Bahda warbaahinta qaaliga ahaaw,
Marwooyin iyo mudanayaal,
Subax wanaagsan, waad ku mahadsan tihiin imaanshihiina.
Waxaan idin la hadlayaa aniga oo ah Khabiirka Madax-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xaaladda Xuquuqaha Aadanaha ee Soomaaliya, aniga oo soo gebbogabeeyay booqashadeydii afaraad ee aan ku imaaday Soomaaliya, booqashadaas oo dhacdey intii u dhaxeysay 4 ilaa 11 Maajo 2025.
Bayaankeyga aan ku bilaabo in aan si weyn uguga mahadceliyo Dowladda Soomaaliya sida ay iiga la shaqeysay waajibaadkeyga iyo taageeradeeda wanaagsan ku aaddan qabanqaabinta booqashadan iyo sidoo kale wada-hadallada faa’iidada leh ee aan wada-yeelanay, oo aan filayo in ay sii socon doonnaan mustaqbalka. Waxaan kale oo aan fursaddan ugaga faa’iidaysanayaa in aan si kal iyo laab ah ugu mahadceliyo saaxiibadeyda shaqada ee QM iyo Midowga Afrika iyo xubnaha bulshada diblomaasiyadda ee dalka taageeradooda hagar la’aanta ah oo booqashadeyda ka dhigay mid guulaysata.
Haddaan idin xasuusiyo, hawsheyda ayaa igu waajibineysa in aan korjoogteeyo oo aan ka soo warbixiyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya oo aan talooyin ka soo jeediyo kaalmada farsamo iyo karti-dhis ee loogu baahan yahay saaxada xuquuqda aadanaha. Sidaa daraaddeed, hadafka booqashadeydu waa in aan daraaseeyo xaaladda xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid tahay sida loo hirgeliyey jaangooyooyinkaygii (benchmarks) iyo talo-soo-jeedinteydii tan iyo markii aan soo saarey warbixinteydii hore ee bishii Oktoobar 2024. Sidaa daraaddeed, hadalladan waxaa ay ka dhigan yihiin indha-indhaynta horudhaca ah ee booqashadeyda hadda ee Muqdisho, Soomaaliya.
Intii booqasheyda lagu guda jiray, waxaan la kulmey oo aan la tacaamulay Guddiga Wasaaradaha Kala Duwan (mas'uuliyiihinta Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasaaradda Gaashaandhiga, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Hay'adda Naafada Qaranka, Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, xubin ka tiran Golaha Shacabka iyo xubnaha Guddiga Xulashada Ku-meelgaarka ah ee uu waajibiyay Sharciga Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka ee loogu talagalay xulashada guddoomiyayaasha ka mid noqonaya Guddiga Madax-banaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ee Soo socda. Waxaan sidoo kale fursad u helay in aan la kulmo oo aan la hadlo daneeyayaal aan dowli ahayn oo aad u badan, oo ay ku jiraan ururrada bulshada rayidka (CSOs) ee kala duwan, suxufiyiin, dadka ka ololeeya warbaahinta bulshada, shakhsiyaad naafo ah, wakiillo ka socda kooxaha laga tiro badan yahay, haweenka iyo qaybaha bulshada ee taariikh ahaan la haybsooco. Waxaan sidoo kale la kulmey oo aan la tacaamulay hay'adaha QM, Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo bulshada diblomaasiyiinta iyadoo ujeeddadu tahay in aan si qoto-dheer ugu guurgalo fahamka caqabadaha iyo horumarka laga sameeyay dhiirrigelinta iyo ilaalinta xuquuqaha aadanaha ee Soomaaliya.
