UNTMIS
Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

MAQAAL – Cali Cabdullahi Mubaarak: Qareen xirfad sare leh oo u dagaallamaya cadaalad iyo sinnaan ay helaan dhammaan dadka ku nool Jubbaland

Ali Abdullahi Mubarak portrait

Kismaayo – Qaar badan oo ka mid ah qareennada dalalka horumarey, ayaa marka wax laga weydiiyo sababta ay ku doorteen sharciga, waxaa ay badanaa xusaan raadad ay ku yeesheen bandhigyo khiyaali ah oo ka baxay telefishanka oo ay daawadeen sanadihii ay korayeen – waxa ay sheegaan sida ay xiiso gaar ah u gelisey markii ay daawadeen qareenno shaqadoodo ku guda jira, oo u dagaallamaya caddaalad iyo isla-xisaabtan inkasta oo ay haysteen xaalado adag oo aan laga gudbi karin.

Cali Cabdullaahi Mubaarak tiisuse waa ay ka duwaneyd taas.

Mudane Cali, oo ah qareen da’ yar oo mustaqbal leh oo jooga Jubbaland, oo ah Dowlad-Goboleedka ugu Koonfureeya Soomaaliya, waddada uu u marey sharciga waxaa qaabeeyey waxyaabo dhab ah oo soo wajahay intii uu korayey markaas oo dalkiisku ka socdeen dagaallo sokeeyo iyo colaaddii sokeeye ee ka dhalatey.

Waxaa uu sanadkii 1997 ku dhashey magaalada Garbahaarey, ee gobolka Gedo, oo ku taalla meel 588 kilomitir u jirta Kismaayo, magaalo-madaxda Jubbaland. Intii uu carruurta ahaa waxaa soo marey xaalado nololeed oo adag oo ka dhashey colaaddii hubeysneyd iyo xasilooni-darradii dhaqaale ee jirey.

“Mustaqbalku ma ahayn mid la saadaalin karo. Ma fududeyn in lagu dadaalo waxbarasho waqtigaa oo waxa ugu horreeya ee laga welwelo ay ahayd badbaadada nafta qofka, laakiin waxaan ogaa in waxbarashadu ay ahayd sida keliya ee aan dhibaatada uga bixi karey,” ayaa uu yiri Mudane Cali.

Laakiin dhibaatadii uu u soo joogey – ee uu inta badan u soo dhabar-adeygey – ayaa xoojisey wacyigiisa ku aaddan muhiimadda caddaaladda, gaar ahaan ay u leedahay kuwa xuquuqdooda lagu xadgudbey qaskii iyo sharci-la’aantii waqtigaa jirey daraaddood.

Ali Abdullahi Mubarak speech

Inkasta oo Mudane Cali aysan la ahayn in uu awoodi karey in uu si saraaxad leh uu u sheego waqtigaa, laakiin hadda ayuu si cad u oran karaa: “Caddaaladda ayaa ahayd welina ah sida keliya ee aan macne cusub ugu yeeli karno oo aan dibna ugu kasban karno kalsoonida bulshoyinkeena iyo dowladdaba. Caddaalad la’aantu, waa hallaageenna.”

Waxaa uu waxbarashadiisa ku jiheeyey culuunta sharciga, iyo shaqo ay xuddun u tahay fikradda ah in uu muwaadiniinta dalka ee rag iyo haweenba leh ay helaan caddaalad ay u siman yihiin.

“Waxa aan rabo in aan xaqiijiyo waa in Jubbaland lagu helo nidaam caddaaladeed oo dib u habeyn wanaagsan lagu sameeyey – nidaam hubinaya in qof kasta, xaaladdiisu sida ay ahaataba, uu heli karo matalaad sharci iyo caddaalad,” ayaa uu yiri qareenkan 27-sano jirka ah.

Daraasaadka sharciga

Mudane Cali waxaa uu dugsiga aasaasiga ah iyo dugsiga sare ka soo kala dhigtey Gogol Primary School iyo Amiir Nur Secondary School oo labaduba ku yaalla Garbahaarey. Sanadkii 2018, isaga oo markaa 21 sano jir ahaa ayaa waxaa uu u wareegey waqooyiga dalka si uu u galo Kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Puntland State University (PSU) – waxaa uu ahaa xubinta qoyskiisa ka tirsan ee ugu horreysey ee jaamacad gasha.

