Muqdisho – Iyadoo ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, ayey bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya hambalyo u direysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inta lagu guda jiro xilligaan.
“Ramadaanku waa xilli lagu muujiyo naxariis, is garab-istaagaan iyo u gargaarida dadka dhibaateysan. Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan qof walba u rajeynayaa Ramadaan xasilloon oo nasasho leh, oo ay la qaataan wakhti fiican qoyska iyo asxaabta – Ramadaan Kariim, Ramadaan Wanaagsan!” Ayuu yiri Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa mar kasta ka go’an inay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku garab-istaagto baadi-goobka ay ugu jiraan xaqiijinta dal nabdoon oo barwaaqo ah.

