Muqdisho – Soomaaliya waxaa ay safka hore uga jirtaa dalalka la tacaalaya raadadka is-beddelka cimilada.
Abaaraha iyo daadadka wax burburiya ayaa ka mid ah raadadka ugu muuqashada badan, laakiin raadku intaas aad buu uga qotodheer yahay: dhacdooyinka cimilada waxaa ay halis geliyaan maciishada waxaana ay uga sii daraan culeysyadii amni iyo bani’aadamnimo ee horeyba u ahaa kuwo badan.
Inta ay Soomaalidu ku hawlan yihiin dib-u-dhiska dalkooda ka dib tobannaan sano oo colaad iyo dagaal sokeeye uu ka jirey, ayaa ku qancintooda in ay diiradda saaraan is-beddelka cimilada iyo waxa uu uga dhigan yahay mustaqbalka Soomaaliya aanu ahayn hawl fudud.
Laakiin kuma cusla Cabdishakuur Cabdiraxmaan Maxamuud ‘Daaha.’
“In dadka lagu wargeliyo is-beddelka cimiladu waa wax fudud haddii si sax ah loo sameeyo,” ayaa uu yiri 27 sano jirkan oo noqdey suxufiga ay ugu dhowdahay in uu mustaqbalka ku guuleysto arrintan ee ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliya ee ka hadla arrimaha deegaanka dalka, oo sidoo kalena ah qof u dhaqdhaqaaqa oo dadkana wax ka bara arrimaha is-beddelka cimilada.
“Si taabogal ah wax uga dhaadhicinta dadka waxaa ay la halmaashaa in loo jilciyo istaatistikada iyo ereyaga kakan ee is-beddelka cimilada iyo in la kobciyo in dadka si ballaaran loogala hadlo dhibaatooyinka, iyo sidoo kale xalalka jira,” ayaa uu sii raaciyey hadalkiisa.
Isaga oo ka sii ambaqaadaya guusha uu gaarey, ayaa waxaa uu bishii Jannaayo ee sanadkan aasaasey Daaha media, oo ah warbaahin online ah oo u go’day ka warramidda iyo baahinta sheekooyinka la xiriira cimilada iyo deegaanka ee Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeedaba ka dhaca.
Laakiin warbaahintan online-ka ah waa keliya mid ka mid ah xirfadaha badan ee la xiriira deegaanka ee uu adeegsan karo Mudane Cabdishakuur.
Hawlihii uu horey u soo qabtey waxaa ka mid ah in uu la soo shaqeeyey ururro aan dowli ahayn (NGO-yo) kala duwan oo diiradda saara deegaanka waxaaana, waqtigan la joogo, Mudane Cabdishakuur uu madax ka yahay waaxda deegaanka ee RAAS Agribusiness Solution, oo ah sharikad beereed.

Bilaabiddii hawlaha Deegaanka
Hawsha la halmaasha arrimaha deegaanka waxaa uu Mudane Cabdishakuur bilaabay horraantii noloshiisa. Waxaa uu ku dhashey Muqdisho sanadkii 1997 waxaana uu sanadkii 2008 waxbarashadiisii ka bilaabey dugsiga Suweys Priamry School, isaga dhammeeyey sanadkii 2014. Ka dib waxaa uu dhigtey dugsiga Suweys Secondary School laga bilaabo 2014 ilaa 2018.
Durba, waxaa ka soo muuqdey firfircooni iyo ololeyn.
“Waxaan in aan u ololeeyo arrimaha deegaanka iyo is-beddelka cimilada bilaabey sanadihii aan dhiganayey dugsiga hoose/dhexe iyo dugsiga sare,” ayaa uu yiri Mudane Cabdishakuur. “Waxaan abaabuli jirey saaxiibaddey iyo ardayda si aan dhir u beerno iyo si aan u nadiifinno deegaanka.”
Xiisihii uu u hayey deegaanka ayaa saameyn ku yeeshey waxbarahadiisii xigtey. Ka dib markii uu dhammeeyey dugsiga sare, waxaa uu waxbarashadiisa ka sii watey Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed/Somali National University (SNU), isaga oo bilaabey shahaaddada koowaad ee culuunta beeraha iyo deegaanka.