Intii uu ku jirey Jaamcadda PSU, ayaa jaceykii uu u qabey sharciga, caddaaladda iyo sinnaanta uu kobcay.

Ali Abdullahi Mubarak graduation portrait

“Waxaan dhab ahaan ka mid noqdey naadiyada sharciga ee jaamacadda. Waxaan bilowney in aan u qareemeyno bulshooyinka nugul iyo kuwa la fogeeyo ee Garoowe. Waana taas halka aan dhab ahaan ka keeney in aan aamino in sharciga loo sinnaado ay muhiim u tahay caddaaladda,” ayaa uu yiri.

Bishii Jannaayo 2019kii, isaga oo tacliintiisa sii wata, ayaa Mudane Cali ka heley fursad hawl gacan ka qabasho ah oo uu ku bilaabayo ku shaqeynta xirfadda.

“Waxaan fursad shaqo-barasho (internship) ah ka heley Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Puntland, taas oo aan kaaga baahneyn in aad shahaaddo haysato. Waxaa ay ahayd waqti muhiim u ah shaqadeyda xirfadlenimo, iyada oo i siisey waayo-aragnimadii ugu horreysey ee shaqo gacanta laga qabto ah oo la halmaasha sharciga. Waxaan bartey sida loo sameeyo cilmi-baaris sharci iyo sida loo qoro dokumentiyada,” ayaa uu yiri Mudane Cali.

Xirfadahaas ayaa aasaas u noqdey shaqada uu mustaqbalka qaban doono ee qareennnimada ah. Intaa waxaa dheer, waxaa uu heley waayo-aranimo aad u qiimo badan oo la halmaasha hawsha lagu qabto maxkamadda gudaheeda.

“Waxaan u fiirsadey sida hawsha qareennimada iyo habraacyada sharciga ah dhab ahaan loo qabto. Tani waxaa ay sii xoojisey xirfadahayga la halmaala maareynta kiisaska sharci ee aan u madax-bannaanahay iyo u-qareemeynta caddaaladda,” ayuu yiri Mudane Cali.

Sanadkii 2020, ayuu bilaabey hawl isagu uu gooni u leeyahay oo sharciga la halmaasha isaga oo markaa sii dhammeynayey waxbarashadiisa, isaga oo badanaa kiisas uu lacag la’aan ugu shaqeynayo qaadan jirey marka ay khuseeyaan dad aan iska bixin karin kharashka matalaadda sharci. Wax fududse ma ahayn.

“Intii aan Garoowe joogey, waxaan si dhow ula shaqeynayey kiisaska la xiriira tacaddiga jinsiga ku saleysan, isaga oo u qareemeynayey xuquuqda haweenka iyo gabdhaha. Hawl fudud ma ahayn waxaana ay u baahneyd dadaal mug weyn oo dheeri ah,” ayaa uu yiri Mudane Cali.

Waxaa uu jaamacadda PSU ka qalinjebiyey sanadkii 2021kii isaga oo qaatey shahaaddada koowaad ee jaamacadda ee culuunta qaanuunka iyo shareecada waxaana uu sanad kale Puntland ka sii shaqeynayey isaga oo ah qareen rukhsad haysta ka hor intii uusan ku soo noqon Jubbaland.

Ku-soo-noqoshadii Jubbaland

Xiisihii uu Mudane Cali u hayey sharciga ayaa halkiisii ka sii socdey sanadkii 2022 markaas oo uu ka soo degey Kismaayo, isaga oo diyaar u ah in uu dhiso maqaamka sharciga ee uu ku dhex leeyahay Jubbaland – iyo in uu hirgeliyo himiladiisa.

Ururrada qareennada waa kooxo qareenno ah oo aasaasiyan la tacaamula arrimaha saameynta ku leh xirfadda sharciga. Tani waxaa soo hoos geli kara u qareemeynta dib-u-habeyn lagu sameeyo hannaanka sharciga, taageeridda mashaariic cilmi-baaris, iyo nidaaminta jaangooyooyinka xirfadeed.