Marwooyin iyo Mudanayaal,
Iyadoo la qiimeynayo horumarka xuquuqaha aadanaha ee xaaladda kala-guurka socda ee heerarka QM iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa waxaan u fiirsadey siyaasadda gudaha, amniga iyo xaaladaha bani'aadamnimada ee sida degdegga ah isu-beddelaya ee sida xun u saameynaya adeegsiga xuquuqaha aadanaha ee dalka. Waxaan aad u cambaareynayaa Al-Shabaab, oo weli ah cidda ugu weyn ee geysaneysa xadgudubyada xuquuqaha aadanaha ee ka dhanka dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin carruurta oo ahna tan dalka ku sii haysa dhibaatooyinka nabadgelyo-xumo ee joogtada ah.
Intaa waxaa dheer, saameynta isbeddelka cimilada iyo dhibaatada maalgelinta caalamiga ah ee hadda in ay saameyn xun si weyn ugu yeesheen Soomaaliya maadaama ay inta badan ku tiirsan tahay gargaar. Horumarkan ayaa xaaladda Soomaaliya ka dhigay mid aan deganayn si loo helo xuquuqaha aadanaha.
Waxaan weli ka welwelsanahay dagaalka sii xoogeystey ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo la-hawlgalayaasheeda, iyo ciidamada dowladda oo ay taageeraan Xoogagga Difaaca Bulshada iyo bah-wadaagteeda caalamiga ah, iyo sidoo kale marar ay dhaceen iska-horimaadyo mileteri oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Jubbaland oo sida la sheegey ay ka dhasheen dilal iyo barakac loo geystey dad rayid ah, kuwaas oo ka dhacay meelo ay ka mid yihiin gobollada Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Banaadir. Waxaan sidoo kale ogaadey in dagaalladaasi ay sababeen kororka xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqaha aadanaha iyo welwelka laga qabo ilaalinta bani’aadamnimada, oo ay ka mid yihiin Xadgudubyada Ku Saleysan Galmada iyo Jinsiga, askareynta carruurta iyo arrimo la halmaala guurka carruurta, iyo waxyaabo kale. Intaa waxaa dheer, colaadaha ku saleysan siyaasadda, qabiilka iyo kheyraadka ee hadda socda in ay uga sii dareen dhibaatooyinka xuquuqaha aadanaha iyo amniga ee dalka.
Marwooyin iyo mudanayaal,
Waxaan ka xumaadey in aan oggaado in aysan jirin wax tallaabo ah oo uu baarlamaanku qaaday oo ku saabsan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka tan iyo markii sanadkii hore la ansixiyay afartii cutub ee ugu horreeyay. Sidaas oo ay tahay haddana, Wasaaradda Caddaaladda ayaa waddey wada-tashiyo ku saabsan cutubyada lixaad ilaa sagaalaad, oo la halmaala nooca cusub ee caddaaladda oo ay ka mid yihiin la-dhaqanka maxaabiista, ciidamada asluubta iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud. Waxaan weli dowladda ku dhiirrigelinayaa in ay sii wanaajiso ka-qaybgelka dhammaan daneeyeyaasha, ay ka shaqeyso isu-tanaasulid oo ayna dedejiso geeddi-socodka dib-u-eegista si loo hubiyo u-dhammaanshaha, sharciyadda, daahfurnaanta iyo ku-kalsoonaanta geeddi-socodka dastuur-sameynta.