Intii uu ku jirey waxbarashada shahaaddada koowaad ee jaamacadda, Mudane Cabdishakuur waxaa uu sii watey ololeyntiisii.
“Waxaan abaabuley ardaydii aan isku fasalka ahayn iyo ardaydii kale ee Jaamacadda SNU si aan u nadiifinno Xeebta Liido. Waxaan soo ururinney baco, caagag/dhalooyin, iyo qashin kale oo halkaas looga tagey,” ayaa uu yiri. “Waxay ila tahay in dad badan ay u baahan yihiin waxbarid iyo wacyigelin dheeri ah oo la xiriira sida loo ilaaliyo nadaafadda deegaanka.”
Intii uu arday iyo ololeeye ahaa, ayaa Mudane Cabdishakuur waxaa uu sidoo kale isku dayey in uu wax hindiso.
Soomaaliya waxaa ka jira dhibaato bay’adeed oo weyn iyada oo xaalufinta dhirtu ay ka wada jirto guud ahaan Soomaaliya – waxaa uu aad u dhaliiley hab-dhaqanka baahsan ee dhirta lagu jarayo si dhuxul looga dhigto.
“Hadafkeygu waqtigaa waxaa uu ahaa in aan yareeyo ku-tiirsanaanta dhuxusha iyo in aan la dagaallamo dhir-ka-xaalufinta Soomaaliya. Mid ka mid ah maaddooyinkii koorsada – Energy and Environment (Tamarta iyo Deegaanka) – ee waxbarashada jaamacadda SNU, ayaa waxaa nalagu barey tiknolojiyada biogas. Inkasta oo koorsadu ay ahayd mid loo baranayey qaab aragti ahaan oo keliya ah, waxaan waqtigeyga ku bixiyey sidii aan u sameyn lahaa hannaan biogas ah anniga oo adeegsanaya saalada lo’da. Sanadkii 2021 ayaan ayaan ku guuleystey in aan bil gudaheed ku sameeyo!” ayaa uu yiri Mudane Cabdishakuur.
Hannaankii biogas-ka ahaa ee uu sameeyey ganacsi ahaan uma guuleysan, taas oo qayb ahaan ay sabab u ahayd in aan loo helin maaliyad lagu maalgeliyo soo-saaridda tiro dad ugu filan in laga ganacsado, laakiin waxaa ay taasi sii xoojisey xamaasaddii uu u hayey iyo sidii ay uga go’neyd wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka la xiriira ee ka jira Soomaaliya.
Mudane Cabdishakuur wuxuu qalin jebiyey sanadkii 2023. Waxaa uu islamarkiiba shaqo suxufi ka soo warrama arrimaha deegaanka ah ka heley idaacadda Radio Deegaan iyo warbaahinta Yeel Media, oo ah laba warbaahin Soomaaliyeed oo yaryar oo soo koraya oo tebiya wararka.

Waddada xirfad shaqo
Suxufi ka soo warrama deegaanka ahaan, Mudane Cabdishakuur waxaa uu ku mashquulsanaa in uu soo tebiyo sheekooyinka dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah ee la halgama oo waxna ka qabanaya dhibaatooyinka cimilada – isaga oo mar walba isku dayaya in uu ka eego dhinac ay qof kasta ka taabaneyso oo uuna qof walba la tacaadufayo.
“Is-beddelka cimiladu ma aha keliya arrin la halmaasha cilmi-sayniska ama deegaanka oo keliya. Waa arrin shakhsi ah,” ayaa uu yiri. “Waxaa ay taabanaysaa bulshooyinka, maciishadaha, iyo jiilalka mustaqbalka.”
