Muqdisho – Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay u dabbaaldegeyaan Munaasabadda Ciidul Adxaa, ayey bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya hambalyo diiran u direysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabaddan gaarka ah.
“Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan dhammaantiin idiin rajaynayaa Ciidul Adxa, nabad iyo farxad leh, waxaanan idinkula soo biirayaa niyad samida, dulqaadka iyo naxariista oo ah astaamaha lagu garto wakhtigan muhiimka ah – Ciid Mubaarak! Ciid Wanaagsan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.