Marka la eego qaababka kale ee sharciga iyo siyaasadda, waxaan ka walaacsanahay in aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray ansixinta xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee khuseeya, sida Axdiga Ciribtirka Dhammaan Noocyada Takoorka ee Haweenka Ka Dhanka ah (CEDAW), Borotakoolka Axdiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadka ee ku saabsan Xuquuqda Haweenka Afrika, iyo Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta. Sidoo kale, dadaallada lagu sameynayo shuruuc qaran oo ku habboon si markaa si ku habboon loogu ilaaliyo xuquuqaha aadanaha ayaan la arkin wax horumar ah oo laga gaarey. Sidaas oo ay tahay haddana, waxaan jeclaan lahaa indhaqangelintii Sharciga Gudniinka Fircooniga ah ee Jubbaland iyo Sharciga Naafada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Dib-u-eegista iyo ansixinta sharciyada kale ee muhiim ah oo heer federaal ah, oo ay ku jiraan Dembiyada Kufsiga iyo hab-dhaqannada foosha-xun, Hindise-sharciyeedka Caddaaladda Carruurta, Hindise-sharciyeedka Xuquuqaha Carruurta iyo Hindise-sharciyeedka Gudniinka Fircooniga ah ama Jarjaridda Saxaaxa Dheddiga iyo dib u eegista Xeerka Ciqaabta ee 1964 iyo Xeerka Habka Ciqaabta, ayaa ah kuwo muddo dheer soo daahay oo looga baahan yahay dowladda in ay qaado tillaabooyin firfircoon si ay u soo gunaanado hannaanada wax-ka-beddelka iyo ansixinta dhammaantooda hal mar. Inkasta oo laga yaabo in ay tahay wax dad dhiirrigelinaya in la xuso in qaar badan oo ka mid ah hindise-sharciyeedyadan loo ansaxiyey heer gole wasiir ahaan, haddana waxaa sidoo kale welwelkeeda leh in aaney jirin tallaabooyin la taaban karo oo ay qaadeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo lagu meelmarinayo hindise-sharciyeedyadan si ay u noqdaan shuruuc dhaqangal ah.
Marwooyin iyo Mudanayaal,
Waxaa i dhiirrigeliyay abaabulka Shirka Qaran ee Xuquuqaha Aadanaha, kaas oo laga soosaarey war-murtiyeed ka hadlaya tabashooyinka xuquuqaha aadanaha oo muujiyay ballanqaadka maamullada ay ballanqaadeen in ay dhisayaan Guddiga Madax-banaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ee waqtigiisa dhammaaday. Waxaan sidoo kale oggaadey Guddiga Ku-meelgaarka ah ee Xulashada in la dhisay oo uu daabacay ogeysiisyada boosaska bannaan. Sidoo kale, waxaan rajeynayaa in aan arko dhismaha Guddiga Dib-u-habeynta Sharciga iyo Guddiga Maamulka Garsoorka, kaas oo door muhiim ah ka qaadanayo horumarinta in Soomaaliya laga helo cadaalad iyo isla-xisaabtan.
Marwooyin iyo mudanayaal,
Waxaan oggaadey in saaxada lagu adeegsanayo xoriyatul-qowlka, oo ay ka mid tahay xorriyadda lagu raadinayo, lagu helayo, oo lagu wadaagayo macluumaadka muhiimka ah in ay si aad ah u xaddidan tahay. Al-Shabaab ayaa sii wadey in ay beegsato, disho iyo in ay cabsi-geliso suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta si ay u caburiyaan ka soo waramidda macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan waxqabadada iyo sheekooyinka kale ee dalka ka jira. La tacaamulkeyga suxufiyiinta, kuwa ugu ololeeya baraha bulshada, ururrada bulshada rayidka ah, saaxiibada caalamiga ah iyo mas'uuliyiinta dowladda ayaa daaha ka qaaday in suxufiyiinta iyo kuwa ka faa'iideysta fursadda ay ku adeegsanayaan xuquuqdooda xoriyatul-qowlka iyagoo adeegsanaya madallo kala duwan ayaa waxaa handadaad, cagajuglayn, dhibaateyn, garaac, iyo xarig kala sii kulmaan saraakiisha amniga,iyagoo aan la ciqaabin. Hadallo rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ahayn oo ka soo baxay madaxda qaar ayaa saxafiyiinta ka dalbanaya in ay ka waantoobaan soo gudbinta wararka ku saabsan arrimaha amniga iyo siyaasadda ama in ay warbixintooda ku saleeyaan ilaha dowladda oo kaliya, waxaa sidoo kale caado noqday la wareegidda qalabka warbaahinta iyo tirtiridda macluumaadka la diiwaangeliyay.