Muddo gaaban gudaheed ayaa lagu aqoonsadey dadaalka Mudane Cabdishakuur. Waxaa loo dalacsiyey in uu noqdo barnaamij-soo-saare/tifaftire waxaana, bishii Nofembar 2023, mid ka mid ah sheekooyinkii uu ka diyaariyey is-beddelka cimilada – maqaal fiidiyow ah oo soconayey shan daqiiqo oo ku saabsanaa raadadka is-beddelka cimilada uu ku leeyahay barakacayaasha Muqdisho ku nool – uu kaalinta koowaad ka galey tartan ay soo qabanqaabisey BBC Media Action, oo ah garabka samafalka caalamiga ah ee BBC-da.
“Beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada oo beri ahaa kuwo isku-filan ayaa hadda noqdey kuwo ku tiirsan NGO-yo iyo gargaar caalami ah. Sheekadeyda – oo ku guuleysatey kaalinta koowaad ee Tartankii Sheeko-soo-gudbinta ee BBC Media Action ee sanadkii hore – waxaa ay diiradda saareysey waxyaabaha dhab ahaan haysta beeraleyda iyo xool-dhaqatada ku nool miyiga Soomaaliya oo la kacaa-kufaya raadadka ay ku yeesheen abaarta iyo is-bedbeddelka cimilo-gooreedda. Ka dibna waxaa ay soo galeen Muqdisho iyaga oo ah Barakacayaal si ay gargaar u soo raadsadaan,” ayaa uu yiri Mudane Cabdishakuur.
“Soomaalidu waxaa si dhab ah u taabtey is-beddelka cimilada – waxaan soo bandhigey adkeysiga bulshooyinkan ay soo barakaciyeen dhibaatooyinka is-beddelka cimilada, iyo sidoo kale istiraatiijiyadaha maxalliga ah ee hal-abuurka ku dhisan ee ay adeegsanayaan si ay ula qabsadaan culeysyada haysta,” ayaa uu sii raaciyey.
“Waxaa ay iftiimisey arrimo badanaa ay ka il-duufaan warbaahinta caalamiga ah,” ayaa uu hadalkii sii raaciyey, “waxaana ay gacan ka geysatey beddelidda fikirkii dad ka dhaadhacsanaa ee ahaa in ay Soomaalidu ay yihiin dhibbanayaal is-beddelka cimilada: waxaa ay muujisey xooggooda, waxaana ay gacan ka geysatey in Soomaaliya hadda looga soo warramo qaab ka wanaagsan kii hore oo la awoodsiiyey.”

Daaha Media
Abaalmarintii BBC Media Action waxaa ka mid ahaa kaamarad tayadeedu ay aad u wanaagsan tahay. Laakiin waxaa laga yaabaa in waxa ka sii qiime badnaa uu ahaa isku-kalsoonaantii ay siisey Mudane Cabdishakuur markii uu arkey in shaqadii uu qabtey ay qiimo iyo mudnaan lahayd, ayna habboon tahay in la sii wado.
Isaga oo dhiirrigelintan maanka ku haya, ayaa waxaa uu aasaasey Daaha Media, oo la aaminsan yahay in ay tahay tii ugu horreysey Soomaaliya iyo warbaahinta keliya ee u heellan ka soo waramidda deegaanka iyo is-beddelka cimilada.
“Iyada oo u mareysa barnaamijyo soo-jiidasho leh oo noocyada warbaahinta kala duwan ka baxa, ayaa Daaha Media waxaa ay soo bandhigtaa culeysyada xooggan ee deegaanka la xiriira, waxaa ay soo gudbisaa dadaallada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee waaridda kheyraadka, waxaana ay kor u qaaddaa wacyiga la halmaala wax-ka-qabashada cimilada,” ayaa uu yiri Mudane Cabdishakuur.
“Warbaahinta ayaa u ololeysa is-beddel, iyada oo bulshooyinka ku dhiirrigelisa in ay ka-qaybqaataan la-dagaallanka is-beddelka cimilada iyada oo islamarkaana dhiirrigelineysa xalal hal-abuur ku dhisan iyo ilaalinta deegaanka ee guud ahaan gobolka,” ayaa uu raaciyey.
