UNPOS
United Nations Political Office for Somalia SO

Closure of UNPOS

The United Nations Political Office for Somalia (UNPOS), established on 15 April 1995, supported the Federal Government’s peace and reconciliation efforts. Its mandate ended on 3 June 2013, with its responsibilities transferred to the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM).

Hadal loo wada dhanyahay laguna cambaayeynayo weerarka AlShabab ay ku Qaadday dadka reer Muqdisho

Nayroobi, 26 Agooto 2010 – Norway, Maraykanka, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaiya (AMISOM), Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya waxay si kulul u cambaareynayaan weerarka joogtada ah ee ay kooxaha xagjirka ahi ku hayaan dadka reer Muqdisho. Weerrarkan bahalnimada ah wuxuu ka socdaa dhowr dhinac. Waxaana ka mid ah sida sharci darradaha ah ee loo joojinayo cuntada gargaarka baniaadanimo iyo dilka naxariis darrada ah ee loo geysto dadka aan waxba galabsan, sida weerarkii lala beegsaday Hoteel Muna ee sababay dhimashada dad badan oo rayid ah. Waxaan tacsi u diraynaa dadka dhibaatada loogu geysto dalkoo dhan iyo qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii lagu laayay weerarkii Muqdisho.

Weerarkan sida gaarka ah loogu soo beegay bishan barakaysan ee Ramadan wuxuu ka marag kacayaan sida kuwa soo qaaday ayna inaba wax xurma ah ugu haynin nafta baniaadanka. Waxaanu si gaar ah uga welwelnahay dadka shisheeye ee dalka dagaal u jooga lana hawlgalaya Al-Shabaab si dhibaato loogu geysto dadweynaha Soomaaliyeed. Waxaa cad in kooxdani ay danaynayso keliya burburinta iyo in ummadda Soomaaliyeed lagu hayo dhibaatada.

Waxaa dhab ah in qaswadayaashu ayna guuleysanayn. Geeddisocodka nabadduna wuu ka sii socdon doonaa Soomaaliya, inkastoo kuwo laga tira badanyahay ay doonayaan inay joojiyaan. Norway, Maraykanka, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaiya, AMISOM, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda waxay ballanqaadayaan inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan Dowladda iyo dadka Soomaaiyeed oo ku hawlan in si dhaqso ah oo waarta loo dhammeeyo dhibaatada ka taagan Soomaaliya si ummadda Soomaaliyeed u hesho mustaqbal aaya leh.

[Bayaan]