Waxaan ka walaacsanahay in ay kuwan dhammaantoodu ay ku abuureen jawi cabsi iyo is-qarin suxufiyiinta ka soo waramma arrimaha la xiriira amniga iyo colaadda, oo mugdi dadka ka geliya macluumaadka ay aadka ugu baahan yihiin si ay isu-ilaaliyaan.
Marwooyin iyo mudanayaal,
Waxaan Dowladda Soomaaliya ku boggaadinayaa xoogaa horumarka ah ee ay ka gaartey sii wanaajinta ka-qaybgalka haweenka iyo shakhsiyaadka naafada ah (PWD), oo ay ka mid tahay in la sameeyo nidaamka kootada boqolkiiba 30ka ee haweenka iyo kootada boqolkiiba 5 ee loogu talagalay shakhsiyaadka naafada ah ee hannaanada doorashada. Waxaa sidoo kale la sameeyay dadaallo lagu diyaarinayo xeernidaamyo iyo dhabbe-tusayaal oo si dhab ah loogaga hirgelinayo nidaamkan kootada gudaha xaaladda nidaamka doorashada ee matelaadda isu-dheellitiran. Hase-yeeshee, waxaa walaacyo dhab ah iga soo gaarey daneeyayaasha kala duwan oo ku saabsan isticmaalka nidaamka qabiilka ku saleysan ee 4.5, ee uu la qabsadey nidaamka dowliga ah ee dalka, kaas oo go'aamin doonna natiijada kama dambeysa ah ee hannaanada doorashada. Sidaa daraaddeed, waxaan Dowladda Soomaaliya ka dalbanayaa in ay xaqiijiso in xeernidaamyada iyo dhabbe-tusayaasha ay ka dhashaan in si dhab ah loogu dhaqmo qoddobadan.
In kasta oo aan oggaadey in ay jiraan dadaallo wanaagsan oo lagu dhisayo sheybaarka baaritaanka forensic-ga iyo u tababbaridda saraakiisha amniga ee baaritaanka xadgudubyada galmada, haddana kaliya tallaabooyin xaddidan ayaa weli la qaaday si loo baaro xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo si loola xisaabtamo dembiilayaasha. Caqabadda ay haysato haweenka ay saameeyeen xad-gudubyada xuquuqaha aadanaha ayaa waxaa ugu sii-darey la'aanta taageero iyo ilaalin ay sabab u yihiin dhimista maaliyadaha.
Dhanka kale, waxaan ku faraxsanahay in aan oggaado in Hay'adda Naafada Qaranka ay hadda si buuxda u bilowday hawlaheeda iyada oo la aqoonsanayo meelaha mudnaanta u leh in wax laga qabto sanadka. Si la mid ah, waxaan oggaadey caqabadaha ay la kulmaan Dadka Naafada ah oo ay ka mid yihiin faquuq iyo takoor heerar kasta ah iyo dhibaatooyin ay ku qabaan gaarista xarumaha adeegyada. Iyadoo la eegayo baaxadda caqabadahaas, waxaan dawladda iyo bah-wadaagta kale ku dhiirri-gelinayaa in ay taageero maaliyadeed iyo mid farsamo ay siiyaan hay'adda.'
Marwooyin iyo Mudanayaal,
Marka la eego dhinaca xuquuqaha carruurta, waxaan soo dhaweynayaa dadaalka uu wado Guddiga Wasaaradaha Kala Duwan ee Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan ee daba-galka ku haya hirgelinta qorshaha roadmap-ka 2019-ka ee ku saabsan carruurta colaadda hubeysan iyo sidoo kale oggaanshaha iyo wax-ka-qabashada baahiyada carruurta ay colaaduhu saameeyeen. Iyada oo tan la tixgeliayo, manhaj ku sabsan tababbarka ilaalinta carruurta colaadaha hubeysan ayaa la sameeyay, qorshaha roadmap-ka 2019-kana ayaa waxaa dib-u-eegaya Dowladda Soomaaliya. Waxaan sidoo kale oggaadey horumarka laga sameeyay hirgelinta dhabbe-tusayaasha xaqiijinta da'da, iyo iskaashiga ku saabsan wareejinta carruurta ciidanka laga soosaarey. Si kastaba ha ahaatee, xadgudubyada ba'an ee ka dhanka ah carruurta sida, askareynta carruurta ee ciidamada difaaca bulshada (macawiisleyda) iyo maleeshiyo beeleedka, ayaa sii socday. Sidoo kale, colaadaha soo noqnoqda, dhaqaale xumo iyo saamaynta xun ee is-beddelka cimiladu ee qaybo ka mid ah dalka ayaa sabab u noqday xiritaanka dugsiyada iyo kororka barakaca qoysaska, taasoo carruurta ku yeelatay saameyn aad u weyn.