Inkasta oo weli ay goor hore tahay oo dadka ku xiranna ay sii badanayaan, ayaa Mudane Cabdishakuur waxaa uu noocyo kala duwan oo warbaahinta bulshada iyo warbaahintii soo-jireenka ahayd ah u adeegsadaa in uu kula xiriiro dadka farriinta lala beegsanayo – dhallinyarada ayaa qayb aad u ballaaran ka ah dadkaa ku xiran iyada dadka ay da’doodu ka yar tahay 30 jir ay ilaa 70-meeyo boqolkiiba ka yihiin dadka Soomaaliya.
Sidoo kale, sida adeegga internet-ka looga helo Soomaaliya ayaa si joogto ah sanadihii la soo dhaafey ugu badanayey Soomaaliya. Sida ay qabto mareeg laga tixraaco isticmaalka internet oo la yiraahdo DataReportal, waxaa tilmaantey in ay taagneyd 27.6 boqolkiiba taas oo ka dhigan in 5.08 milyan oo qof oo ka mid ah dadka dalkan ku yaalla Geeska Afrika ay internet isticmaaleen sanadkii 2024.
“Waxaan leeyahay xisaabo badan oo warbaahinta bulshada ah. Waxaan aaminsanahay in X, Facebook, WhatsApp, LinkedIn, TikTok, iyo Instagram ay yihiin agab aasaasi u ah la tacaamulka dhallinyarada iyo in aad awooddo in waqtiga markaa la taagan yahay aad dadka war siiso,” ayaa uu yiri Mudane Cabdishakuur. “Noocyada warbaahinta bulshada ee aadka u kala duwan waxaa ay gacan dad ka siiyaan abuurista wada-shaqeyn iyo wada-tacaamul heerkoodu sarreeyo.”
Gudbinta sheekooyinka qotada dheer, waxaa uu u adeegsadaa warbaahinta kale si uu wararkiisa dadka u gaarsiiyo. Raadiyaha – oo ah hab warbaahin oo lagu wada heli karo laguna wada kalsoon yahay Soomaliya gudaheeda ayaa ka mid ah – waxaana uu iskaashi lal eeyahay Telefiishanno iyo baro internet oo wararka qora.
“Adeegsiga warbaahintan kala duwan ayaa hubinaya in sheekooyinkeyga ku saabsan is-beddelka cimilada ay gaaraan gunta bulshooyinka iyo sidoo kale caalamka,” ayaa uu yiri. “Waxaan rabaa in aan xooggeyga isugu geeyo Daaha Media oo aan soo saaro barnaamijyo badan oo ku saabsan is-beddelka cimilada iyo deegaanka – Waxaana awoodda sheeko-gudbinta u adeegsan doonaa in aan ku dhaliyo is-beddel oo aan u hadlo dadka aan naftooda u hadli karin inta ay u dhabar-adeygayaan dhibaatooyinka cimilada.”
Ololeyn/dhaqdhaqaaqid firfircoon
Mudane Cabdishakuur waxaa uu dadaalkiisa dhinaca saxaafadda ah ku darsadey in uu yahay qof u dhaqdhaqaaqa danta dadka.
“Saxaafaddu waxaa ay war siisaa dadka waxaana ay dibadda soo dhigtaa runta, iyada oo sidaanna ku dhiirrigelisa isla-xisaabtan. U-dhaqdhaqaaqidda waxaa ay wacyiga/ogaalka u rogtaa tallaabo-qaad, iyada oo taasi ay dhalineyso is-beddel oo ay dhiirrigelineyso horumar,” ayaa uu yiri.

Xilalkii uu horey u soo qabtey waxaa ka mid ah in uu soo ahaa Madaxa U-qareemeynta iyo La-shaqeynta Bulshada ee Eco Hub Somalia, oo ah Xaruntii ugu horreysey ee diiradda saarta deegaanka oo ku taameysa in ay ilaaliso kheyraadka dabiiciga ah; Madaxa Tababarrada ee Green Watch Trust, oo ah koox ay dhiseen muwaadiniin si ay gacan u siiso deegaanka; iyo Madaxda Warbaahinta iyo War-isgaarsiinta ee ururka Somali Greenpeace Association.
