New York — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay magacaabista James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka in uu noqdo Ergeygiisa Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS). Xoghayaha Guud wuxuu Md. Swan ugu mahadceliyay in uu soo ahaa Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)/UNTMIS tan iyo bishii Maajo 2024, wuxuunna ku faraxsan yahay in Md. Swan uu aqbaley in uu sii-wado shaqada uu Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u hayay inta lagu guda jiro xilligan adag.
Xoghayaha Guud oo James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS)
- 28 Maarso 2025
- Press Statement

Md. Swan waa diblomaasi waayo arag ah oo muddo-dheer ka soo shaqeeyay dalalka Afrika ee wajahaya isbeddelo siyaasadeed oo adag. Ka hor inta uusan noqon ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM/UNTMIS iyo sidoo kale Ergeyga Gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM (2019-2022), wuxuu soo noqdey Safiirka Dalka Mareykanka u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo (2013-2016), Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya (2011-2013), iyo Safiirka Dalka Mareykanka u Fadhiyay Jabuuti (2008-2011).
Shaqooyinkiisii hore, Md. Swan wuxuu ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda u qaabilsan Arrimaha Afrika (2006–2008), iyo Agaasimaha Falanqeynta Arrimaha Afrika ee Xafiiska Sirdoonka iyo Cilmi-baarista ee Waaxda Arrimaha Dibedda (2005-2006). Ka hor inta uusan hawlahan qaban, Md. Swan wuxuu hawlo kala duwan ka soo qabtey dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Jamhuuriyadda Kongo, Soomaaliya, Kaamiruun, Nicaragua iyo Haiti.
Md. Swan wuxuu shahaaddada heerka koowaad ee jaamacadda ka haystaa Dusiga Adeegga Dibedda ee Jaamacadda Georgetown (Georgetown University’s School of Foreign Service), shahaaddada heerka labaad ee jaamacadda (M.A) oo uu ka soo qaatey School of Advanced International Studies ee Jaamacadda Johns Hopkins, iyo Shahaadda heerka labaad ee jaamacadda oo uu ku bartey Daraasaadka Amniga Kuliyadda Qaranka ee Dagaallada (National War College), oo dhammaantoodaba ku yaalla dalka Mareykanka. Wuxuu si fiican ugu hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska.




