Muqdisho – Daahfurka Hiigsiga Qarni-Jirka ah ee 2060 (CV2060) ee Soomaaliya ee maanta, mid ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa Qaramada Midoobay ee Afrika ayaa dalka ku bogaadiyey horumarka uu ilaa hadda gaaray wuxuunna hoosta ka xariiqay taageerada ay hay'adda caalamiga ah ee qorshayaashiisa mustaqbalka.
“Waxaan maanta isu imaanaynaa annaga oo wajahayna adduun aan si dhab ah loo saadaalin karin, oo ay hareereeyeen isbeddel cimilo, khilaafaad siyaasadeed oo caalami ah iyo xasillooni-darro dhaqaale. Iyadoo Afrika, gaar ahaannna, ay si ba'an u dareemayso gilgilaadahan. Laakiin maxay qaranadu sameeyaan marka ay la kulmaan dhibaato?” ayuu Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobay ee Afrika (ECA), Claver Gatete, weyddiiyay ka soo qaybgalayaasha kulankan oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya.

“Qaar ayaa suga. Qaar kalena way daafeen oo way ka gudbeen,” ayuu yiri isaga oo hadalka sii wada. “Maanta, Soomaaliya waxaa ay dooratey habka dambe – iyada oo loo marayo Hiigsigiisa Qarni-Jirka ah ee 2060, ayuu dalka dib u helayaa codkiisa, wuxuu dib u qorayaa sheekadiisa, wuxuuna dib u bilaabayaa mustaqbalkiisa iyada oo uu jiro go'aan mideysan.”
Md. Gatete wuxuu ahaa mid ka mid ah wakiillo badan oo ka socday beesha caalamka oo ka soo qaybgaley daahfurka ka dhacay caasimadda Soomaaliya. Hay'adda caalamiga ah, waxaa sidoo kale ka socday oo ka soo qaybgaley daahfurka Isu-duwaha QM ee Soomaaliya, George Conway, oo sidoo kale ah Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee dalkan Geeska Afrika.
“Hiigsigan sidaa daraaddeed ma ahan dokumiinti siyaasadeed oo kaliya: waa bayaan muujinaya kalsoonida, adkeysiga, iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Md. Gatete. “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan bahwadaagteenna – kuwa gobolka, qaaradda iyo caalamkaba – in ay Soomaaliya iska kaashadaan sidii ay uga miradhalin lahayd hiigsigan weyn.”

Dhanka Dowladda Soomaaliya, waxaa ka socday oo daahfurka ka soo qaybgaley Madaxweyne Xasa Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo sidoo kale wasiiro iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Hiigsiga CV2060 wuxuu waafaqsan yahay geeddi-socodka dalka ee dib-u-dhiska hay’adihiisa iyo dhaqaalihiisa kadib in ka badan labaatan sano oo uu ku sii jiray colaad iyo xasillooni darro.
Hagidda horumarka
Madaxweynaha wuxuu bishii Jannaayo 2023 ku dhawaaqay in Soomaaliya ay diyaarin doonto hiigsiga CV2060 oo aasaas u noqon doonna dhabbaha horumarka mustaqbalka ee dalka. Waxaa uu hagi doonnaa dhammaan qaababka guud ee qorshayaasha horumarinta mustaqbalka ee dhisidda hay'adaha qaranka ee muhiimka u ah soo kabashada iyo dib-u-dhiska iyada oo dalka uu wajahayo karti hay’adeed liidata, amni oo aan sidaa u adkayn iyo siyaasado cakiran – iyadoo dhammaan arrimahan ay caqabad ku yihiin soo kabashada dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska.

“Ujeeddada ugu weyn ee hiigsiga laga leeyahay waa in la dejiyo istaraatiijiyadda muddada dheer ee la wadaago iyo ballanqaadka in Soomaaliya aasaasi ahaan loo beddelo waddan dakhligiisa dhexdhexaad ah oo leh dowlad awood u leh in ay si hufan ugu adeegta dadkeeda ilaa sanadka 2060,” ayuu sheegay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC).
Sida laga soo xigtay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC), caqabadaha horyaalla dhaqaalaha iyo bulshada ee ugu muhiimsan waxaa ka mid ah: la'aanta xaalad deegaan suuragelinaysa oo ah qaabka nuglaanta dowladda ee baahsan iyo amni-darro joogto ah ee ka jirta meelo ka mid ah dalka iyo kaabayaasha dhaqaale ee liita oo xaddidaya hawlaha dhaqaalaha; haqab-beel la'aanta cunnada oo baahsan iyo xaalufinta deegaanka; tilmaamayaasha dhaqaalaha iyo bulshada oo liita, shaqo la'aan baahsan, barakaca gudaha iyo u haajiridda dibadda.

