Muqdisho – Soomaaliya ayaa soo kabanaysa ka dib sanado ay ka jirtey colaad saameyn ku yeelatey bulshada badankeeda – oo uu ka mid yahay hannaanka garsoorka ee jilicsan ee dalka.
Waa hannaan dib-isu-dhisaya laakiin sidoo kale dib-u-habeyn isku sameynaya – waaxdii sharciga ee ay raggu ku badnaayeen ayaa si tartiib-tartiib ah u furmeysa iyada oo haween Soomaaliyeed oo tiradoodu sii kordheyso ay qaadanayaan xirfado shaqo oo la xiriira sharciga.
Mid ka mid ah haweenkaas waa Iimaan Axmed Cabdikariim, oo ah haweeney qareen ah oo 28 sano jir ah oo sidoo kale qayb ka ahayd aasaasiddii sharikad sharci tii ugu horreysey oo ay haweeney hoggaamiso.
“Hawsheydu waa in aan difaaco xuquuqda dadka loogu fogeynta badan yahay ee Soomaaliya, gaar ahaan haweenka, kuwa laga tiro badan yahay, iyo dadka saboolka ah, kuwaas oo muddo aad u dheer aaney u suuroobin in si caddaalad ku jirto loo dhegeysto dooddooda,” ayaa ay tiri Iimaan.

Safarka ay u soo gashey sharciga kama bilaaban fasal, laakiin waxaa uu ka bilowdey shaashad telefishan hortiisa. Waxaa ay jecleyd in ay fiirsato musal-sallada caanka ah ee ka baxa telefiishannada Mareykanka sida ‘Law and Order.’
“Anigoo aad u yar, ayaan jeclaa musal-sallada sharciga ku saabsan,” ayaa ay tiri. “Waxaa ay i bareen in aan u bogo waxyaabaha ka dhaca maxkamadaha dhexdooda iyo awoodda ay qareennadu u leeyihiin in ay difaacaan kuwa aan is-difaaci karin.”
Bilowgii hore
Iimaan waxaa ay ku dhalatey Rooma, Talyaaniga, sanadkii 1997, waxaana ay hooyadeed dib ugula soo noqotey Soomaaliya iyada oo laba sano jir ah. Waxaa ay gashey dugsiyada degaanka, iyada oo waxbarashadeeda ku qaadatey Dugsiga Dugsiga Hoose/Dhexe ee Muqdisho (Mogadishu Primary and Secondary School) ee ku yaalla degmada Shibis, ka dibna Dugsiga Sheekh Xasan Barsane, kaas oo ay ka qalinjebisey sanadkii 2015kii.
Wax shaki ah kaga jirin waxa ay rabto in ay ku barato jaamacadda.

“Jacaylkii aan u qabey sharciga marna igama tegin, marna kuma fekerin in aan barto wax kale,” ayaa ay tiri Iimaan.
Waxaa ay Shahaaddada Koowaad ee Jaamacadda ee culuunta Sharciga iska qortey Jaamacadda SIMAD sanadkii 2017dii, waxaa ay ka mid ahayd keliya 40 arday oo loo qaatey barnaamijka Kuliyadda Sharciga. Qof kasta ma qabin xiisaha ay u haysey culuunta ay rabto in ay barato.
“Dalka ayaa markaa ka soo baxay dagaal, oo hay’adaha caddaaladuna waa ay jilicsanaayeen – dadka ayaa i weydiin jirey, ‘Maxaad u baraneysaa sharci? Wax sharci ah miyaa xataa dalkan ka jira?’” ayaa ay tiri Iimaan. “Laakiin go’aankeyga horey ayaan u qaatey. Waxaan ogaa in ay shaqo badan i sugeyso taas oo ah in aan caawiyo kuwa codadkooda aan la maqlin.”
Ka dib qalinjebinteedii sanadkii 2021kii, waxaa ay shahaaddada labaad ee Sharciga iyo Shareecadaha ka bilowdey Jaamacadda Muqdisho waxaana, sanadkii 2022kii, ay rukhsadda shaqada sharciga ka qaadatey Ururka Qareennada Soomaaliyeed / the Somali Bar Association.
Waxaa ay nasiib u heshey in ay shaqo ka bilowdo sharikad sharci oo ka jirta Muqdisho, halkaas oo shaqadeedu ay la xiriirtey sharciga ganacsiga, iyada oo talo siineysay sharikadaha gaarka loo leeyahay iyo shakhsiyaadka iska bixin karey ujuurada adeegga sharciga.
Iimaan ayaa aad u jeclayd khibradda ay ka heshey shaqadeeda, laakiin waxaa ay dooneysey wax intaa ka badan – oo ah qaab uu sharcigu u caawin karo qayb weyn oo ka mid ah bulshada.
“Dhammaan dadka aan caawinayey waa ay iska bixin kareen kharashka adeegga, laakiin waxaan sidoo kale arkey kuwo kale oo albaabka laga celiyey sababta oo ah ma haysan lacag. Waana markaan ogaadey in shaqo aan u madax-bannaanahay helo,” ayaa ay tiri, iyada oo hadalkeeda sii raacisey taas ayaana ku dhalisey in ay waqti yar ka dib shaqadii iska casisho.
Bilow cusub
Bishii Agoosto 2023kii, ayaa Iimaan waxaa ay aasaastey sharikadda Hiil Law Firm. Wixii keyd ay haysatey oo dhan waxaa ay ku maalgelisey sharikadda, waxaana ay aasaas uga dhigtey mabda’ cad: cadaaladdu waa in aaney noqon wax ay heli karaan keliya dad tiro yar.

