Nayroobi, 21 Sebtember 2010 – Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Dr. Augustine P. Mahiga, ayaa arkay go’aanka uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, uu isku casilay isagoo tixgelinaya danaha nabadda iyo amniga Soomaaliya.
Dr. Mahiga ayaa ku tilmaamay iscasilaadda Ra’iisal Wasaare Sharmaarke inay tahay caqabad ama dhibaato culus oo muujinayso khilaafka ka dhex taagan hay’addaha federaalka ku meelgaarka ah. Wuxuuna hayadaha u rajeeyay inay xalliyaan wixii khilaaf ah ee dhexdooda ka jiray, khilaafkaasoo curyaamiyay awooddii Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ah ay u lahayd inay wax kaga qabato arrimaha muhimka ah. Hogaanka Soomaaliyeed waa inay ahaadaan kuwo midaysan kuna hawlan waajbaadkooda.
“Sannad wax ka yar ayaa ka hartay xuilliga kala guurka ah oo dhammaanaya bisha Agoosto 2011, waxaana la doonayaa in la qabto hawlo aad u badan”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah. “Mar labaad waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka taageera nabadda iyo amniga inay wadashaqayn muujiyaan. Bulshada caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeedba waxay madaxda Soomalida ka dhowrayaan inay midoobaan mana doonayaan inay arkaan dhibaato siyaasadeed ee soo noqnoqota. Waa inayna jirin cudurdaar kale oo lagu hakinayo geeddisocodka nabadda.”