“Intii aan xilalkaas hayey, waxaan ka qaybqaatey qaabeynta munaaqashooyinka laga yeelanayo siyaasadda deegaanka. Aasaasiyan arrinta aan xoogga saarayey waxay ahayd in aan dadka ku wargeliyo arrimaha la xiriira is-beddelka cimilada, haddii ay tahay in aan qoro warar, maqaallo, aan cusbooneysiiyo baro internet, ama aan joogteeyo xiriirrada aan la leeyahay suxufiyiinta,” ayaa uu yiri Mudane Cabdishakuur.
Sanadkii 2023, waxaa uu hoggaamiyey ololihii warbaahinta ee Shirkii Mogadishu Environmental Summit, waxaana uu ka mid ahaa kooxdii qabanqaabineysey Shirkii Is-beddelka Cimilada ee Soomaaliya ee lagu qabtey Muqdisho. Shirka dambe, waxaa uu ku soo bandhigey waraaq cilmi-baaris uu sameeyey ah, oo cinwaankeedu ahaa ‘The Role of Media in Driving Environmental and Climate Action: A Case Study of Mogadishu, Somalia.’
“Tani waxaa ay keentey in laga wada sheekeysto ilaalinta deegaanka waxaana ay soo bandhigtey kartida ay Soomaaliya u leedahay tallaabo-qaadka cimilada ee caalamiga ah,” ayaa uu yiri Mudane Cabdishakuur. “Waxaa ay ahayd guul dhab ah oo laga gaarey soo-bandhigidda doorka weyn ee ay saxaafaddu ku leedahay wax-ka-qabashada culeysyada cimilada ee Soomaaliya gudaheeda iyo meelaha ka baxsanba.”
Arrimahan uu u dhaqdhaqaaqayo Mudane Cabdishakuur waxaa ka dhashey in uu tababarro aqoon-isweydaarsi ah uu u qabto saraakiil dowladeed, waaxda gaarka loo leeyahay, suxufiyiin kale iyo NGO-yo, iyo arday jaamacadeed.

“Waxaan bixiyey barnaamijyo waxbarashada deegaanka iyo cimilada ah oo looga dan lahaa kor-u-qaadista wacyiga iyo fahmidda hab-dhaqannada ilaalinta deegaanka, dhowrista kala duwanaanshaha noolaha, iyo u-adkeysiga cimilada,” ayaa uu yiri. “Yoolka aan higsanayo waa in aan dhiso kartida dadka maxalliga ah si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka deegaanka iyada oo islamarkaana la kobcinayo isku-xirnaan qoto-dheer oo dhex marta bulshooyinka iyo deegaanka dabiiciga ah ee ku hareereysan.”
“Suxufiyiinta iyo xirfadlayaasha saaxafadda ayaa bartey sida loo sameeyo sheekooyin iyo warbixinno la xiriira arrimaha deegaanka iyo is-beddelka cimilada ee Soomaaliya. Waxaan ka hadalney culuunta cimilada, raadka ay ku leedahay Soomaaliya, iyo sida si taabogal ah loogaga soo warrami karo dhibaatooyinkan,” ayaa uu hadalkiisa ku darey. “Waxaan sidoo kale barey sida loo sameeyo baarista la xiriirta ka soo warramidda arrimaha deegaanka, iyo sidoo kale ka-falcelinta wararka beenta ah, war-xumeynta iyo marin-habaabinta, iyo sidoo kale anshaxa deegaameed.”
Matalaad Caalamiga ah
Dhaqdhaqaaqa Mudane Cabdishakuur waxaa ka dhashey in uu dibadda aado si uu dalkiisa ugu matalo shirarka looga hadlayo deegaanka. Kuwani waxaa ka mid ah Shirkii sanadkii 2021 ee Multistakeholder Pre-African Ministerial Conference on Environment (AMCEN) ee ka dhacay Itoobiya; ka-qaybgalkiisii Shirweynhii sanadkii 2023 ee Pan African Climate Justice Alliance (PACJA) General Congress.