Tusaalooyin Afrikaan ah
Md. Gatete, wuxuu hadalladiisa ku sheegay tusaale la dhigay “sheeko kale oo dib-u-cusboonaysiinta Afrika ah” – waana sheekada dalkiisa hooyo, Rwanda.
Wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay xasuuqii 1994 ee ka dhanka ahaa qowmiyadda Tutsiga taas oo horseeday dhimashada in ka badan hal milyan oo qof, iyo sidoo kale burburinta inta badan kaabayaasha bulshada ee dalka.
“Xitaa xasuuqa ka hor, kaabayaasha dhaqaale ayaa ahaa kuwo bilow ah oo heerkoodu hooseeyo, waxaa xaddidnaa in la helo waxbarasho tayo leh iyo caafimaad, wax-soo-saarka dhaqaalahan waxaa cabburiyay qayb aan rasmi ahayn oo aad u weyn iyo gargaar ku tiirsanaan," ayuu yiri Md. Gatete. “Sidaa daraaddeed, dowladda waxaa ay bilowday safar dheer oo loo galayo dib-u-dhiska dalka iyadoo laga bilaabayo marxaladda degdeg ah ilaa dib-u-dhiska iyo waafajinta horumarka la joogteyn karo.”

“Muddo ka yar soddon sano," ayuu hadalkiisa ku daray, "dalka wuxuu isu beddelay in uu noqdo mid ka mid ah tusaalooyinka ugu dhiirrigelinta badan ee horumarka colaadda ka-dib ee Afrika, oo ay horseedeen hiigsi la wadaago, anshax iyo hoggaamin loo dhan yahay – waxaa muhiim ah in la xuso in guusha Rwanda aysan nasiib ku imaan. Waxaa ay ahayd mid ku yimid qorsheynta istaraatiijiyadeed oo muddo-dheer ah, dib-u-habaynta hay’adaha iyo ballanqaad aan leexleexan ee horumarinta ay dadku xuddunta u yihiin. Soomaaliya, sidoo kale waxaa ay leedahay awooddaas mid la midka ah. Haddaba, Soomaaliya maxaa u diiday? Oo maxaa hadda u diiday?
Sarkaalka sare ee QM ayaa muujiyay sida Hiigsiga 2020 ee Rwanda, ee la daahfurey sanadkii 2000, uu sidoo kale u bixiyay qaabka guud ee istiraatiijiga ah ee dib-u-dhiska. Mid ka mid ah sifooyinkiisa muhiim ah waxaa ay ahayd in lahaanshaha iyo ka-qaybgelinta ay udub-dhexaad u ahaayeen, iyadoo hirgelinta ay ku tiirsanayd qorshayaal qaabeysan, istiraatiijig ah oo toddoba sano soconaya, kuwaas oo ay kaabaan qiimeyn iyo qandaraasyo waxqabad.
“Muddo gaaban gudaheeda, horumar la cabbiri karo ayaa laga diiwaan geliyey qaybaha maamulka, caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha,” ayuu raaciyay isaga oo hadalkiisa sii wata Md. Gatete.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay dalalka kale oo Afrika ah – dalalka Ivory Coast iyo Mauritius – kuwaas oo muujiyay in ay suurtagal tahay in laga gudbo caqabadaha iyo in la gaaro horumar macno leh.
“Waxa isku xira tusaalooyinkan waa hiigsiga la jaanqaadaya anshaxa fulinta. Nasiib wanaagse, Soomaaliya kama bilaabayso eber, sidaas daraaddeed shaki igaaga ma jiro in dalka uu sidoo kale qaadi karo waddo hami iyo guul leh,” ayuu yiri Md. Gatate.
“Hiigsigan sidaa daraaddeed ma ahan dokumiinti siyaasadeed oo kaliya: waa bayaan muujinaya kalsoonida, adkeysiga, iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed. Sidaas daraaddeed, Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada (ECA) wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go'an tahay in uu Soomaaliya ku wehliyo safarkan. Waxaan sii wadi doonnaa in aan la wadaagno aqoon, faahfaahinno sheekooyinka guusha, iyo in aan gaarno natiijooyin kor u qaada nolosha – iyada oo ay jiraan iskaashi joogto ah, rabitaan siyaasadeed iyo midnimo, Hiigsiga 2060 ma aha oo kaliya in la mala awaalo; ee waa laga miradhalin doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Taageerada ECA
Taageerada uu UNECA horey u siiyay Soomaaliya waxaa ka mid ahaa in uu ka caawiyay Istaraatiijiyadeeda Qaran ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta qaabka guud ee iskaashiga dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo dhisidda habdhis xogeed loogu talagalay siyaasad-dejin caddeyn ku saleysan, oo wax-ku-ool ah.
UNECA, oo ka shaqeeya guud ahaan qaaradda Afrika, waa mid ka mid ah shanta guddi goboleed ee u shaqeeya sheybaarro dhaqaale ahaan, iyaga oo dejinaya siyaasado wax-ka-qabta caqabadaha horumarineed ee gaarka u ah gobolladooda.Waxaa ay falanqeeyaan isbeddellada hadba sida ay wax u socdaan ee gobolka, aqoonsadaan awoodaha siyaasadda, waxaa ayna isku keenaan daneeyayaasha kala duwan – oo ay ku jiraan dowladaha, hay'adaha maaliyadeed, iyo ganacsiyada.





