UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Magaalada Baydhabo, mas'uulka ugu sarreeya QM ayaa kaga hadley arrimaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed wuxuunna hoosta ka xariiqay doorka wadahadalka uu ka qaadan karo wax-ka-qabashada mudnaanaha qaran

UN Special Representative James Swan visits Baidoa

Baydhabo – Mas'uulka Soomaaliya ugu sarreeya Qaramada Midoobay, oo maanta booqasho ku tagey Dowlad-goboleedka Koonfur Gabeed ayaa hoggaanka Dowlad-goboleedka kala hadley mowduucyo kala duwan oo khuseeya degaanka, intaa waxaa dheer in uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in laga wada hadlo arrimaha kala duwan ee qaranka ee uu dalku wajahayo.

“Waxaan hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadahadal ay u dhan yiiin hoggaamiyayaasha bulshada iyo siyaasadda ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kale kuddarey in arrimaha qaranka ay ka mid yihiin mudnaanaha amniga iyo qorsheynta doorashada.

“Waxaan mar kale ku celiyay,” ayuu hadalkiisa kuddarey, “mowqifka saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah: waxaan soo dhoweyneynaa hinddisaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu dhawaaqay farriintiisa Ciidul-fidriga ee ku aaddaneyd diyaarinta madal kulmisa dhammaan codadka Soomaaliyeed si loo hormariyo mudnaanaha qaran-dhiska dalka, iyo in si hufan wax looga qabto khatarta Al-Shabaab.”

UN Special Representative James Swan visits Baidoa

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliyaa ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u wada qabteen isaga iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleeda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Lafta-gareen’ kaddib kulan uu la qaatay isaga iyo xubnaha maamulkiisa oo ka dhacay Madaxtooyada Dowlad-goboleedka.

Shalay, Mudane Swan ayaa baaq kaas la mid ah ka jeediyay shir jaraa’id ka-dib markii uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor-Qoor' iyo xubnaha kooxdiisa kula kulmey magaalada Dhuusamareeb, oo ah Magaala-Madaxda Dowlad-goboleedkaasi.

Koox ka kooban 28 ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya – oo ay Qaramada Midoobay ka mid tahay – ayaa bayaan soosaarey horaantii bisha Abriil iyagoo soo dhaweeyay soo-jeedinta madaxweynaha dalka ee ah in uu abaabul madal ay isugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha bulshada iyo siyaasadda Soomaaliya si loo hubiyo in aragtiyadooda iyo dedaalladooda ay qayb ka noqdaan dagaalka ka dhan ah argagaxisada iyo dhismaha nidaamka dowlad federaal ah oo dimuqraadi ah.

Arrimaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha iyo mas'uulka QM, waxaa ay gaar ahaan ka hadleen mowduucyo kala duwan oo gaar ahaan khuseeya Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan qaran-dhiska, amniga iyo baahiyada bani'aadamnimada.

Ergeyga Gaarka ah ee QM ayaa tilmaamay in ay ka hadleen diyaar-garowga socda ee diiwaangelinta cod-bixiyaha ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC), iyo sidoo kale doorashooyinka golaha degaanka ee tooska ah.

“Iyada oo taa la tixgelinayo, ayaa waxaad dib u xusuusiyay muhiimadda ay leedahay jawi siyaasadeed cid kasta u furan oo saamaxaya in lagu guuleyst qabashada doorashooyinka heer kasta” ayuu yiri Md. Swan.

UN Special Representative James Swan visits Baidoa

Xaaladda beni'aadannimo ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa weli ah mid halis ah, gaar ahaan marka la eego hubanti la'aanta ka jirta caalamka ee joogteynta heerarka gargaarka.

“Iyada oo kaashaneysa hay’adaha samafalka, ayaa Qaramada Midoobay waxay si wadajir ah ugala shaqeyneysaa mas'uuliyiinta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed si wax looga qabto baahiyahan degdegga ah,” ayuu yiri Md. Swan. “Waxaanna dooneynaa in aan mudnaansiinno kuwa aadka ugu baahan gargaarka. Waxaan sidoo kale, dabcan, dooneynaa in aan waxqabadka bani'aadamnimada ku xiriirino baahiyada horumarineed ee muddada-dheer ee dowlad-goboleedkan.”

Dhinaca amniga, Ergeyga Gaarka ah ee QM wuxuu ka hadley sida Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ugu dhabar adeegayso dagaalka ka dhanka ah kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab.

“Waxaan bogaadinayaa dedaallada socda ee ay wadaan Ciidanka Qaranka Xoogga Dalka iyo ciidamada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee ku aaddan difaacidda iyo dib u qabsashada dhulka gobollada kala duwan ee dowlad-goboleedka,” ayuu yiri Md. Swan. “Dadaalladan waxaa ay ifafaallo u yihiin geesinimada iyo adkeysiga ciidamada Soomaaliya ee la dagaalamaya Al-Shabaab.”

Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa hadalladii uu saxaafadda la wadaagayay ku soo gebbogabeeyay dib u xaqiijinta taageerada hay'adda caalamiga ah siinayso Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee ku aaddan mudnaanaha qaran-dhiska, iyo qaddarinta iskaashiga xooggan ee Madaxweynaha iyo maamulkiisa.

UN Special Representative James Swan visits Baidoa