Ururka Qareennada ee Jubaland Bar Association (JBA) ayaa dhisnaa laga soo bilaabo sanadkii 2019kii. Sida ku qoran barta internet-ka ee ururka, hawshiisu waa hubinta in qareennadu ay u hoggaansamaan waajibaadkooda, hubinta in la helo caddaalad, dhiirrigelinta waax garsoor oo caaddil ah oo madax-bannaan, ixtiraamidda xuquuqaha aadanaha, kobcinta waxbarashada sharciga, iyo fududeynta in si caddaalad ah oo haboon loo fuliyo sharciga.

Laakiin ururka JBA ayaa noqdey mid kala-daadsan, waxaana Mudane Cali ku dhaqaaqey in uu kooxda hawl-wadeennada sharciga ee kala tagsan ee mid walba goonideeda u taagan ee Dowlad Goboleedka ku mideeyo bulsho sharciyeed oo mideysan, ku mideysan u-qareemeynta xirfadda iyo macaamiishooda.

Ali Abdullahi Mubarak writing

Ma ahayn wax fudud, waxaana ay u baahneyd dadaal badan.

“Dhowr bilood ka dib, qaar badan oo ka mid ah saaxiibada aan isku xirfadda nahay ayaa ku qancay fikradda,” ayaa uu yiri, inkasta oo dib-u-soo-nooleynta ururku aaney ahayn yoolka ugu dambeeya ee uu qareenkaa dhallinyarada ah uu higsanayey.

Wixii loo soo garey bishii Nofembar 2023, ayaa Mudane Cali waxaa uu isu soo taagey jagada guddoomiyaha JBA waana uu ku guuleystey doorashadii.

Waxaa uu doorkiisan cusub uga dhex muuqdey fursad uu ku sameyn karo is-beddel ballaaran iyo mid u saamixi doona hirgelinta himiladiisa ku aaddan sidii hannaanka sharciga ee Jubbaland xuddun ay ugu noqon lahaayeen u-dhammaansho iyo in caddaalad la wada helo,gaar ahaan ay helaan dadka adeegga ay helaan uu yar yahay. Intii uu hoggaanka hayey, ururka ayaa xubnihiisu ay ballaarteen waxaana hadda ka tirsan 24 xubnood oo firfircoon oo kala jooga guud ahaan magaalooyinka kala duwan ee Jubbaland.

Haseyeeshee, tiro-yaraanta qareennada shaqeeya ayaa sababtey in ay isku ururaan kiisaska yaalla maxkamadaha degaanka.

“Waxaa hadda jira kiisas badan oo aan weli la xallin,” ayaa uu yiri.

Xaaladda ayaa ku dhalisey in uu ballaariyo hawsha uu u qabto ururka JBA, taas oo ay ka mid tahay istiraatiijiyad muddada fog ah – Mudane Cali ayaa bilaabey barnaamij shaqo-barasho (internship) oo uu ururku bixiyo. Waxaa uu waayo-aragnimo gacan-ka-qabasho ah siiyaa xirfadlayaasha sharciga ee mustaqbalka iyada oo hadafka laga leeyahay uu yahay in la hubiyo in jiilka soo socda gacan la siiyo si ay ugu diyaar-garoobaan u-adeegidda bulshada. Waxaa waqtigan barnaamijka ka faa’iideysanaya 11 shaqo-bartayaal (interns) ah.

“Barnaamijkan waxaa uu inoo saamaxayaa in aan la shaqeyno jiilka da’da yar, gaar ahaan haweenka, ee ku jira saaxada sharciga,” ayaa uu yiri. “Waxaa nalooga baahan yahay in aan dhisno hannaan ay ka muuqdaan qiyamka caddaaladda iyo sinnaanshaha dhammaan dadka, iyaga oo aan la kala takoorin.”

Cadaaladda dadka la fogeeyo

Xataa marka la sameeyey horumarkan wanaagsan, haddana dadka ku nool Jubbaland waxaa weli ay caqabado ka haysteen in ay caddaalad ku dhex helaan nidaam ay halakeysey colaad sanado socotey, taas oo sababtey in la dayaco hannaanka qaanuuniga ah ee waajibka ah iyo maxkamadeyn caddaalad ku dhisan.