Bilo gudahood, ayaa wax ku bilowdey hawl laba qof oo keliya ay wadaan ay ku ballaarteen oo shaqaaleysteen 12 qareen, kuwaas oo bixinaya adeegyo lacag ay ku qaadanayaan iyo kaalmo sharci oo lacag la’aan ah. Sharikadda ayaa tan iyo markii la aasaasey qaadatey in ka badan 50 kiis oo ay lacag la’aan ay ugu adeegeyso, waxaana ay sidoo kale ay iskaashi la leedahay ururrada bulshada rayidka ah ee degaanka iyo kuwa caalamiga ahba si ay kor ugu qaaddo wacyiga ku aaddan xuquuqda aadanaha ee guud ahaan dalka iyo dibaddiisaba.
Iskaashiga ay ururrada la leedahay waxaa tusaale looga soo qaadan karaa kan ay la leedahay DefendDefenders, oo ah urur aan dowli ahayn oo xaruntiisu tahay Uganda kaas oo, sida ay sheegeyso bartiisa internet-ka, ka shaqeeya “xoojinta hawsha difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee gobol-hoosaadka iyada oo lagu yareynayo u-baylahsanaantooda halista in la dhibaateeyo iyo iyada oo la sii wanaajinayo kartida ay u leeyihiin in ay si taabogal ah ay u difaacaan xuquuqda aadanaha.”
“Waxaan DefenDefenders iskaashi kala leenahay taageeridda kuwa aan iska bixin karin ujuurooyinka adeegga sharciga,” ayaa ay tiri Iimaan.
Habka ay hawsha u qabato sharikadda Hiil Law Firm kuma dhammaado dacwadaha oo keliya, haddii ay tahay mid ay lacag ku qaadato ama mid lacag la’aan ay ugu shaqeyso. Sharikaddu waxaa ay sidoo kale tababarro ku saabsan sharciga u qabataa dadweynaha, waxaana ay ka qaybqaadataa dadaaallada bulshada rayidka ah ee la halmaala saxaafadda Soomaaliyeed, dhallinyarada iyo bulshada rayidka ah si ay gacan uga geysato sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xuquuqdooda.
Waxaa ay tababartey in ka badan 300 oo xubnood oo dadweynaha ka mid ah, waxaana ay iskaashi la leedahay ururrada saxaafadda sida Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed / the Federation of Somali Journalists (FESOJ) iyo Shabakadda Warbaahinta Haweenka / the Women in Media Network (WMN) si ay ugu qareemeeyaan xoriyadda saxaafadda.
“Waxaan gacan ka geysanney sii deynta 15 suxufi oo la shaqeeya FESOJ iyo Shabakadda Warbaahinta Haweenka. Waxaan sidoo kale isla qabanney 10 aqoon is-weydaarsi,” ayaa ay Iiman tiri.

