UNPOS
United Nations Political Office for Somalia SO

Closure of UNPOS

The United Nations Political Office for Somalia (UNPOS), established on 15 April 1995, supported the Federal Government’s peace and reconciliation efforts. Its mandate ended on 3 June 2013, with its responsibilities transferred to the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM).

Kulanka Wadatashiga ee Heerka Sare ee Soomaaliya Bayaanka Guddoomiyaha

Waxaan hadda soo gunaanadnay kulan wadatashi ah oo aad u guuleystay.

Waxaa kulan ka soo qaybgalay dhowr ka mid ah dhinacyada muhimsan ee ay arrintu khuseyso. Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Ku Meelgaarka iyo qaar ka mid ah xildhibaanadiisa ayaa halkan jooga. Madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug Abdirahman Faroole iyo Mohamed Alin waxay kulan ka soo qaybgaleen iyagoo horkacaya wufuud ballaaran. Ahlu Sunna Wal Jama’a waxay kulanka u soo dirsadeen wafdi aad u ballaaran oo ka kala yimid qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah. Waxaa iyana kulanka goobjoog ahaan uga soo qaybgalay dhinacyo kale oo arrinta daneeya oo gaaraya labaatameeyo oo ka socda bulshada caalamka ayna ka mid yihiin urur goboleedyada sida Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD (Guddoonka), Jaamacadda Carabta iyo Ururka Caalamka Islaamka.

Jawiga kulanku aad buu fiicnaa inta ay socdeen doodihii loo lamaa, doodihii ay albaabadu u xirn iyo kulamadii gooni goonida loo yeeshay. Dhammaan ka qaybgalayaashu waxay aragtidooda u soo jeediyeen si furan oo aan dahsoonayn. Jawiga kulanka waxaa ka muuqatay isxurmayn dooduhuna waxay ahaayeen kuwo wax ku ool ah.

Ujeeddada kulanka loo qabtay waxay ahayd in la is weydaarsado aragtida lana wadaago xogta la xiriirta dhowr arrimood oo muhimsan iyo in wadahadal dib loo billaabo. Kulanku wuxuu soo saaray dhowr fikradood oo muhim ah wuxuuna billaabay hawl wadatashi ah oo joogta ah oo yeeshaan dhinacyada Soomaaliyeed ee ay arrintu khuseyso lana yeeshaan bulshada caalamka. Wadatashigan wuxuu noo suurtogeliyay inaan aqoonsano meelaha waaweyn ee la isku waafaqsanyahay iyo muhimadda ay leedahay in la wadshaqeeyo.

Siiba, dhinacyada Soomaaliyeed ee ay arrintu khuseyso waxay isku afgarteen arrimaha soo socda:

  • In loo baahanyahay in Xilliga Ku Meelgaarka lagu dhammeeyo sida uu qabo Axdiga Federaalka Ku Meelgaarka, oo qaraya doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka (TFG) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Ku Meelgaarka (TFP) iyo ku xigeennadiisa inta uusan dhammaanin Xilliga Ku Meelgaarka, oo ah bisha Agoosto 2011;

  • Kordhinta muddada xilka Hay’adaha Federaalka Ku Meelgaarka (TFIs), waxaa la soo jeediyay in Baarlamaanka Federaalka Ku Meelgaarka (TFP) loo kordhin karo labo sanno; arrintan looma arkin inay tahay ujeeddo sideeda loola danleeyahay; laakiin waa shardi lagu dhammeystirayo hawlaha muhimka ah, oo ay ka mid yihiin diyaarinta doorashooyin qaran oo ugu dambeyntii la qabta;

  • In la xoojiyo amaanka lana labalaabo dadaalka wadajirka ah ee loogu jiro sidii looga rayn lahaa kooxaha xagjirka ah – siyaasad ahaan iyo mileteri ahaanba – iyo in lala dagaallamo burcad badeedda, dhoofinta dadka (tahriibinta), kalluumeysiga sharci darrada ah iyo qashinka suntan ah ee badda lugu daadiyo;

  • In dibuhabayn lagu sameeyo Baarlamaanka Federaalka Ku Meelgaarka (TFP) ee hadda jira iyo in la xoojiyo hawsha la xiriirka dadweynaha iyo dibuheshiisiinta lagu jiro maamulgoboleedyada, bulshada rayidka iyo jaaliyadaha qurbaha ku nool iyo in talooyin la soo jeediyo sidii dibuhabeyn loogu sameyn lahaa baarlamaanka soo socda;

  • In la dardar geliyo hawsha qoraalka Dastuurka Federaalka cusub; waxaa la garowsaday in hawshan ay tahay mas’uuliyad ka dhexeysa Hay’adaha Federaalka Ku Meelgaarka (TFIs) , maamulgoboleedyada iyo dhinacyada ay arrintu khuseyso oo ka mid tahay bulshada caalamka;

  • In la fuliyo heshiisyadii hore u dhexmaray Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka (TFG), maamulgoboleedyada (Puntland, iyo Ahlu Sunna Wal Jama’a;

  • In kaalmo gargaar ah si degdeg ah loo gaarsiiyo goobihii dhoowaan laga la soo ceshaday ama laga xoreeyay kooxaha hubaysan, oo ay ka midtahay magaalad Muqdisho, iyo weliba in si guud ahaan loo kordhiyo kaalmada gargaarka baniaadanimo iyo mid horumaineedba – heerka dowladda federaalka, gobollada iyo degmooyinka – si wax looga qabto dhibaatada abaaraha iyo macluusha hadda taagan. Intuu kulanku socday, Isuduwaha Arrimaha Baniaadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa ku nuuxnuuxsaday jiritaanka baahi degdeg ah ee loo qabo lacago dheeraad ah ee loo fidiyo hawlaha baniaadanimo iyo kuwa horumanineedba.

  • Taa ka hor, waxaa la isku raacay in loo baahanyahay inay dadka Soomaaliyeed noqdaan udubdhexaadka hawsha la qabanayo, oo ay u hawlgalaan si wadajir iyo iskaashi ah.

Kulankan waa billowga geeddi socod. Natiijooyinka kulanka ka soo baxay waxaa loo gudbin doonaa Madaxweynaha iyo Dowladda/Xukumadda Federaalka Ku Meelgaarka ee Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee ay arrintu khuseyso. Markaa ka dib waa inaan sii wadnaa dadaalka aan ugu jirno inaan gaarno isafgarad ballaaran oo ku aaddan sidii loo dhammeyn lahaa Xilliga Ku Meelgaarka iyo sidii loo dhisi lahaa nabad, barwaaqo iyo amaan. Dhowaan baan kulmi doonaa mar kale. Waxaa la soo jeediyay in kulanka xiga inuu ka dhici doono Soomaaliya. Waxaana la rajaynayaa in kulanka soo socda la qabto iyadoo ay joogto Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka (TFG), oo kaalin lagama maarmaan ah ku leh sii wadidda geeddi socodka.

[Bayaanka]