UNPOS
United Nations Political Office for Somalia SO

Closure of UNPOS

The United Nations Political Office for Somalia (UNPOS), established on 15 April 1995, supported the Federal Government’s peace and reconciliation efforts. Its mandate ended on 3 June 2013, with its responsibilities transferred to the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM).

Warqad furan oo ku socota Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliyeed

Moqadisho, 6da September 2012 – Walaalayaal, Marwooyin iyo Mudanayaal, Asalaamu Caleykum. Waxaan warqaddan idiinku soo qorayaa iyadoo ay noo soo dhowdahay maalin dhab ahaantii aad muhiim ugu ah dhammaan dadka soomaaliyeed. Ka dib muddo labaatan sano ah oo lagu jiray dagaal sokeeye, burbur dowladeed iyo niyad jab aan la soo koobi karin oo ku dhacay dadka Soomaaliyeed ee sharafta leh, waxaan maanta ku jirnaa saacadihii ugu dambeeyey markii la qaban lahaa doorashada Madaxweyne cusub – arrintaasoo ah dhacdadii gebi ahaanba soo afjaraysa xilliga ku-meelgaarka ah waxaana loo gudbayaa marxalad ah isbedel siyaasadeed iyo mid bulsho-dhaqaale.