Marwooyin iyo Mudanayaal,
In kastoo la isku raacsan yahay in ay jiraan kooxo laga tiro badan yahay oo dalka jooga, ayaa haddana waxaa muuqdo in aannu jirin fahamka cad ee cidda ay tahay in kooxahaasi lagu daro. Si la mid ah, waxaan xusay in ay jirto rabitaan la'aanta in si buuxda loogu daro hannaanada go'aan-qaadashada qaranka iyo kuwa dowlad-goboleeda muhiimka ah. Iyada oo xubnaha kooxaha laga tiro badan yahay iyo kuwa la haybsooco ay sii wajahayaan takoor heerar kasta ah (mid guud iyo mid gaar ahba) oo ay ku jiraan helitaanka adeegyada dadweynaha iyo adeegsiga xuquuqaha ay u leeyihiin ka qaybgalka, ma muuqato in tallaabo adag la qaadey si loo ilaaliyo xuquuqahooda aasaasiga ah. Waxaan dowladda ugu baaqayaa in ay qaado tallaabooyin sharci iyo kuwo hay'adeed oo la taaban karo si loo ilaaliyo xuquuqda kooxahaasi laga tegay iyo si kor loogu qaado ka-qaybgalka iyo sinnaanta dhammaan kooxaha bulshada iyada oo ay dowladdu dhiirrigelinayso ayay hadalkeeda ku dartey.
Ugu dambeyn, waxaan jeclaan lahaa in aan bayaankeyga ku soo gebbogabeeyo sidan.
Inta aan ka fekeryso xaaladda kalaguurka ee QM iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaan ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya in ay ka-faa’iideysato fursaddan oo ay dardargeliso hawsheeda ku aaddan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo ansaxintiisa, iyada oo dejineysa shuruuc guud iyo hay’adaha loo baahan yahay si wixii hadda ka dambeeya loo xaqoojiyo xuquuqda dhammaan Soomaalida. Isla waqtigaa, in ay xoojiso siyaasaddeeda iyo hay’adaheeda si qaab ku habboon ay wax uga qabato xaqiiqooyinkeeda amni, siyaasadeed iyo bani’aadamnimo ee jilicsan. Intaa waxaa dheer, wax-ka-qabashada saameynta taban ee isbeddelka cimilada iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee hadda taagan ay ku yeesheen dadka- gaar ahaan xaqiijinta in carruurta oo dhan- helaan adeegyada bulshada ee aasaasiga ah sida biyaha, cuntada, bixinta daryeel caafimaad iyo waxbarasho - waa aasaasi. Waxaan sidoo kale ka codsanayaa beesha caalamka in ay taageerto dadaallada Soomaaliya ee arrintan khuseeya.
Waxyaabihii aan ku oggaadey booqashadeyda iyo talooyin kale ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonnaa warbixinteyda dhammeystiran ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay loogu gudbin doonno kalfadhigiisa lixdanaad iyo Golaha Guud kalfadhigiisa sideetanaan goor dambe oo sanadkan ah.
Waxaan idinkaag mahadcelinayaa in aad dareenkiina i amaahiseen.