“Dhallinyaradu waxaa ay keenaan fikrado cusub, tamar, iyo u-diyaarsanaan iskaashi,” ayaa uu yiri. “Waa kuwa leh mustaqbalka, waxaana qaar badan oo ka mid ah ay durba u soo ban-baxeen in ay hoggaanmiyaan is-beddelka.”
Waqtigii ugu farxadda badnaa ee ilaa hadda soo marey waxaa uu ahaa Disembar 2023, markaas oo uu Soomaaliya ku mataley Kulanka Dhallinyarada Carabta ee the Youth Arab Camp ee ka dhacay Masqadh, Cumaan. Halkaas, waxaa uu kula tacaamuley dhallinyaro kale oo hoggaamiya arrimaha deegaanka oo ka kala socdey guud ahaan dunida Caraba si ay uga munaaqashodaan wax-ka-qabashada cimilada iyo horumarinta bulshada.
“Mudnaan iyo qaddarin ayaa ay ii ahayd in aan fikrado isdhaafsanno dhallinyaro facayga ah oo xiiso weyn u haya arrimahan oo ka kala yimid guud ahaan gobolka – dhammaanteen isku hadaf ayaan nahay: in aan dhisno mustaqbal kan hadda ka waaritaan badan oo caddaalad ku dhisan,” ayaa uu yiri.

QM iyo ka-warramidda is-beddelka cimilada
Sida ay qabto Qaramada Midoobey, wargaarsiinta la xiriirta is-beddelka cimiladu waxaa ay la halmaashaa waxbaridda iyo abaabulidda dadka si ay u qaadaan tallaabo ay kaga hortegayaan dhibaatooyinka cimilada. Qof kasta door ayuu qaadan karaa isaga oo kor u qaadaya codkiisa, dad la wadaagaya xalal, oo u-qareemeynaya is-beddel.
Hay’addan adduunku uu ku mideysan yahay ayaa qof walba ku dhiirrigelisa in uu ka-qayb qaato – haddii ay tahay in uu soo gudbiyo fikirkiisa, soo-jeediyo xalal taabogal ah, ama u ololeeyo is-beddel.
“Haddii aan soo xigto Paolo Coelho: ‘awoodda sheeko-gudbinta dhabtii waa tan: in lagu guuleysto waxa dadka kale ay qaban waayaan.’ Waxaa ay fursad dad u siineysaa in qofku uu sheego fikirkiisa, uu dareemo oo uuna dad la wadaago, iyo sidoo kale in uu dhiso buundo looga gudbo waxyaabaha mustaqbalka la rajeynayo iyo awoodaha lagula qabsanayo,” ayaa uu yiri La-taliyaha QM ee Amniga Cimilada iyo Deegaanka ee Soomaaliya, Christophe Hodder.
“Waa mid aasasi u ah geeddi-socodka bulshooyinka la isugu keenayo si ay heshiis bulsho ula galaan dowladda, dhab ahaantiina waa geeddi-socodka loo maro fahmidda iyo barashada raadadka iyo sida wax looga qabto gilgilashooyinka cimilada,” ayaa uu sii raaciyey. Waxaa ay gacan innaga siisaa in aan fahamno waxa dhacaya, in aan wax ka baranno kuwa raadka ugu badan ay ku yeelatey iyo in sidoo kale la ogaado tallaabooyinka lagula qabsado, istiraatiijiyadaha la qabsiga iyo hab-dhaqannada soo-jireenka ah iyo kuwa maxalliga ah. Waxaa ay gacan ka geysataa habka aan wax u wadno waana jawaab iyo dhegeysasho si loo hubiyo in aan diiradda saareyno taageeridda meelihii ku habboonaa.”
Si ay gacan uga geysato arrintan, QM waxaa ay diyaarisey oo ay isu soo ururisay tilmaamo waxtar u leh sameynta agabyo war-isgaarsiin oo taabogal ah. Kuwani waxaa ka mid ah macluumaad cilmi oo rasmi ah, oo soo gudbinaya dhibaatada iyo xalalkeeda, iyo sida loo abaabulo tallaabada laga qaadayo.