Isaga oo aqoonsadey baahida weyn ee loo qabo dib-u-habeyn, ayaa ururka JAB waxaa uu iskaashi la yeeshey Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Kaalmeynta ee Soomaaliya / United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS), iyada oo taas loo marayo Kooxiisa Xuquuqaha Aadanaha iyo Ilaalinta / Human Rights and Protection Group (HRPG), si wax looga qabto nusqaamahan.

Waxyaabaha ay iska kaashanayaan waxaa ka mid ah u-qareemeynta iyo matalaad sharci oo ay helaan xubnaha nugul iyo kuwa la fogeeyo ee bulshada, gaar ahaan carruurta lala xiriiriyo kooxaha hubeysan. Inkasta oo Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jubbaland iyo Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya ay labaduba damaanad-qaadayaan xuquuqda matalaad sharci iyo maxkamadeyn caddaalad ah, haddana mabaa’didan dhab ahaan si dad ku filan looma fuliyo.

Three boys being sitting in a court room

“Sanadkan 2024 oo keliya waxaan si lacag la’aan ah matalaad sharci u siiyey laba kiis magalada Kismaayo gudaheeda,” ayaa uu yiri Mudane Cali. “Waxaan kiisaskan adag, oo lacag la’aanta ah u qaatey waa in ay jiraan dad aad ugu baahan caddaalad, haddana qaar badan oo ka mid ah dadkaas, hannaanka sharciga ayaa ugu muuqda mid aaney gaari karin – oo ku dhow sidii mudnaan gaar ah oo cid kale loogu talogaley. Waxaan rabey in aan taas beddelo oo aan muujiyo in sharicugu uu iyaguna sidoo kale u hiilin karo.”

Maaddaama uu qareen u yahay xuquuqaha kooxaha nugul, qareenkan dhallinyarada ah waxaa uu taageerey dadaallo lagu hirgelinayo Habraacyada Jaango’an ee Hawlgalka (the Standard Operating Procedures) ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ansaxisey sanadka 2024 ee loogu talogaley qaabilaadda iyo wareejinta carruurta ka soo soocmey kooxaha hubeysan ee Soomaaliya.

“Bishii Abriil 2023kii, carruur ayaa la horkeeney maxkamadda, kuwaas oo markii hore lagu xukumey dil. Haseyeeshee, dadaallo ay wadajir u sameeyeen hawlwadeenno kala duwan, ayaan ku guuleysaney in kiisaskooda aan rafcaan ugu qaadanno Maxkamadda Sare, taas oo nagu qaadatey saddex bilood. Ugu dambeyntii, carruurtii waxaa lagu wareejiyey UNICEF [Hay’adda QM ee Carruurta] si dhaqancelin loogu sameeyo, taas oo ay mahaddeeda leeyihiin kooxda xuquuqaha aadanaha ee UNTMIS iyo UNICEF iyo maamulka degaanka oo diyaar u ahaa in uu u hoggaansamo jaangooyooyinka caalamiga ah,” ayaa uu yiri.

Mudane Cali waxaa uu hadda gacanta ku hayaa laba kiis oo kaas oo kale ah oo weli maxkamadda yaalla. Si gacan looga siiyo tallaabooyinka sharciyeed ee noocan ah, ayaa ururka JBA waxaa sidoo kale uu khubarrada xuquuqaha aadanaha ee UNTMIS ee ku takhasusey shuruucda guud ka heley tababar iyo taageero farsamo oo ku saabsan maxkamadeynta caddaaladda ah, hannaanka qaanuuniga ah ee waajibka ah (due process), iyo xuquuqaha carruurta ka soo soocmey kooxaha hubeysan.

Tababarka waxaa ka mid ahaa u-hoggaansamidda siyaasadaha qaran, sida Habraacyada Jaango’an ee Hawlgalka ee qaabilidda iyo soo-wareejinta carruurta ka soo soocmey kooxaha hubeysan, kuwaas oo dhabbe-tuseyaal gaar ah ka bixinaya sida loola dhaqmayo.

Riixidda dib-u-habeyn

Hawsha Mudane Cali uu ku taageerayo dib-u-habeyn lagu sameeyo shuruucda iyo u-qareemeynta weli fari kama qodna – ha ahaato ku baaqidda soo-yareynta muddada maxaabiista ay xirnaanayaan ama ha ahaato in maamullada iyo bah-wadaagta caalamiga ah ay mudnaan siiyaan tababaridda garsoorayaasha maxkamadda ciidanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa qaadaya kiisaska la halmaala carruurta, ilaa dhiirrigelinta iskaashi xooggan oo dhex mara ururka JAB iyo ciidanka asluubta.

