad ee ka soo wareegtay madaxbanaanida Soomaaliya awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay u hambalyeysay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxayna bogaadisay horumarka uu dalku ku tallaabsaday tan iyo 1960kii.

“Soomaaliya waxay leedahay wax badan oo ay si sharaf leh ugu faani karto, oo ay ku jiraan guulaha laga gaaray horumarinta nabadda, barwaaqada, iyo dowladnimada, inkasta oo ay wajahdo caqabado waaweyn,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan u dirayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ‘hambalyo,’ ku aaddan maalintan qiimaha badan, waxaana mar kale xaqiijinayaa sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay inay ku garab istaagto Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto xaqiijinta horumar intaas kasii ballaaran sannadaha soo socda,” ayuu raaciyay.