Nayroobi, 21 Sebtember 2010 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine P. Mahiga, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Boubacar Diarra, iyo Xiriiiriyaha Ururgoboleedka IGAD u Qaabilsan Arrimaha Nabadda iyo Dibuheshiisiinta Qaran ee Soomaaliya, Md. Kipruto Arap Kirwa, ayaa ugu baaqay kooxaha Soomaalida ee foodda iskula jira colaadda hubaysan inay xabbadda joojiyaan maalintan xurmada leh (Maalinta Nabadda Adduunka oo ku beegan 21ka Sebtember) oo ay markaasna sii wadaan si loo gaaro nabad waarta.
Maalinta Nabadda Adduunka waxaa lagu asaasay qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay sannadkii 1981 waxaana dabbaaldeggii ugu horeeyay ee Maalinta Nabadda Adduunka la qabtay sannadkii ku xigtay ee 1982. Maalintan waxaa loola danleeyahay inay xoojiso fikradaha la xiriirta nabadda iyo inay yareyso kacdoonka iyo sababaha dhaliya iskahorimaadka. Intaa waxaa dheer, shirmadaxeedkii Ururka Midowga Afrika ee lagu qabtay Libya bishii Disembar ee sannad hore ayaa u aqoonsaday sannadka 2010 inuu ahaado Sannaddii Nabadda iyo Amniga Afrika.
“Nabaddu waxay ka mid tahay xuquuqda asaasiga ee baniaadamka, qof walbana waa inuu ku naaloodaa” ayey yiraahdeen wakiillada. “Arrintan waxay si gaar ah u khuseysaa Soomaaliya oo dadka rayidka ah 20kii sanno ee la soo dhaafay ay ku haysatay colaad, deganaansho la’aan iyo nolol xumo. Waxaa ah wax laga naxo in la maqlo dhibaatada maalin walba haysata dadkaasi.
“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin nabad iyo xasillooni. Waa inaan sameynaa wax kastoo suurtogal ah si aan qof walba u siino amni iyo xasillooni, iyo inaan si gaar ah u rajagelino da’yarta. Ma doonayno in facaha ama jiilasha soo socota ay u dhibaatoodaan sidii aabbayaashooda.”
Sannad walba waxaa la abaabulaa xaflado loogu dabbaaldegayo laguna xusayo maalintan. Xaflado ayaa la qorshaynayaa inay ka dhacaan Nairobi, Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa.
“Qof kasta meel kasta ha joogee wuxuu u dabbaaldegi karaa Maalintan Nabadda Caalamiga.”, ayay ku baaqeen wakiilladu. “Dhammaanteen aan mar labaad u wada hawlgalno si nabad Soomaaliya looga xaqiijin lahaa.”
