New York — Xoghayaha Guud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacey Soomaaliya ee lagu beegsadey kolonyo galbineysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo sababey khasaare. Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen wuxuunna dadka ku dhaawacmey u rajeeyay in ay dhaqso bogsadaan.
Xoghayaha-Guud wuxuu mar kale xaqiijiyay in Qaramada Midoobay ay shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed ay si buuxda ugu garab taagan tahay uguna taageerayso dagaalka ay kula jiraan argagaxisada iyo joogteynta dadaallada ku aadan nabadda iyo xasilloonida.
Farhan Haq, Ku-xigeenka Af-hayeenka Xog-hayaha Guud