Ali Abdullahi Mubarak workshop board

“Waxaan u baahannahay in is-beddel xooggan lagu sameeyo sida loo qaado kiisaska, marka laga bilaabo soo ashtakeynta ilaa rididda xukunka. Mararka qaar kiisaska waa la qariyaa, waxaana xukunnada ciqaabta la soo saaraa iyada oo aanu qofku matalaad sharci helin. Taas lama aqbali karo,” ayaa uu yiri, waxaana uu sii raaciyey, “Nidaamka hadda jira si dad ku filan wax ugama qabto baahiyaha ku gaarka ah carruurta, waxaana loo baahan yahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo. Tababarro gaar ah oo takhasusi ah ayaa ay u baahan yihiin maxkamadaha mileteriga.”

“Ma jiraan xiriir isuduwid oo u dhexeeya xabsiyadeenna ama ciidamada asluubta iyo ururka JAB,” waxaana uu intaa sii raaciyey. “Waxaan rajeyneynaa in aan dhisi doonno xiriirro si ka wanaagsan sida hadda u maareeya kiisaska iyo natiijooyinka sharci ee ka soo baxa.”

Taageerada QM

Shirweynihii siddeedaad ee QM ee Ka-hortegidda Dembiyada iyo La-tacaamulka Dembiilayaasha, ee dalka Cuba lagu qabtey sanadkii 1990, ayaa Dalalka Xubnaha ka ah QM waxaa ay ansaxiyeen ‘Mabaa’diida Aasaasiga ah ee Doorka Qareennada.’

Mabaa’diidan waxaa loogu talogaley in ay dalalka gacan ku siiyaan dhiirrigelinta iyo hubinta doorka habboon ee qareennada. Waxaana qodobbada ku jira dokumentiga ka mid ah in dhammaan shakhsiyaadku ay xaq u leeyihiin in ay gacan ka helaan qareen ay iyagu soo xusheen si uu u ilaaliyo oo uuna u xaqiijiyo xuquuqdooda iyo si uu u difaaco dhammaan marxaladaha kala duwan ee dacwadda ciqaabta, iyo in dowladuhu ay waajib ku tahay in ay hubiyaan in habraaco iyo habab waxqabad oo hufan oo si taabogal ah oo loo siman yahay loogu helayo qareenno la siiyo dhammaan shakhsiyaadka dhex jooga dhulkooda ee ku hoos nool maamulkooda.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya gudihiisa, ayaa Qaramada Midoobey waxaa ay kula shaqeysaa dowladda iyo kooxaha ururrada bulshada ka trisan sida JBA si ay gacan uga siiso dadaalladooda.

“Ka dib culeysyadii ay carrabaabeen hawl-wadeenno badan oo caddaaladda ka tirsan oo ku saabsanaa qaar ka mid ah jaangooyooyinka iyo habraacyada caalamiga ah ee halkan ka jira, waxaan taageero farsamo oo joogto ah siinnaa hay’adaha kala duwan ee garsoorka si kor loogu sii qaado awoodda ay u leeyihiin fahmidda iyo u-hoggaansamidda sharciga caalamiga ah ee xuquuqaha aadanaha iyada oo islamarkaana la dhiirrigelinayo in geeddi-socodyadaasi noqdaan kuwo degaanka laga leeyahay” ayaa ay tiri hoggaamiyaha kooxda UNTMIS ee xuquuqaha aadanaha ee Kismaayo, Manuela Cruz.

“Maalin dhoweyd, ayaan waxaan tababar ku saabsanaa dhabbe-tuseyaasha iyo jaangooyooyinka daraaseynta da’da dadka aan Kismaayo ugu qabanney hawl-wadeennada muhiimka ah ee maamulka caddaaladda, oo uu ka mid yahay ururka JBA, si kor loogu qaado awoodda ay u leeyihiin ilaalinta carruurta lala xiriiriyo kooxaha hubeysan iyo adeegsashada habraacyada ay ansaxisey Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa ay sii raacisey.