UNPOS
United Nations Political Office for Somalia SO

Closure of UNPOS

The United Nations Political Office for Somalia (UNPOS), established on 15 April 1995, supported the Federal Government’s peace and reconciliation efforts. Its mandate ended on 3 June 2013, with its responsibilities transferred to the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM).

War cad oo ka soo baxay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Soomaaliya

Muqdisho, 10ka September 2012 - Maanta dadka Soomaaliyeed waxay horey u qaadeen tallaabo weyn ee waddada nabadda iyo barwaaqada. Maanta Xildhibaanada Soomaaliyeed waxay – si degan, sharaf leh oo u fiirsasho leh – ku dhammeeyeen xilligii ku-meelgaarka, waxayna si buuxda u doorteen Mudane Xasan Sheekh Maxmuud inuu noqdo Maxweynaha Soomaaliya. Habka doorashadu wuxuu ahaa mid ay Soomaalidu leedahay una wada dhantahay. Doorashadu waxay martay laba wareeg oo si hufan oo cad looga daawanayay adduunka oo dhan. Habka doorashu wuxuu mid nabad ah oo habaysan loona qabtay si dimuqraadi ah. haddaba dadka Soomaaliyeed waxay beeniyeen shakigii laga qabay, waxayna farriin adag oo horumar leh u gudbiyeen Afrika iyo dhammaan adduunka intiisa kaleba.