Burburinta caqabadaha
Soomaaliya gudaheeda, mihnadda sharciga waxaa caadi ahaan ku badnaan jirey ragga. Haweenka soo gelaya saaxada ayaa badanaa la kulmi jirey nacayb iyo in faham khaldan laga qaato doorka haweenka ee wax hoggaaminta iyo hannaanka sharciga.
“Dad badan ayaa ka shakisnaa sida ay gabar dhallinyaro ah ay wax macno ku fadhiya u soo kordhin karta,” ayaa ay tiri Iimaan. “Laakiin fahamka dadka ayaa is-beddelaya. Maanta, dadku diyaar ayaa ay yihiin in ay nala shaqeeyaan.”
Ururka Qareennada Soomaaliyeed / the Somali Bar Association (SBA) oo la aasaasey sanadkii 2011 ayaa Hawlgalkiisu uu yahay in la hagaajiyo beeggallada iyo heerka (standards) mihnadda sharci ee Soomaaliya “iyada oo loo marayo helitaanka caddaaladda, iyo sare u qaadidda sinnaanta lagu caddeeyey Bayaanka Caalamig ah ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey (United Nations Universal Declaration of Human Rights) iyo shuruucda kale ee caalamiga ah ee la xiriira xuquuqda aadanaha.”
Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa sheegaya in ay hadda jiraan 320 qareen oo rukhsad haysta oo ka shaqeeya Soomaaliya iyo in 87 ka mid ah ay haween yihiin.

“Haweenku waxay muhiim iyo lagamamaarmaan u yihiin mihnadda sharciga sida in ay noqdaan qareenno, dacwad-oogayaal iyo garsoorayaal – waxaana ay keenaan faham aasaasi ah, gaar ahaan arrimaha saameeya haweenka iyo kuwo kaleba,” ayaa uu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Qareennada Soomaaliya, Daahir Maxamed Cali ‘Daahir Carab.’
Iimaan rajooyin sare ayaa ay ka leedahay sharikadda Hiil Law Firm, waxaana ka go’an in ay ka miradhaliso. Waxaa ay ku riyaaneysaa in ay ballaariso sharikadda oo ay xafiisyo uga furto guud ahaan Soomaaliya, iyada oo kobcineysa qareenno haween ah oo tiro badan, iyo iyada oo hubineysa in cid walba ay hesho caddaalad.
“Mustaqbalka waxaa iska leh kuwa u bareera. Caddaaladdu iskama timaaddo – ee waa la dhisaa,” ayaa ay tiri. “Waa in aan dadaal xooggan ku bixinnaa.”
QM, haweenka iyo sharciga
Soomaaliya gudaheeda, Qaramada Midoobey waxaa ay taageertaa ayna dhiirrigelisaa in haweenku ay helaan caddaalad loo marayo xoojinta hay'adaha iyo karti-dhisidda hay'adaha cadaaladda. Xoojintan waxaa ka mid ah kordhinta ka-qaybgalka haweenka ee saaxada sharciga iyo ururrada qareennada haweenka ah, si loo xoojiyo awoodsiinta haweenka ee garsoorka dhexdiisa.
Fursado la mid ah kuwa ragga oo ay haweenku ku helaan mihnadda sharciga ayaa ka dhex muuqaneysa sinnaanta jinsiga ee hay’adaha dowladda waxaana ay dhiseysaa kalsoonida ka dhaxaysa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
QM ayaa taariikhiyan taageereysey ka-qaygalka haweenka ee mihnadda sharciga, iyada oo siineysay fursado deeqo waxbarasho iyo waayo-aragnimo ay ku dhex helaan dowladda, iyo sidoo kale iyada oo sii wanaajineysey codka haweeenku ku leeyihiin geeddi-socodyada aan rasmiga ahayn ee xallinta khilaafaadka.
“Inkasta oo ay kordheen haweenka ka dhex muuqda bulshada, haddana aad bey matallaaddoodu u hooseysaa marka ay timaaddo jagooyinka go’aan-qaadashada: inkasta oo ay jiraan dacwad-oogayaal iyo maamulayaal maxkamadeed oo dheddig ah, haddana dalka kama jiraan garsoorayaal haween ah,” ayaa ay tiri Nasrin Khan, oo ah Madaxa Kooxda Talinta Sharciga iyo Hay’adaha Amniga ee Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Kala-guurka ee Kaalmada Soomaaliya / the United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS).
“In matalaad ballaaran lagu dhex helo sharciga waxaa ay muhiim u tahay hubinta in maxkamaduhu matalaan muwaadiniintooda, ay wax ka qabtaan welwelkooda ayna bixiyaan go’aamo xukun oo sax ah,” ayaa ay ku dartey. “Joogistooda oo keliya, ayaa haweenka saaxadda ku jira waxaa ay sii wanaajinayaan sharcinimada maxkamadaha, taas oo direysa farriin xooggan oo ah in maxkamaduhu ay cid walba u furan yihiin ayna soo gaari karaan kuwa doonaya in ay caddaalad ku helaan garsoorka.”






