UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Maalinta Caalamiga ah, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxay bulshooyinka ku bogaadinaysaa sida ay u garab istaageen kuwa ka badbaaday iyo dhibanayaasha xadgudubka galmada waxayna ku baaqaysaa taageero dheeraad ah

Somali cover

Muqdisho, 19 Juun 2025 – Iyadoo xusaysa Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee Colaadaha, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya maanta ku ammaantay bulshooyinka sii wadida garab istaaga kuwa ka badbaaday iyo dhibanayaasha xadgudubyada galmada, oo ay ku jiraan rabshadaha galmada la xiriira colaadaha (CRSV).

"Soomaaliya, xadgudubka CRSV waa dambi aan lagu bartilmaameedsan shaqsiyaadka [dhibbanayaasha ah] oo keliya balse sidoo kale lagu bartilmaameedsado qoysaskooda iyo bulshooyinkooda. Si ay Soomaaliya u dhisto bulsho ka madax bannaan ceebeynta iyo dhaawaca xadgudubyada galmada, dhammaanteen waa inaan ka wada shaqeynaa ka hortagga iyo ka jawaabista xadgudubyada galmada," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

"Bulshooyinka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin in lagu ammaano taageeridda kuwa ka badbaaday iyo dhibanayaasha dambiyadan foosha xun. Qaramada Midoobay waxay ku boorinaysaa mas'uuliyiinta Soomaaliya inay sii wadaan oo ay kor u qaadaan dadaalkooda iyagoo adeegsanaya hindiseyaal wax looga qabanayo dhalleeceynta ka dhanka ah badbaadayaasha iyo dhibanayaasha xadgudubyada galmada, lagu taageerayo iyaga, qoysaskooda iyo bulshada si ay uga bogsadaan dambiyadan," ayuu sii raaciyay Md. Swan.

Iyadoo la raacayo mawduuca sanadkan ee ah ‘Saamaynta La iska Dhaxlo ee Xadgudubka Galmada ee La Xirhiira Colaadaha’, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay la shaqaysaa daneeyayaasha si loo ifiyo in xad-gudubka galmadu uusan waxyeellayn kaliya dhibanayaasha tacaddiyada galmada, balse uu sidoo kale waxyeello u geysto guud ahaan bulshooyinka uuna uga tago badbaadayaasha iyo qoysaskooda in ay la tacaalaan saameyntooda xun sannado badan oo danbe oo socda.

Tan iyo sannadkii 2015, ayaa Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee Colaadaha la xusayay sannad walba 19-ka Juun, taariikhdaasoo lagu xusayo go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku ansixiyay qaraar uu xadgudubka galmada ugu aqoonsanaya inuu yahay hub dagaal iyo khatar ku wajahan nabadda iyo amniga caalamiga ah.