Waxaan arkay go’aanka uu Barlamaanka Federaalka Ku Meelgaarku muddadiisa ku kodhistay saddex sanno. Arrintani waa go’aan aan lagu farxaynin laguna degdegay iyadoo dooddii iyo wadatashigii loo baahnaana aan la gaarsiin heerkii la rabay si loo soo afjaro muddada ku meelgaarka isla markaana la isla afgarto sida xaaladda siyaasadda ay noqon doonto wixii ka dambeeya 20ka Agoosto 2011. Dhab ahaantii, waxaa wadahadallada horeyba loola billaabay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha laakiin arrintaa lama raacin. Maanta, waxaan kulan la yeeshay Ururka Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD si aanu wadahadal dheeraad ah uga yeelanno natiijadii ka soo baxday Shirmadaxeedkii Urur Goboleedka IGAD ee ka dhacay magaalada Addis Ababa 31kii Janaayo 2011. Waxaan annagoo wadajira ku heshiinay inaan sida ugu dhakhsiyaha badan kulan ula yeelano madaxda hay’adaha federaalka ku meelgaarka ah si aan uga wadahadalno wixii la qaban lahaa mustaqbalka annagoo xaqiijinayna xasillooni iyo isbeddel. Dadka Soomaaliyeed waxay mudanyihiin isla markaana filayaan inay arkaan isbeddel. Hay’adaha federaalka waxaa ma’uuliyad ka saaran inay hirgeliyaan isbeddelkan iyagoo la tashanaya maamullada iyo hay’adaha waaweyn ee metela dadka Soomaaliyeed iyo saxiibada muhimka ah ee bulshada caalamka. Waxaany sii wadaynaa inaan la shaqayno madaxda Soomaaliyeed annagoo muujinayno hufnaan, iskaashi iyo isaaminid.
Nairobi, 04 Febraayo 2011