SU'AALO IYO JAWAABO
Cabdirisaaq Cabdullaahi Aadan, Mustaqbal media: Su'aasheydu waxaa ay ku saabsan tahay waxaa dhacdooyin isa-soo-taraya ee xariga aan loo meel dayin iyo (sida uu ula xiriiro) xorriyadda saxaafadda. Waa maxay tallaabooyinka degdegga ah ee aad kula talisay maamullada Soomaaliya si ay wax uga qabtaan xadgudubyada xuquuqaha aadanaha oo tallaabooyin noocee ah ayaa la qaaday si loo xaqiijiyo in lagu la xisaabtamo kuwa ka mas'uulka ah?
Isha Dyfan, Khabiirka Madax-bannaan ee Xaaladda Xuquuqaha Aadanaha ee Soomaaliya Haa, tan koowaad waxaa ay tahay in aan la kulmey xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud, iyo in aan sidoo kale hordhigay su'aalahan wuxuunna Xeer-ilaaliyaha Guud ii sheegay in ay hadda jirto koox la socota saldhigyada dadka lagu xiro si loo xaqiijiyo in uu jiro wax xarig ah oo ay arrintiisu eegi doonnaan, iyo in ay siideyn doonaan 48 saacadood gudahooda haddii uusan jirin eedaymo ay boolisku ku soo eedeeyeen. Tan labaad waa in aan ka codsadey in la hakiyo adeegsiga xeerka ciqaabta marka eedaymo lagu soo oogayo suxufiyiinta, dhaqangal ahaanna waxaa ay ahayd in ay adeegsadaan Sharciga Warbaahinta haddii ay jiraan sababo ay dacwad ugu soo eegi karaan mid ka mid ah suxufiyiinta. Tan seddaxaad waa in aan weyddiistay in ay wax-ka-beddelaan Sharciga Warbaahinta oo sidoo kale ay ka muuqdaan xoogaa tabashooyin ah oo uu qabo Golaha Warbaahinta. Marka waa saddexdaasi tallaabo ee degdega ah: Xaqiijinta in ay siidaayaan, haddii ay xiraan, waa in ay siidaayaan haddii aanan lagu soo oogin eedaymo sharciga waafaqsan muddo 48 saacadood gudahooda, iyo in Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud uu arrintaasi ka mas'uul ah iyo haddii aannu maqalno wax xilliga soo-jeedinteyda, waa in aan sidoo kale arrintaasi kala hadlaa Golaha Xuquuqaha Aadanaha.
Ibraahim Cabdullaahi Isaaq, Kaab TV: Dadka ku nool gobollada […] ee dalka. Waa maxay qorshaha QM iyo Midowga Afrika ee goobahaasi ka jira oo warbixin sidee ah ayaad dib ugu gudbin doontaa xarumahaaga dhexe?
Isha Dyfan, Khabiirka Madax-bannaan ee Xaaladda Xuquuqaha Aadanaha ee Soomaaliya Marka la eego saameynta uu isbeddelka cimillada ku yeellan kara xuquuqaha aadanaha, waxaa jira laba shay, mid waa in dowladda ay awooday in ay heer gobol uga hadasho helidda maaliyadaha uu ugu talagalay COP – waxaa ogtihiin nidaamka COPS ee ah in sanad walba waxaa jira nidaamka COP oo ka hadla isbeddelka cimilada – iyadoo Gobolka Barina uu yahay mid ka mid ah gobollada maaliyadda heli kara. Haddaba, waxaa jira wadahadallo hadda socda oo ah in Soomaaliya, iyo dalalka kale ee gobolkan, in ay awoodi doonaan in ay helaan, si loo dhiso u adkeysigooda ee saameynta isbeddelka cimilada, kuwaas oo noqon kara fatahaad iyo dhammaan noocyada kale ee saameynta uu ku yeellan kara xuquuqaha aadanaha.
Cusmaan Cabdullaahi, SMS TV: Sidee ula socoteen xaaladaha nololeed ee adag ee soo wajahay bulshooyinka nugul?
Isha Dyfan, Khabiirka Madax-bannaan ee Xaaladda Xuquuqaha Aadanaha ee Soomaaliya Waxaan wada-shaqeyn wanaagsan la lahaa cid walba. Dhammaan daneeyayaasha aan doonayey in aan la kulmo way ila kulmeen, dabcan, ma awoodi in aan qof walba la kulmo laakiin wakiilladooda ayaa halkaa joogey. Marka la eego dowladda, kulankii aan la qaatey wasaaradaha kala duwan si fiican ayuu u dhacay. Marka la eego bulshada rayidka ah iyo kooxaha kale, waan la kulmey, waxayna awoodeen in ay igu wargeliyaan caqabadaha ay la kulmaan iyo horumar la'aanta ka jirta goobo badan; dhammaan kooxaha nugulna waa la metalay, hadday tahay dad laga tiro badan yahay iyo hadday tahay kooxda la haybsooco, iyo xitaa marka la eego dadka laga tiro badan yahay, qaybaha kala duwan ee dadka laga tiro badan yahay. Sidaa daraaddeed, ma ahan oo kaliya hal koox laakiin kooxaha kala duwan ee kuwaasi gudahooda ah. Waxaan sidoo kale la yeeshay kulamo gooni-gooni ah. Sidaa daraaddeed, waxaan ku faraxsanahay in ay jirto saaxad ay igu la kulmi karaan.
Xamdi Xasan Axmed, Risaala Media Corporation: Miyaad nala wadaagi kartaa tusaalooyin gaar ah oo ku saabsan sida talooyinkaaga loo fuliyay si wax looga qabto arrimaha xuquuqaha aadanaha?
Isha Dyfan, Khabiirka Madax-bannaan ee Xaaladda Xuquuqaha Aadanaha ee Soomaaliya Hagaag, waxaan u maleynaaa in ay muhiim tahay in dib loo eego shirkii xuquuqaha aadanaha ee muddo ka hor la qabtey. Waxaan filayaa in aanan halkan joogin, laakiin waan daawanay oo waxaan akhrinay war-murtiyeedka. Waxaan u maleynayaa in shirkaasi uu aasaas u noqon karo sida ay dowladda iyo kuwii ka soo qaybgaley ay uga go'an tahay in xuquuqaha aadaaha ee qof walba la ixtiraam oo la ilaaliyo. Kaasi, ugu yaraan waa markii ugu horreysay oo shir noocaasi ah la qabto, waxayna hadda tahay in dhammaan daneeyayaasha ay qaataan ballan-qaadkan oo ay u doodaan oo ayna sii wadaan in ay la socdaan dawladda iyo beesha caalamka si loo hubiyo in ballan-qaadyadaasi la fuliyo. Mid ka mid ah waa Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha – kaasi ayaa muddo-dheer dib u dhacay waxaanna war-murtiyeedkaasi ku jiray ballanqaad, in xilligan, ay ka sameyn doonaan baarlamaanka iyo in guddoomiyayaasha la magacaabi doonno iyo tallaabooyinka aan arkey, kuwaas oo ah sameynta guddiga qorista shaqaalaha iyo ku dhawaaqista boosaska bannaan, waa hal tallaabo oo arrinkaa ku aaddan. Waa in aan hadda aragnaa haddii guddiga ama guddiyo kale la dhisi doonno iyo in kale. Kaasi oo kaliya ma aha in uu ilaalin doonno xuquuqaha aadanaha. Waxaad u baahan tihiin Guddiga Garsoorka, waxaad u baahan tihiin Guddiga Dib-u-habeynta Sharciga – sababta oo ah sharciyada intooda badani ee hadda waa in wax laga beddelaa si ay ula jaanqaadan waqtiga casriga ah, sharciyada ee ay hadda adeegsanayaan waa kuwo hore oo aan caalamka hadda lagu dabaqi karin.





